Uncategorized

War Deg Deg Ah Xukuumada Soomaaliyaoo shaacisay Tirada Dadka ajaaniibta ahee ku dhintay Weerarkii UNDPWasiirka Arimaha Gudaha iyo amniga QarankaSoomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed oogoordhaw Shir Jaraa’id qabtay ayaa faah faahinka bixiyay Qasaarihii ka dhashay Weeraradiiismiidaaminta ahaa iyo dagaalkii ka dhacayXarunta Hay’ada Qaramaa Midoobay ee UNDP.Wasiirka ayaa sheegay in Weerarkii Maanta laguqaaday Xarunta UNDP ay ku dhinteen dadgaaraya ilaa ilaa 14-qof oo afar kamid ah dadkaasiyihiin ajaaniib aan Soomaaliya u dhalan inkastooWasiirku uusan shaacin dalalka ay u dhasheenwaxaa sidoo kale Weerarkaasi ku dhaawacmaydad gaaraya ilaa 18-qof sida uu Wasiirku xusay.C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa intaa ku daray inraga Weerarka fuliyay ee Shabaab katirsanaatiradooda aheyd ilaa 7-nin oo aad u hubeesnaakuna kabisnaa dareeska Ciidanka Dowladakuwaa uu sheegay in qaarkood nolosha lagutoogtay halka kuwa kalana ay qarxeen.Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya inqasaaraha uu intaas ka badan yahay dadkaajaaniibta ah ee dhintayna ay ku jiraan ragCadaan ah aan la ogeyn dhalashadooda waxa aytahay , waxaana dhaawcayada ka dhashayWeerarkii ismiidaaminta ahaa lagu daweenayaaisbitaalka Ciidamada AMISOM ee ku yaalaXarunta Xalane iyo Isbitaalada kale eeMagaalada Muqdisho.Weerarka Maanta lagu qaaday Xarunta UNDPee Magaalada Muqdisho ayaa u muuqaal ekaamid bilo kahor ka dhacay Xarunta MaxkamadaGobolka Banaadir kaa ay shabaabku uadeegsadeen qaraxyo iyo Weeraro toos ah ooka dhacay gudaha Xaruntaasi.

War Deg Deg Ah Xukuumada Soomaaliya
oo shaacisay Tirada Dadka ajaaniibta ah
ee ku dhintay Weerarkii UNDP
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo amniga Qaranka
Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed oo
goordhaw Shir Jaraa’id qabtay ayaa faah faahin
ka bixiyay Qasaarihii ka dhashay Weeraradii
ismiidaaminta ahaa iyo dagaalkii ka dhacay
Xarunta Hay’ada Qaramaa Midoobay ee UNDP.
Wasiirka ayaa sheegay in Weerarkii Maanta lagu
qaaday Xarunta UNDP ay ku dhinteen dad
gaaraya ilaa ilaa 14-qof oo afar kamid ah dadkaasi
yihiin ajaaniib aan Soomaaliya u dhalan inkastoo
Wasiirku uusan shaacin dalalka ay u dhasheen
waxaa sidoo kale Weerarkaasi ku dhaawacmay
dad gaaraya ilaa 18-qof sida uu Wasiirku xusay.
C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa intaa ku daray in
raga Weerarka fuliyay ee Shabaab katirsanaa
tiradooda aheyd ilaa 7-nin oo aad u hubeesnaa
kuna kabisnaa dareeska Ciidanka Dowlada
kuwaa uu sheegay in qaarkood nolosha lagu
toogtay halka kuwa kalana ay qarxeen.
Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in
qasaaraha uu intaas ka badan yahay dadka
ajaaniibta ah ee dhintayna ay ku jiraan rag
Cadaan ah aan la ogeyn dhalashadooda waxa ay
tahay , waxaana dhaawcayada ka dhashay
Weerarkii ismiidaaminta ahaa lagu daweenayaa
isbitaalka Ciidamada AMISOM ee ku yaala
Xarunta Xalane iyo Isbitaalada kale ee
Magaalada Muqdisho.
Weerarka Maanta lagu qaaday Xarunta UNDP
ee Magaalada Muqdisho ayaa u muuqaal ekaa
mid bilo kahor ka dhacay Xarunta Maxkamada
Gobolka Banaadir kaa ay shabaabku u
adeegsadeen qaraxyo iyo Weeraro toos ah oo
ka dhacay gudaha Xaruntaasi.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s