Uncategorized

beesha calamka oo qirtey in somalia aysan naban aheyn -)Jimco, Juun 21, 2013 Inkastoo beesha caalamka ay rajo weyn ka qabtay in Soomaaliya ay nabad la isku halleyn karo ka dhalato, haddana weerarradii ay Arbacadii ku qaadday Al- shabaab xarunta weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho ayaa muujinaysa in ammaanka Somalia uusan ahayn mid xilligan wanaagsan, Al-shabaab ayna awood u leedahay in ay weerarto goobaha muhiimka ah. Horraantii bishii May ee sannadkan Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya u soo dirtay 200 oo khabiir kuwaasoo loogu talogalay inay dowladda iyo maamullada dalka ka jira kala taliyaan ammaan, ujeedaduna waxay ahayd in ammaanka Soomaaliya la xoojiyo. Axmed Cabdi Xasan oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa qiray in beesha caalamku ay dadaal u gashay sidii ay Soomaaliya uga caawin lahayd soo celinta ammaanka, balse weerarkii Arbacadii dhacay uu cabsi weyn ku keenay dunida oo dhan. Weerarkii Arbacadii ka dhacay Muqdisho ayay calaamka qaarkiis waxay ku tilmaameen mid muujinaya in ammaanka Soomaaliya uu weli yahay mid aan la isku halleyn Karin, iyagoo ugu baaqay dowladda inay qaaddo tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka. Xarakada Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxay haddana ku hanjabtay inay sii wadayso weerarrada noocan oo kale ah oo ay la beegsanayso goobaha ay deggen yihiin dowladda, AMISOM iyo hay’adaha samafalka. Shaqaale ajnabi ah oo ka howlgalayay xarunta UNDP iyo kuwo Soomaali ah ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaa sidoo kale ku dhintay dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo dad shacab ah oo Soomaaliyeed, in badanna way ku dhaawacmeen. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan howlaheeda ka socda Somalia aysan u hakin doonin weerarkii ay Al-shabaab ka geysatay Arbacadii xarun ay ku leedahay Muqdisho, uuna u noqonayo dhankooda tusaale ay fariimo ku qaataan. “Horumarka Soomaaliya waa mid dunida oo dhan ay indhaha ku haysay, iyagoo rajo ka qaba inay arkaan Soomaaliya oo mar kale nabad ah, balse weerarkii dhacay Arbacadii wuxuu utin ku noqday calaamka oo dhan,” ayuu yiri Markus Hoehne oo ka mid ahaa saraakiil ka tirsan hay’ad ammaanka ka shaqeysa oo saldhiggeedu yahay Jarmalka. Sidoo kale, Annette Weber oo ah sarkaalad ka tirsan machadka caalamiga ah ee arrimaha amniga oo saldhiggiisu yahay magaalada Barlin ee xarunta dalka Jarmalka oo muddo badan isha ku hayay isbedellada Soomaaliya ka socda ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Al-shabaab ay awood u yeelato in weerarro ay ka fuliso Muqdisho. “Dhab ahaantii khaladka weyn ee dowladda Soomaaliya ay leedahay waa in ay isku koobtay Muqdisho oo keliya oo aysan xil ah iska saarin deegaannada kale ee dalka,” ayay tiri Annette oo ugu baaqday dowladda inay awoodeeda ku baahiso deegaannada kale ee dalka, sida Kismaayo oo uu gacanta ku hayo hoggaamiye kooxeed hore oo Al-shabaab ka tirsanaa. Al-shabaab oo ah koox kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa weerarkii ay shalay geysatay wuxuu ahaa kii labaad oo ay Muqdisho ka geysato, iyadoo tani ay ceeb weyn ku tahay dowladda Soomaaliya oo gabi ahaan Muqdisho ka talisa.

Inkastoo beesha
caalamka ay rajo weyn ka qabtay in Soomaaliya
ay nabad la isku halleyn karo ka dhalato,
haddana weerarradii ay Arbacadii ku qaadday Al-
shabaab xarunta weyn ee Qaramada Midoobay
ay ku leedahay Muqdisho ayaa muujinaysa in
ammaanka Somalia uusan ahayn mid xilligan
wanaagsan, Al-shabaab ayna awood u leedahay
in ay weerarto goobaha muhiimka ah.
Horraantii bishii May ee sannadkan Qaramada
Midoobay waxay Soomaaliya u soo dirtay 200 oo
khabiir kuwaasoo loogu talogalay inay dowladda
iyo maamullada dalka ka jira kala taliyaan
ammaan, ujeedaduna waxay ahayd in ammaanka
Soomaaliya la xoojiyo.
Axmed Cabdi Xasan oo ah sarkaal hore oo ka
tirsanaa hay’adda nabad-sugidda Qaranka
Soomaaliyeed ayaa qiray in beesha caalamku ay
dadaal u gashay sidii ay Soomaaliya uga caawin
lahayd soo celinta ammaanka, balse weerarkii
Arbacadii dhacay uu cabsi weyn ku keenay
dunida oo dhan.
Weerarkii Arbacadii ka dhacay Muqdisho ayay
calaamka qaarkiis waxay ku tilmaameen mid
muujinaya in ammaanka Soomaaliya uu weli
yahay mid aan la isku halleyn Karin, iyagoo ugu
baaqay dowladda inay qaaddo tallaabooyin lagu
xaqiijinayo ammaanka.
Xarakada Al-shabaab oo sheegatay
mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxay haddana
ku hanjabtay inay sii wadayso weerarrada
noocan oo kale ah oo ay la beegsanayso
goobaha ay deggen yihiin dowladda, AMISOM
iyo hay’adaha samafalka.
Shaqaale ajnabi ah oo ka howlgalayay xarunta
UNDP iyo kuwo Soomaali ah ayaa lagu dilay
weerarkaas, waxaa sidoo kale ku dhintay
dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka soo
qaaday iyo dad shacab ah oo Soomaaliyeed, in
badanna way ku dhaawacmeen.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan
howlaheeda ka socda Somalia aysan u hakin
doonin weerarkii ay Al-shabaab ka geysatay
Arbacadii xarun ay ku leedahay Muqdisho, uuna
u noqonayo dhankooda tusaale ay fariimo ku
qaataan.
“Horumarka Soomaaliya waa mid dunida oo dhan
ay indhaha ku haysay, iyagoo rajo ka qaba inay
arkaan Soomaaliya oo mar kale nabad ah, balse
weerarkii dhacay Arbacadii wuxuu utin ku
noqday calaamka oo dhan,” ayuu yiri Markus
Hoehne oo ka mid ahaa saraakiil ka tirsan hay’ad
ammaanka ka shaqeysa oo saldhiggeedu yahay
Jarmalka.
Sidoo kale, Annette Weber oo ah sarkaalad ka
tirsan machadka caalamiga ah ee arrimaha
amniga oo saldhiggiisu yahay magaalada Barlin
ee xarunta dalka Jarmalka oo muddo badan isha
ku hayay isbedellada Soomaaliya ka socda ayaa
nasiib-darro ku tilmaamay in Al-shabaab ay
awood u yeelato in weerarro ay ka fuliso
Muqdisho.
“Dhab ahaantii khaladka weyn ee dowladda
Soomaaliya ay leedahay waa in ay isku koobtay
Muqdisho oo keliya oo aysan xil ah iska saarin
deegaannada kale ee dalka,” ayay tiri Annette
oo ugu baaqday dowladda inay awoodeeda ku
baahiso deegaannada kale ee dalka, sida
Kismaayo oo uu gacanta ku hayo hoggaamiye
kooxeed hore oo Al-shabaab ka tirsanaa.
Al-shabaab oo ah koox kasoo horjeeda
dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa
weerarkii ay shalay geysatay wuxuu ahaa kii
labaad oo ay Muqdisho ka geysato, iyadoo tani
ay ceeb weyn ku tahay dowladda Soomaaliya oo
gabi ahaan Muqdisho ka talisa.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s