Uncategorized

12/06/2013 )by freelance journalist bashir Iftiin Xasan Baasto iyo C/naasir Seeraar oo sheegay in dagaalkii Kismaayo uu istaagay Maamulka Raaskaambooni ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu dhamaaday dagaalkii Magaalada Kismaayo ka socday ee udhaxeeyay ciidanka Raaskaambooni iyo kuwa Iftiin Xasan Baasto. C/naasir Seeraar afhayeenka maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo ayaa usheegay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho in xabadii ka socotay Magaalada Kismaayo ay dhamaatay. “Wuu dhamaaday dagaalkii Kismaayo odayaasha Magaalada iyo kuwa qabaa’ilada ayaa soo kala dhexgalay dagaalkii Kismaayo,hadana wuu dhamaaday’Ayuu yiri Seeraar. Iftiin Xasan Baasto oo isagana ah shaqsi sheegta Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo dagaalka magaalada Kismaayo kula galay ciidanka Axmed Madoobe ayaa dhankiisa sheegay in dagaalkii Magaalada Kismaayo uu hada istaagay. “Dagaalkii wuu istaagay Odayaasha dhaqanka ayaa waan-waan wada,marka horeba dagaalka ururka manaxayaasha Raaskaambooni ayaa bilaabay oo shacabka dagaal ku bilaabay laakiin hada wuu istaagay dagaalka”Ayuu yiri Iftiin Xasan baasto. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo shalay Magaalada Muqdisho dib ugu soo noqday ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka socday Magaalada Kismaayo,Dowladda ay ku guuleesatay inay xabad joojin kala dhexdhigto dhinacyadii dagaalamay. Kismaayo ayaa xaaladeeda shalay iyo maanta waxa ay tahay mid degan iyadoo ciidankii dagaalamay ay kuwada sugan yihiin Magaalada gudaheeda.

Standard

3 thoughts on “12/06/2013 )by freelance journalist bashir Iftiin Xasan Baasto iyo C/naasir Seeraar oo sheegay in dagaalkii Kismaayo uu istaagay Maamulka Raaskaambooni ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu dhamaaday dagaalkii Magaalada Kismaayo ka socday ee udhaxeeyay ciidanka Raaskaambooni iyo kuwa Iftiin Xasan Baasto. C/naasir Seeraar afhayeenka maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo ayaa usheegay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho in xabadii ka socotay Magaalada Kismaayo ay dhamaatay. “Wuu dhamaaday dagaalkii Kismaayo odayaasha Magaalada iyo kuwa qabaa’ilada ayaa soo kala dhexgalay dagaalkii Kismaayo,hadana wuu dhamaaday’Ayuu yiri Seeraar. Iftiin Xasan Baasto oo isagana ah shaqsi sheegta Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo dagaalka magaalada Kismaayo kula galay ciidanka Axmed Madoobe ayaa dhankiisa sheegay in dagaalkii Magaalada Kismaayo uu hada istaagay. “Dagaalkii wuu istaagay Odayaasha dhaqanka ayaa waan-waan wada,marka horeba dagaalka ururka manaxayaasha Raaskaambooni ayaa bilaabay oo shacabka dagaal ku bilaabay laakiin hada wuu istaagay dagaalka”Ayuu yiri Iftiin Xasan baasto. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo shalay Magaalada Muqdisho dib ugu soo noqday ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka socday Magaalada Kismaayo,Dowladda ay ku guuleesatay inay xabad joojin kala dhexdhigto dhinacyadii dagaalamay. Kismaayo ayaa xaaladeeda shalay iyo maanta waxa ay tahay mid degan iyadoo ciidankii dagaalamay ay kuwada sugan yihiin Magaalada gudaheeda.

  1. Ajaytao2010 says:

    Nice reading about you

    Thanks for visiting my blog. Be in touch. Browse through the category sections, I feel you may find something of your interest.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s