Uncategorized

Madaxda Somalida Ethiopia Arrimaha Khuseeya Maamulka Jubaland. Safarkani uu maanta ku gaaray Jigjiga ayaa la sheegayaa inay ku weheliyan xubno ka tirsan Jubaland iyo qaybaha bulshada. Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ku tego Magaallada Jigjiga isagoona ka hor Socdaal Saacado qaatay la yeeshay Madax iyo Saraakiil ka tirsan Ciiddamadda Ethiopia, kadibna waxa uu u ambabaxay Magaallada Jigjiga. Booqashada uu ku tegay Jig-jiga ayaa ku soo beegmaysa xili Madaxweynaha Kilalka shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Omar dhawaan amar lagu siiyay inaanu faro gelin arimaha Somaliya ee uu ku ku ekaado hawlaha Maamulka dawlad Goboleedkiisa. Amarkaasoo ka soo baxay xafiiska Raysal-Wasaaraha Itoobiya Haile Maryam Deselgn , bishii hore, isla markaana loogu sheegay Mr. Cabdi Omar in wixii ka baxsan Siyaasada gudaha ee dalka Itoobiya ay u xilsaarantahay wasaaradda arrimaha dibada dawlada Federaalka Itoobiya, ayaan la ogayn inuu ku dhaqmi doono haatan, dabadeed iska fogayn doono Madaxweyne sheegtay inuu Mas’uul ka yahay Arrimaha Jubaland. Waxaana laga yaabaa hadii Axmed Madoobe u socdo arimo Siyaasadeed iyo inuu u gala-galaysto dhinaca dawlada Federaalka, inay taasi amar jabin ku noqonayso Madaxweyne Cabdi Maxamuud Omar, hadii aanay dawlada Itoobiya Lafteedu dano khaas ah ka lahayn la shaqaynta Axmed Madoobe, xili ay ka wer-wersantahay in Dagaal ka dhan ah Mashruuca Biyo-xireenka ay Masar kaga soo qaado dhinaca Somaliya. Ma cadda Wajiga uu Axmed Madoobe kala kulmi doono Madaxweynaha Kilinka Shanaad Walow Xiligaani aysan diyaar u aheyn Dowlad deegaanka Ethiopia inay faragaliso Arrimaha Somali

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s