Uncategorized

by bashir farayare

DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Gudaha oo
sheegay in 8 Saraakiil oo Ajnabi iyo
Soomaaliba lagu dilay weerarka UNDP
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna
Amniga Qaranka ee Xukuumada C/kariin
Xuseen Guuleed, ayaa wuxuu goor dhaw uu si
rasmi ah uu u cadeeyay khasaaraha weerarkaan
ka soo gaaray, xubnaha ka hawlgala UNDP.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Dhismaha
Xaruntaan, ayaa wuxuu cadeeyay in lagu dilay
weerarkaan ilaa sideed xubnood, oo ka tirsan
Saraakiisha Xarunta UNDP ee Magaalada
Muqdisho.
Wasiirka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in afar
kamid ah Saraakiisha la dilay ay yihiin Cadaan,
kana tirsanaa sida uu hadalka u dhigay qeybta
Security-ga ee Hay’adda UNDP.
Sidoo kale afarta kale ayuu sheegay inay
Soomaali yihiin, sidoo kalana waxay ka
tirsanaayeen isla qeybta Security-ga ee UNDP,
Xarunteeda ay ku lee dahay Magaalada
Muqdisho.
Wasiirka Amniga Qaranka ayaa wuxuu soo hadal
qaaday inay weerarkaan ku dhinteen, ilaa 7
xubnood oo uu ku sheegay, inay ahaayeen
raggii maanta weerarka culus ku soo qaaday
Dhismaha Xarunta UNDP.
Qaar ka tirsan raggaan ayuu Wasiirku sheegay
inay ismiidaamiyeen intii uu hawlgalku
soconaayay, iyadoo qaarka kalana uu sheegay
inay dileen Ciidamada Gaashaan, gaar ahaan
garabka Alpha Group.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wuxuu
bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada
Dowladda, oo uu dhamaantood sheegay inay
iska kaashadeen weerarka maanta lagu qaaday
UNDP.
Ciidamada ayaa wuxuu kaloo sheegay in
qeybtooda gurmadka deg degga ah, ay u
gurmadeen dhamaanba dadkii ku wax yeeloobay
weerarkaan, wuxuuna Wasiirku cambaareeyay
sheegashada Al Shabaab ee weerarkaan.
Marka laga soo taggo khasaaraha weerarkaan ka
soo kala gaaray Saraakiisha UNDP iyo Shabaab,
ayaanu Wasiirku sheegin wax khasaaro ah oo
weerarkaan ka soo gaaray Ciidamada Dowladda,
Amisom iyo dad rayid ah. Xilli rayid badan ay ku
wax yeeloobeen

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s