Uncategorized

Xilli khamiistii la soo dhaafay ay Ximan iyo Xeeb
ka dhacday doorashado madaxtinimo oo lagu
doortay madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb
hogaamin doona sadexda sano ee soo socota
Mudane C/llahi Cali Maxamed Kadiye iyo ku
xigeenkiisa Cabdi Maxamed Axmed-nuur ayaa
waxaa doorashadaasi habka ay u dhacday
amaanay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi
Faarax Shirdoon.
C/qaadir Sayid Axmed Xaaji oo ka socday
xafiiska R/wasaaraha oo goobjoog ka ahaa
doorashada ayaa ku tilmaamay sida ay wax u
dhaceen arrin aad loogu farxo oo kudayasho
mudan.
Waxa uu sheegay Mr C/qaadir in tani au fariin u
tahay gobolada dhexe oo dhan , isagoo xusay in
dadka Ximan iyo Xeeb ay siyaasadda u
bislaadeen maadaama ay musharxiintii
doorashada looga adkaaday ay natiijada
aqlabeen si niyad wanaag ah.
Waxa uu u hambalyeeyay madaxda cusub ee la
doortay iyo kuwii hore iyo hay’adaha ammaanka
Ximan iyo Xeeb, shacabka iyo saraakiil ka
socotay dawlada Federalka oo ka qayb
qaadanayay hanaanka nabadgalyada xilliga
doorashada.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s