Uncategorized

babaygii dhoodaan((((( Siddii baasta ciir lagu daray oo faanta lagu qooyey, ama badar galey oo hadhuudh lagu madoobshey, ama habar yar oo 15 jir oo naasku dhagaxoobay, oo daasad wadato oo harago dhan isula tuureysa, quruxdeeda waa nal iyo booc tubaako eeh soo haddaa maad garan. Geesiyadna way tahay ileyn sharafta waa saase, ma cabsootaoo hooyadeedna way la dirirtaa, cay iyo dagaalna gabdhaha way kaga badisaa, ninkii la hadlaa way taqaan in ay dacwaysaa. Sida kaneecada oga baqaan derisyadooda, reeraha ashuunkooda way jabin taqaan, qofkii maaga iyo timaha jiidaa, gabadhaa intaa jeclaaday baan meeday leeyahay, ninkii jeclaadaan rabaa in aan bureeya, amaanteeda mana sheegi karo caawo oo qura Waa sida macaan iyo qaraar la isku daray, ama caano, khaat iyo basbaas ay isku kariyeen, deganaanta laafyaha marka ay jagac ka siiso, buskuleeti ninaan wadan gaari waayey. Gabaygeygu badda macaaneyn karaan, jeebkey ka buuxaan sidii googo lacageed, dadka kale uma sheega waan ka qariyaa, adigaa saaxiibkey oo kuu waramayaa bal i dhagayso, sidii laasqoray oo soo burqanaya oo geeraarka guuxiisa yuu dhagaxa kaa jeexine. Sidii habar surwaal qaadatey oo laad ku kicineysa gabay fiican oo fiican baan anigu sheegayaaye, reer magaal iyo reer baadiya isla jooga kolkuu shaararka kaa furto oo lacagna kaqaato maxaad dhaqatay buu ku yiraahdaa waayo dabadood. Haddey dumarku lacag leeyihiin maba gaboobaane, kol hadey qubeys iyo boodhar isku cadeyso, lixdankii sideed baanjiray kugu tiraahdaa. Jaceylka anigaa kala bartay oo wuu i daasadeeyey gabdhahay ka dibna ku boodayaan. Habar kol iyo boqol haysato baa la ogolaadaa sheekooyinkeedana waa laga dhageystaa, haddey tiraah shan baan diiday waa laga dhagaystaa, haddey tiraah cirkaan soo taabtay waa laga dhageystaa, haddey tiraah dhulkaan quusay waa laga dhageystaa, haddey tiraahdo baddaan jiiray waa laga dhageystaa, haddey tiraahdo anigaa kaa yar waa laga dhageystaa. Gaarinimo markey sheegato oo muranka dayn waydo, waxaa lagu yiraahdaa buulo shaah inoo kari— qaxwahay sameyso hadduu muufo noqo waayo kolkaa in ay been sheegeyso baa lagu ogaadaa.

Siddii baasta ciir lagu daray
oo faanta lagu qooyey,
ama badar galey oo
hadhuudh lagu madoobshey,
ama habar yar oo 15 jir
oo naasku dhagaxoobay,
oo daasad wadato oo
harago dhan isula tuureysa,
quruxdeeda waa nal iyo
booc tubaako eeh
soo haddaa maad garan.
Geesiyadna way tahay ileyn
sharafta waa saase, ma cabsootaoo
hooyadeedna way la dirirtaa, cay
iyo dagaalna gabdhaha way kaga
badisaa, ninkii la hadlaa way
taqaan in ay dacwaysaa.
Sida kaneecada oga baqaan
derisyadooda, reeraha ashuunkooda
way jabin taqaan, qofkii maaga
iyo timaha jiidaa, gabadhaa intaa
jeclaaday baan meeday leeyahay,
ninkii jeclaadaan rabaa in aan
bureeya, amaanteeda mana sheegi
karo caawo oo qura
Waa sida macaan iyo qaraar la
isku daray, ama caano, khaat iyo
basbaas ay isku kariyeen,
deganaanta laafyaha marka ay
jagac ka siiso, buskuleeti ninaan
wadan gaari waayey.
Gabaygeygu badda macaaneyn
karaan, jeebkey ka buuxaan sidii
googo lacageed, dadka kale uma
sheega waan ka qariyaa, adigaa
saaxiibkey oo kuu waramayaa
bal i dhagayso, sidii laasqoray oo
soo burqanaya oo geeraarka guuxiisa
yuu dhagaxa kaa jeexine.
Sidii habar surwaal qaadatey oo
laad ku kicineysa gabay fiican oo
fiican baan anigu sheegayaaye,
reer magaal iyo reer baadiya isla
jooga kolkuu shaararka kaa furto
oo lacagna kaqaato maxaad dhaqatay
buu ku yiraahdaa waayo dabadood.
Haddey dumarku lacag leeyihiin
maba gaboobaane, kol hadey qubeys
iyo boodhar isku cadeyso, lixdankii
sideed baanjiray kugu tiraahdaa.
Jaceylka anigaa kala bartay oo
wuu i daasadeeyey gabdhahay
ka dibna ku boodayaan.
Habar kol iyo boqol haysato
baa la ogolaadaa sheekooyinkeedana
waa laga dhageystaa, haddey tiraah shan
baan diiday waa laga dhagaystaa,
haddey tiraah cirkaan soo taabtay
waa laga dhageystaa,
haddey tiraah dhulkaan quusay
waa laga dhageystaa,
haddey tiraahdo baddaan jiiray
waa laga dhageystaa,
haddey tiraahdo anigaa kaa
yar waa laga dhageystaa.
Gaarinimo markey sheegato
oo muranka dayn waydo, waxaa
lagu yiraahdaa buulo shaah inoo
kari— qaxwahay sameyso hadduu
muufo noqo waayo kolkaa in ay
been sheegeyso baa lagu ogaadaa.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s