Uncategorized

#kenyan soldiers killed several somali government soldiers in jubbaland today Ciidamada Kenya oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ku laayay deegaanka Hoosingoow Sabti, June 15, 2013 Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ku sugan gobolka J/hoose islamarkaana qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen deegaanka Hoosingoow ee gobolka J/hoose, kadib iska horimaad dhexmaray labada dhinac. Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan deegaano ku dhow Hoosingoow, iska- horimaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Kenya ay is-hortaag ku sameeyeen askar ka tirsan ciidamada dowladda oo doonayay in ay isaga tagaan deegaanka Hoosingoow, waxayna arintaasi keentay in labada dhinac uu dhexmaro iska-horimaad xooggan. Warar xog ogaal ah oo aynu ka heleyno deegaanka Hoosingoow ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana iska horimaadkaasi ku nafwaayay askar ka tirsan ciidamada dowladda. Afar askari ayaa iska horimaadkaasi ku dhimatay sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan gobolka J/ hoose. Isgaarsiintii deegaanka Hoosingoow ayaa hawada laga saaray, Ilaa imikana ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac mana jiraan masuuliyiin ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo faahfaahin ka bixiyay arintaasi. Dhacdadan ayaa kusoo beegmeeysa xilli dhawaan qeybo ka tirsan gobolka J/hoose ay soo gaareen ciidamo ka socda dowladda Siera Leone kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

Sabti, June 15, 2013 :- Ciidamo ka tirsan
kuwa Kenya ee ku sugan gobolka J/hoose
islamarkaana qeybta ka ah howlgalka AMISOM
ayaa lagu soo waramayaa in ay askar ka tirsan
ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen
deegaanka Hoosingoow ee gobolka J/hoose,
kadib iska horimaad dhexmaray labada dhinac.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan
deegaano ku dhow Hoosingoow, iska-
horimaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamada
Kenya ay is-hortaag ku sameeyeen askar ka
tirsan ciidamada dowladda oo doonayay in ay
isaga tagaan deegaanka Hoosingoow, waxayna
arintaasi keentay in labada dhinac uu dhexmaro
iska-horimaad xooggan.
Warar xog ogaal ah oo aynu ka heleyno
deegaanka Hoosingoow ayaa sheegaya in
labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka
noocyadiisa kala duwan, waxaana iska
horimaadkaasi ku nafwaayay askar ka tirsan
ciidamada dowladda.
Afar askari ayaa iska horimaadkaasi ku dhimatay
sida xaqiijiyay sarkaal ka tirsan
ciidamada dowladda oo ku sugan gobolka J/
hoose.
Isgaarsiintii deegaanka Hoosingoow ayaa
hawada laga saaray, Ilaa imikana ma cadda
khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada
dhinac mana jiraan masuuliyiin ka tirsan
ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo
faahfaahin ka bixiyay arintaasi.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeeysa xilli
dhawaan qeybo ka tirsan gobolka J/hoose ay
soo gaareen ciidamo ka socda dowladda Siera
Leone kuwaasoo qeyb ka noqon doona
howlgalka ciidamada Midowga Afrika ay ka
wadaan Soomaaliya.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s