Uncategorized

Roobab Ka da’ay Degaanada Ximan iyo XeebInta badan degaanada uu ka arrimiyo dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ka da’ay roobab lagu diirsaday waxaana roobabku ay ka da’een degaano farabadan oo hoos yimaada dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb iyo kuwa ka tirsan gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya. Maalihii lasoo dhaafay ayaa qaar kamid ah dadka ku dhaqan degaanada miyiga ah ee hoos yimaada dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb waxaa kasoo yeerayay qeylo dhaan ku aadan xiliga jilaalka oo daba dheeraaday balse dadka iyo deganada qaar kood ayaa haatan helay qabow ama roobab ay ku diirsadaaan. Roobka ayaa u badnaa degaanada woqooyi galbeed ee dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo ay ka mid yihiin daca-dheer iyo biyo guduud sidoo kale roobka ayaa jiray degaanada bari iyo kuwa koofur bari ee dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb. Magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ka mid ah meelaha uu ka da’ay roobka si kastaba roobka oo mudo saacado ah socday ayaa la filayaa in dhulku ama degaanadu ay u baahan yihiin roob kale madaama kuleyl aad u farabadan lasoo maray hadana mar iyo labo aysan ku qabowsan karin xoolaleyda ku nool degaanada miyiga ah.

Roobab Ka da’ay Degaanada Ximan iyo XeebInta badan degaanada uu ka arrimiyo dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ka da’ay roobab lagu diirsaday waxaana roobabku ay ka da’een degaano farabadan oo hoos yimaada dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb iyo kuwa ka tirsan gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya. Maalihii lasoo dhaafay ayaa qaar kamid ah dadka ku dhaqan degaanada miyiga ah ee hoos yimaada dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb waxaa kasoo yeerayay qeylo dhaan ku aadan xiliga jilaalka oo daba dheeraaday balse dadka iyo deganada qaar kood ayaa haatan helay qabow ama roobab ay ku diirsadaaan. Roobka ayaa u badnaa degaanada woqooyi galbeed ee dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo ay ka mid yihiin daca-dheer iyo biyo guduud sidoo kale roobka ayaa jiray degaanada bari iyo kuwa koofur bari ee dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb. Magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ka mid ah meelaha uu ka da’ay roobka si kastaba roobka oo mudo saacado ah socday ayaa la filayaa in dhulku ama degaanadu ay u baahan yihiin roob kale madaama kuleyl aad u farabadan lasoo maray hadana mar iyo labo aysan ku qabowsan karin xoolaleyda ku nool degaanada miyiga ah..

Standard

Leave a comment