Uncategorized

#kismaayo ) Waxaa shir ballaaran isugu yimid Guddi loo saarey sababaha dhaliyey iyo xalinta dagaalkii Kismaayo ka dhacay 7 -8 June 2013, Salaadiinta Jubba Land iyo waxagaradka, shirka ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Ugu horeyntii waxaa shirkaas ka hadley Prof.Maxamed Cabdi Ghaani oo madax u ahaa guddigaas, Ghandi ayaa sheegay in ay soosaareen qodobo ku aadan nabadeynta Kismaayo iyo cidii ka danbeysey dagaalka iyo sidii loo daba geli lahaa. Ghaandi ayaa sheegay in ay Kismaayo ku sugan yihiin muddo 4 maalmood ah isla markaasna ay arkeen dhamaan beelaha dega halkaas, waxaana aan kala doodney ayuu yiri saddex qodob oo kala ah: 1. In deegaanka nabad lagu soo dabaalo , cooladahana la soo afjaro 2. In la dhamaystiro nidaamka hadda socda ee Jubba Land 3. In la raadiyo oo la caddeeyo cidda masuulka ka ah dhibaatooyinkii dhacay ee dadku ku dhinteen Prof.Ghandi ayaa soo bandhigey dadkii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmey dagaalkii, waxaana uu sheegay in aan laga hareyn dadkii ka danbeeyey dagaalkaas ee soo abaabuley loona gudbin doono hay’adaha ay khuseyso. gaandi ayaa si toos ah ugu eedeeyey dagaalkii Kismaayo in 95% ay Dowladda federaalka ee Muqdisha fadhidaa soo abaabushey. “In Dad ka badan 75 qof ay hal maalin dhintaan, 100 kalena ku dhaawacmaan, hanti badana ku burburto, dhibaatadaas iyada ah oo dhacdey, guddi ayaa la qaban, ururada xuquuqda aadanaha u dooda la horgeeyo oo ay daba galaan dadkii masuulka ka ahaa oo Maxkamad la keeno, marna ma dhicin intii Al-Shabaab laga xoreynaayey in maalin keliya 75 qof dhimato, 95% waxaa masuul ka ah dagaalkaas Dowladda Soomaaliyeed” prof.Maxamed Cabdi Ghandi Dowladdu waxay horey ugu dhawaaqdey in Kismaayo dagaal ka dhacaayo ayuu yiri Ghandi. Salaadiintii ka hadley shirkaas waxaa ka mid ahaa Ugaas Maxamed Ugaas Xaaji Ugaas Xirsi, Suldaan Cabdullaahi Cali Sonkor, waxaana ay isku raaceen in si wada jir ah loola shaqeeyo maamulka Jubba Land.

Waxaa shir ballaaran isugu yimid Guddi loo
saarey sababaha dhaliyey iyo xalinta dagaalkii
Kismaayo ka dhacay 7 -8 June 2013, Salaadiinta
Jubba Land iyo waxagaradka, shirka ayaa ka
dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
Ugu horeyntii waxaa shirkaas ka hadley
Prof.Maxamed Cabdi Ghaani oo madax u ahaa
guddigaas, Ghandi ayaa sheegay in ay
soosaareen qodobo ku aadan nabadeynta
Kismaayo iyo cidii ka danbeysey dagaalka iyo
sidii loo daba geli lahaa.
Ghaandi ayaa sheegay in ay Kismaayo ku sugan
yihiin muddo 4 maalmood ah isla markaasna ay
arkeen dhamaan beelaha dega halkaas, waxaana
aan kala doodney ayuu yiri saddex qodob oo
kala ah:
1. In deegaanka nabad lagu soo dabaalo ,
cooladahana la soo afjaro
2. In la dhamaystiro nidaamka hadda socda ee
Jubba Land
3. In la raadiyo oo la caddeeyo cidda masuulka ka
ah dhibaatooyinkii dhacay ee dadku ku dhinteen
Prof.Ghandi ayaa soo bandhigey dadkii ku
dhintey iyo kuwii ku dhaawacmey dagaalkii,
waxaana uu sheegay in aan laga hareyn dadkii
ka danbeeyey dagaalkaas ee soo abaabuley
loona gudbin doono hay’adaha ay khuseyso.
gaandi ayaa si toos ah ugu eedeeyey dagaalkii
Kismaayo in 95% ay Dowladda federaalka ee
Muqdisha fadhidaa soo abaabushey.
“In Dad ka badan 75 qof ay hal maalin dhintaan,
100 kalena ku dhaawacmaan, hanti badana ku
burburto, dhibaatadaas iyada ah oo dhacdey,
guddi ayaa la qaban, ururada xuquuqda
aadanaha u dooda la horgeeyo oo ay daba
galaan dadkii masuulka ka ahaa oo Maxkamad la
keeno, marna ma dhicin intii Al-Shabaab laga
xoreynaayey in maalin keliya 75 qof dhimato,
95% waxaa masuul ka ah dagaalkaas Dowladda
Soomaaliyeed”
prof.Maxamed Cabdi Ghandi
Dowladdu waxay horey ugu dhawaaqdey in
Kismaayo dagaal ka dhacaayo ayuu yiri Ghandi.
Salaadiintii ka hadley shirkaas waxaa ka mid ahaa
Ugaas Maxamed Ugaas Xaaji Ugaas Xirsi,
Suldaan Cabdullaahi Cali Sonkor, waxaana ay
isku raaceen in si wada jir ah loola shaqeeyo
maamulka Jubba Land.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s