Uncategorized

by Bashir Farayare Tadhase) xildhibaan pro, maxamed faarax jimcaale oo geeriyooday June 20, 2013 Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa galabta ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu mudooyinkan xanuunsanaa. Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ahaa Aqoonyahan dhinaca Xisaabaadka wax ka dhiga isla markaana markii dambe Lataliye u ahaa Hogaamiye kooxeedkii ugu weynaa koonfurta Soomaaliya Jen Maxamed Faarax Caydiid waxaa lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa Siyaasadihii Isbaheysigii SNA ee Caydiid hogaaminayay. Marxuumka ayaa waxaa uu ahaa mid ka mid ah tiirarkii ugu cuslaa ee Siyaasadihii dhaqaajin jiray Jen Maxamed Faarax Caydiid, marna magaalada Muqdisho waxaa laga aaminsanaa isaga iyo Xuseen Xaaji Bood oo dhintay in Labada nin ay kala maamuli jireen Labadii Isbaheysi ee kala hogaamin jireen Caydiid iyo Cali Mahdi. Mr Jimcaale Ilaahay Janadii Fardowsa ha ka waraabiyo waxaa uu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee bishii Agosto ee sanadkii hore la soo doortay. Waxaa uu door weyn ku lahaa Maamulka Galmdug oo dhawr jeer waanwaan ka dhex sameeyay beelaha Gobolkaas dega. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku tilmaamay Siyaasiga inuu ahaa nin doorar kala duwan ka soo qaatay siyaasadihii dalka soo maray kadib bur burkii.

Bashir Farayareshop Tadhase
xildhibaan pro, maxamed faarax
jimcaale oo geeriyooday
June 20, 2013
Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid
ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa galabta ku
geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada
Muqdisho, kadib markii uu mudooyinkan
xanuunsanaa.
Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ahaa
Aqoonyahan dhinaca Xisaabaadka wax ka dhiga
isla markaana markii dambe Lataliye u ahaa
Hogaamiye kooxeedkii ugu weynaa koonfurta
Soomaaliya Jen Maxamed Faarax Caydiid waxaa
lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa Siyaasadihii
Isbaheysigii SNA ee Caydiid hogaaminayay.
Marxuumka ayaa waxaa uu ahaa mid ka mid ah
tiirarkii ugu cuslaa ee Siyaasadihii dhaqaajin jiray
Jen Maxamed Faarax Caydiid, marna magaalada
Muqdisho waxaa laga aaminsanaa isaga iyo
Xuseen Xaaji Bood oo dhintay in Labada nin ay
kala maamuli jireen Labadii Isbaheysi ee kala
hogaamin jireen Caydiid iyo Cali Mahdi.
Mr Jimcaale Ilaahay Janadii Fardowsa ha ka
waraabiyo waxaa uu nasiib u yeeshay inuu ka
mid noqdo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
ee bishii Agosto ee sanadkii hore la soo
doortay.
Waxaa uu door weyn ku lahaa Maamulka
Galmdug oo dhawr jeer waanwaan ka dhex
sameeyay beelaha Gobolkaas dega.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi
Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku tilmaamay
Siyaasiga inuu ahaa nin doorar kala duwan ka
soo qaatay siyaasadihii dalka soo maray kadib
bur burkii.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s