Uncategorized

Maxa laga faa’iidey FaragelintaDowladaha Safka hore sida Kenya iyoItoobiya (Warbixin Xasaasi ah)Sida aan ka warqabno waxaa waayadan danbesoo badanayey eedeynta loo jeedinayeyDowladda Kenya gaar ahaan Siyaasadeeda kuwajahan Gobolada Jubooyinka halkaasi oo aydabada ka riixeyso kooxo Soomaali ah oo ay kasoo uruurisay Xeryahay Qaxootiga iyoMagaalooyinka Waqooyi Bari ee Kenya sihalkaasi looga sameeyo Maamul Goboleed ayIyadu maamusho si ay ugu fushato danaheedaIyadoo ka faa’iideysaneyso Howlgalka Amisomee ay qeybta ka yihiin Ciidamdeeda JoogaKoonfurta Soomaaliya.Waxaa iyadana qaska dhinaceeda ka waddoDowladda Itoobiya oo isqarineyso iyadoo Kenyaay heshiis ku yihiin in meesha laga sameeyoMaamul Goboleed hoos yimaada labadanDowladood kaasoo ay horboodayaanSiyaasiyiinta fulisa danahood burburintaSoomaaliya iyo kala qeynteeda.Burburkii ku dhacay Dowladdii Soomaaliyeedwaxaa ka danbeeyey waa kuwa qaska ka wadahadda Wadanka waa hadaanan isdiidsiineynininkasta oo uu qiray arinkaasi Madaxweynihiihore ee Kenya,waxa ayna ujeedadu ahayn in aanla arag dowlad Soomaaliyeed oo xoogan taas ooqatar gelin karta Iyaga.Markii la soo dhisay Dowladdi C/qaasin SalaadXasan 2000 waxa ay isku dayday in la soo celiyodowladnimadii iyo kala danbeyntii iyadoo aan lalooyeeran Ciidamo Shisheeye si aan loogu dhicinmishkilad ka qatar badan middii laxalinaayey,waxa ayna Dowladdaasi kuguuleystay ugu yaraan in magacii Soomaaliya iyoCalankii lagu soo celiyo fagaarayaasha Caalamkainkastoo ay la kulmeysey faragelin ba’an oo kagaimaaneysey Qaswadayaasha Dariska marka lagareebo Jabuuti.Markii la soo doortay C/laaahi Yuusuf islamarkiiba waxa uu dalbaday in la siiyo CiidamoShisheeyo si uu ugu qabto Wadanka,wuxuunaBaarlamaankii waqtigaasi jiray hordhigay in laansaxiyo in Ciidamo Shisheeyo la keenowadanka laakiin isla markiiba waxaa fahmayqorshaha C/laahi Siyaasiyiin badan ooSoomaaliyeed oo Baarlamaanka ku jiray waxaayna Isbaaro u dhigteen qorshihii C/laahi iyoKooxdiisi, wuxuuna gabaa gabadii Baarlamaankau codeeyey dagaal dheer ka dib in aan wadankala keenin Ciidamo ka socda Dowladaha Safkahore sida Jabuuti,Kenya iyo Itoobiya.Ujeedada ka danbeysey in Baarlamaanku diido inWadanka la keeno Ciidamo ka socda Itoobiya iyoKenya waxa ay ahayd talaabo wanaagsan ooxikmad ku salaysan,waxa ayna Soomaalidu uarkaayeen in faragelin millitary oo ka timaadaDowladaha Safka hore ay abuureysoxasaasiyad,dhinaca kalena ay khatar ku tahayjiritaanka dowlad Soomaaliyeed maadaama ayhorey u burburiyeen Dowladdii Soomaaliyeediyo in ay adkaandoonta in laga saaro Ciidamoodagudaha Wadanka laakiin dhag jalaq looma siinwaxa la soo geliyey Ciidamadii Itoobiya iyagoosoo taabtay Caasimaddii Dalka iyo XeryihiiCiidamada Soomaaliya{taariikh madow iga dheh}.faa’iidadiina waxa ay noqotay in la laayokumanaan kun oo Soomaali ah lana burburiyoCaasimadeeniiKhaladkii ay Shalay galeen C/laahi Yuusuf iyokooxdiisa ee ay Wadanka ku soo geliyeenCiidamada Itoobiya isla kii waxaa galay DowladdiiShariifka oo ogolaatay in Ciidamada Kenya soogalaan Wadanka amar la’aan inkasta oo markiidanbe la siiyey magaca Amisom oo ay hadda ugahowlagalaan Koonfurta Soomaaliya,waxa aynaCiidamada Kenya ka geysteen gabood falobadan oo isugu jira jirdil,dil bareer ah iyo walibabahdil ay ku hayaan Madaxda ka socotoDowladda Federaalka waxaana intaasi u dheer inay faragelin siyaasadeeda ku hayaan gudahaWadanka halka ay ahayd in ay u dhaqmaan sidaay u dhaqmaan Ciidamada kale ee Amisom.Hadii shalay laga digay in Wadanka la keenoCiidamo ka socda Dowladaha Safka hore gaarahaan Kenya iyo Itoobiya iyadoo lagahortagaayey waxa maanta laga cabanayo laakiinma dhicin Bal waxaa Wadankii la soo geliyeydadkii shalay laga digaayey waxa ayna ahayd inSoomaalida iska aamusto oo ceebteeda qarsatomaadaama aysan lahayn caqli shaqeeyo oo wixiisoo socda ka fikiro.Waan naqaana Itoobiya iyo Kenya waxa ay yihiiniyo waxa ay ka rabaan Wadankan umanamalaynayo qof Soomaali ah in uu kheyr kafilanayo ee maxaa xal ah?Waxaan u soo jeedinayaa DowladdaFederaalka iyo Shacabka Soomaaliyeeddhowr qodob.1-in Baarlamaanku soo saaro sharci cusub oo kamamnuucayo Dowladaha Safka hore in ay kahowlgalaan gudaha Wadanka kuwa hadda kujirana ka baxaan.2-In Baarlamaanku soo saaro sharci kamamnuucayo Urur Goboleedka Igad in ay kahadlaan Arimaha gudaha Soomaaliya.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s