Madaxweynaha Cusub Ee
Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo
Ballan Qaaday Inuu Gogol
Nabadeed U Dhigayo Ummadda
Ku Nool Gobollada Dhexe
Published on June 14, 2013
Madaxweynaha cusub ee maamul gobaleedka
soomaaliyed ee Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in
gogol nabadeed uu u dhigayo bulshada dagta
gobalada dhexe, isagoo sidoo kalana ku baqaay
in laga shaqeeyo amaanka.
C/llaahi Cali Maxamed Kadiye Madaxweynaha
maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa Khudbadiisii ugu
horeesay ee uu jeediyay shalay markii la
doortay kadib ku sheegay in uu googol
nabadeed u dhigayo bulshada ku nool gobolada
dhexe ee dalka.
‘’Anigoo ah hogaamiyaha cusub waxaan balan
qaadayaa inaan horseed u noqdo gogoshii ugu
horeysay ee loo dhigo ummadda degta gobolada
dhexe, waxaana ku dhawaaqayaa in gogoshaasi
wixii maanta ka dambeysa ay diyaar u tahay wixii
ku baxayana anaa dhabarka u ridanaya’’Sidaasi
waxaa yiri madaxweynaha cusub ee maamulka
Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed Kediye.
Maalintii shalay ayaa Baarlamanka maamul Ximan
iyo Xeeb waxaa uu madaxweynaha maamulkaasi
u doortay C/llaahi Cali Maxamed oo ah
hogaamiye tilmaamay inuu mudnaanta siindoono
dib u heshiisiinta dadka dega gobolada dhexe,
ammaanka iyo horumarinta bulshada Ximan iyo
Xeeb.
Munaasabada caleema saarka madaxweynaha
maamulkaasi ayaa la filayaa in maalmaha nagu
soo aadan ay ka dhacdo degmada Cadaado ee
G/Gaduud oo ah xarunta maamulkaasi
Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Ballan Qaaday Inuu Gogol Nabadeed U Dhigayo Ummadda Ku Nool Gobollada Dhexe Published on June 19 2013 Madaxweynaha cusub ee maamul gobaleedka soomaaliyed ee Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in gogol nabadeed uu u dhigayo bulshada dagta gobalada dhexe, isagoo sidoo kalana ku baqaay in laga shaqeeyo amaanka. C/llaahi Cali Maxamed Kadiye Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa Khudbadiisii ugu horeesay ee uu jeediyay shalay markii la doortay kadib ku sheegay in uu googol nabadeed u dhigayo bulshada ku nool gobolada dhexe ee dalka. ‘’Anigoo ah hogaamiyaha cusub waxaan balan qaadayaa inaan horseed u noqdo gogoshii ugu horeysay ee loo dhigo ummadda degta gobolada dhexe, waxaana ku dhawaaqayaa in gogoshaasi wixii maanta ka dambeysa ay diyaar u tahay wixii ku baxayana anaa dhabarka u ridanaya’’Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed Kediye. Maalintii shalay ayaa Baarlamanka maamul Ximan iyo Xeeb waxaa uu madaxweynaha maamulkaasi u doortay C/llaahi Cali Maxamed oo ah hogaamiye tilmaamay inuu mudnaanta siindoono dib u heshiisiinta dadka dega gobolada dhexe, ammaanka iyo horumarinta bulshada Ximan iyo Xeeb. Munaasabada caleema saarka madaxweynaha maamulkaasi ayaa la filayaa in maalmaha nagu soo aadan ay ka dhacdo degmada Cadaado ee G/Gaduud oo ah xarunta maamulkaasi
Advertisements