Uncategorized

Gaadiid la’aan soo wajaheysa Stockholmberito kadib howl joojin ay kudhawaaqeen darawalada basaskadadweynaha.Caawa saqda dhexe ayey bilaaban doontaa howljoojin ay sameynayaan dareewalada gaadiidkadadweynaha (basaska) ee ka shaqeeyamagaalooyin ka tirsan dalka Sweden oo ay kamid tahay caasimadda Stockholm.Howljoojintan ayaa ku timid khilaaf la xiriirakordhinta mushaaraadka, saacadaha shaqada iyoqaababka shaqada, iyadoo khilaafkaasina uu udhexeeyo shirkadda basaska, ururadashaqaalaha iyo maamulada degmooyinka,Waxaana goobaha ay saameyn doonto ka mid ahqeybo ka mid ah Stockholm, Södertälje oo kutaal duleedka Stockholm iyo magaalada Umeå.Shaqo joojintan oo wejigeeda hore berito oodhan socon doono ayaa la sheegay in hadii aanxal rasmi ah laga gaarin khilaafkan in 24ka bishanshaqo joojin midan ka weyn ay dareewaladu kudhaqaaqi doonaan iyadoo ay ku soo biiridoonaan magaalooyin hor leh sida:Jönköping,Gävle iyo Östersund.Laymanka ay saameynta weyn ku yeelan doontohowl joojintan ayaa waxaa ka mid ah basaskamara xaafadaha ay Soomaalidu uga nool yihiinStockholm sida Rinkeby iyo Tensta. Kuwaa oo aylambaradoodu kala yihiin: 179, 540 iyo 514.Howljoojintan ayaa culeys badan ku yeelandoonto magaalada marka ay dadku gaadiidkoodagaarka ah la soo baxaan iyadoo taasi ay keenikarto mashquul fara badan oo ka dhasha

Gaadiid la’aan soo wajaheysa Stockholm
berito kadib howl joojin ay ku
dhawaaqeen darawalada basaska
dadweynaha.
Caawa saqda dhexe ayey bilaaban doontaa howl
joojin ay sameynayaan dareewalada gaadiidka
dadweynaha (basaska) ee ka shaqeeya
magaalooyin ka tirsan dalka Sweden oo ay ka
mid tahay caasimadda Stockholm.
Howljoojintan ayaa ku timid khilaaf la xiriira
kordhinta mushaaraadka, saacadaha shaqada iyo
qaababka shaqada, iyadoo khilaafkaasina uu u
dhexeeyo shirkadda basaska, ururada
shaqaalaha iyo maamulada degmooyinka,
Waxaana goobaha ay saameyn doonto ka mid ah
qeybo ka mid ah Stockholm, Södertälje oo ku
taal duleedka Stockholm iyo magaalada Umeå.
Shaqo joojintan oo wejigeeda hore berito oo
dhan socon doono ayaa la sheegay in hadii aan
xal rasmi ah laga gaarin khilaafkan in 24ka bishan
shaqo joojin midan ka weyn ay dareewaladu ku
dhaqaaqi doonaan iyadoo ay ku soo biiri
doonaan magaalooyin hor leh sida:Jönköping,
Gävle iyo Östersund.
Laymanka ay saameynta weyn ku yeelan doonto
howl joojintan ayaa waxaa ka mid ah basaska
mara xaafadaha ay Soomaalidu uga nool yihiin
Stockholm sida Rinkeby iyo Tensta. Kuwaa oo ay
lambaradoodu kala yihiin: 179, 540 iyo 514.
Howljoojintan ayaa culeys badan ku yeelan
doonto magaalada marka ay dadku gaadiidkooda
gaarka ah la soo baxaan iyadoo taasi ay keeni
karto mashquul fara badan oo ka dhasha

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s