Uncategorized

Qarax Khasaara ba’an geystay ooMagaallada Kismaayo lagula eegtayCiiddamadda AMISOM (Warbixin Muhiimah)Wararka naga soo gaaraya Magaallada Kismaayoee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaasheegaya in xaafadda Via-Afmadow Qarax Miinolala beegsaday Ciiddamo ka tirsan kuwaAMISOM ee Magaalladaasi Jooga.Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo inta badan lagamaqlaayay Magaallada ayaa waxa uu ka dhacayxaafadda Via-Afmadow, waxa ayna wararkusheegayaan in Qaraxaasi uu ahaa miinada noocadhulka lagu aaso ee meelaha fog laga maamulo.Qaraxa ayaa waxa uu geystay Khasaaro ba’aniyadoona aan weli la garaneynin Khasaarahadhabta ah ee Qaraxaasi Ciiddamadda kasoogaaray.Qaraxa lala eegtay Ciidamada Nabad IlaalintaMidowga Africa ee jooga magaalada Kismaayo,ayaa waxa uu qalqal galiyay CiiddamaddaRaaskambooni iyo kuwa Dowladda, waxaanaQaraxa kadib goobta gaaray CiiddamaddaDowladda oo durbadiiba goobta Qaraxa xiray.Ma jiraan wax warar ah o ka soo baxaysaraakiisha ciidamada ee ku sugan magaaladakismaayo iyo maamulka ka jira magaalada.

Qarax Khasaara ba’an geystay oo
Magaallada Kismaayo lagula eegtay
Ciiddamadda AMISOM (Warbixin Muhiim
ah)
Wararka naga soo gaaraya Magaallada Kismaayo
ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa
sheegaya in xaafadda Via-Afmadow Qarax Miino
lala beegsaday Ciiddamo ka tirsan kuwa
AMISOM ee Magaalladaasi Jooga.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo inta badan laga
maqlaayay Magaallada ayaa waxa uu ka dhacay
xaafadda Via-Afmadow, waxa ayna wararku
sheegayaan in Qaraxaasi uu ahaa miinada nooca
dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga maamulo.
Qaraxa ayaa waxa uu geystay Khasaaro ba’an
iyadoona aan weli la garaneynin Khasaaraha
dhabta ah ee Qaraxaasi Ciiddamadda kasoo
gaaray.
Qaraxa lala eegtay Ciidamada Nabad Ilaalinta
Midowga Africa ee jooga magaalada Kismaayo,
ayaa waxa uu qalqal galiyay Ciiddamadda
Raaskambooni iyo kuwa Dowladda, waxaana
Qaraxa kadib goobta gaaray Ciiddamadda
Dowladda oo durbadiiba goobta Qaraxa xiray.
Ma jiraan wax warar ah o ka soo baxay
saraakiisha ciidamada ee ku sugan magaalada
kismaayo iyo maamulka ka jira magaalada.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s