Uncategorized

by bashir tadhase Hub badan uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia u diray Kismaayo oo laqabtay (Warbixin xasaasi ah). Afhayeenkii Hore ee Maamulkii ku meel-gaarka Kismaayo C/naasir Seeraar, ayaa waxa uu Eedeymo kulul u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia Md. Cabdi kariim Xuseen Guuleed. Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay inay qabteen Hub culus oo uu Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumada soomaaliya Cabdi kariim Xuseen Guuleed galinaayay Magaallada Kismaayo. Afhayeenka waxa uu Tilmaamay inay gacanta ku dhigeen Hubkaasi dadkii wadayna ay sheegeen inuu usoo dhiibay Wasiirka Arrimaha gudaha oo uu ugu talagalay in lagu hubeeyo Kooxaha kasoo horjeeda Garabka Axmed Madoobe. Sidoo kale, Seeraar, waxa uu sheegay in Wasiirka uu ka qeybqaatay Dagaalkii labada maalin ka socday Kismaayo, waxa uuna Xusay inuu kamid ahaa Mas’uuliyiintii Dagaalka hurineysay. Seerar ayaa waxa uu dhowr mar siyaabo kala duwan u eedeeyay Madaxda Dowladda Somalia, isagoo muujinaayo inuu garabsiinaayo Axmed Madoobe, wallow inta badan Eedeymahaasi ay Dowladda Somalia dhagaha ka fareysato. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumada soomaaliya Cabdi kariim Xuseen Guuleed, weli kama uusan hadlin wararka sheegaya in la qabtay Hub uu u diray Magaallada Kismaayo. Ugu dambeyntii, Xukuumadda Somalia ayaa waxa ay horay u cadeysay mowqifkeeda ku aadan dhanka Kismaayo iyadoona cadeysay inaysan aqoonsaneyn Madaxda isku magacaabay Magaallada KIsmaayo oo uu qeybta ka yahay Axmed Madoobe. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.

[12-06-2013 00:40]
Hub badan uu Wasiirka Arrimaha Gudaha
Somalia u diray Kismaayo oo laqabtay
(Warbixin xasaasi ah).
Afhayeenkii Hore ee Maamulkii ku meel-gaarka
Kismaayo C/naasir Seeraar, ayaa waxa uu
Eedeymo kulul u jeediyay Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Gudaha Somalia Md. Cabdi kariim
Xuseen Guuleed.
Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay inay qabteen
Hub culus oo uu Wasiirka arrimaha gudaha iyo
amniga qaranka ee xukuumada soomaaliya Cabdi
kariim Xuseen Guuleed galinaayay Magaallada
Kismaayo.
Afhayeenka waxa uu Tilmaamay inay gacanta ku
dhigeen Hubkaasi dadkii wadayna ay sheegeen
inuu usoo dhiibay Wasiirka Arrimaha gudaha oo
uu ugu talagalay in lagu hubeeyo Kooxaha kasoo
horjeeda Garabka Axmed Madoobe.
Sidoo kale, Seeraar, waxa uu sheegay in
Wasiirka uu ka qeybqaatay Dagaalkii labada
maalin ka socday Kismaayo, waxa uuna Xusay
inuu kamid ahaa Mas’uuliyiintii Dagaalka
hurineysay.
Seerar ayaa waxa uu dhowr mar siyaabo kala
duwan u eedeeyay Madaxda Dowladda Somalia,
isagoo muujinaayo inuu garabsiinaayo Axmed
Madoobe, wallow inta badan Eedeymahaasi ay
Dowladda Somalia dhagaha ka fareysato.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee
xukuumada soomaaliya Cabdi kariim Xuseen
Guuleed, weli kama uusan hadlin wararka
sheegaya in la qabtay Hub uu u diray Magaallada
Kismaayo.
Ugu dambeyntii, Xukuumadda Somalia ayaa
waxa ay horay u cadeysay mowqifkeeda ku
aadan dhanka Kismaayo iyadoona cadeysay
inaysan aqoonsaneyn Madaxda isku magacaabay
Magaallada KIsmaayo oo uu qeybta ka yahay
Axmed Madoobe.
.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s