Uncategorized

23/08/2013)by bashir farayare Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa caawa weeraray fariisin ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo, kaasoo socday muddo saacad ah, iyadoo sidoo kale uu maanta qarax weyn oo khasaare geystay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee isla gobolka Bay. Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa hubka la isku weydaarsanayay laga maqlay gabi ahaan xaafadaha magaalada Baydhabo, iyadoo aan weli la ogaan khasaaraha ka dhashay, maadama ay xilli habeen ah tahay. Al-shabaab ayaa u muuqda inay kordhiyeen weerarrada ay la beegsanayaan fariisimaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmada Baydhabo, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo habeenno ka hor ay dagaalo kan la mid ah ka dhaceen xaafado ka tirsan Baydhabo. Dhanka kale, qaraxa maanta maqaayad ay badanaa fariistaan ciidamada dowladda ee Soomaaliya ee ku sugan degmada Qansax- dheere waxaa ku dhintay saddex qof, iyadoo sidoo kalena ay ka dhasheen dhaawacyo fara badan oo ay ku jiraan dad rayid ah. Saraakiisha ciidamada gobolka Bay oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in uu ahaa mid ay ka dambeyso Al-shabaab, iyagoo sheegay in maalmahan ay soo gaarayeen hanjabaadyo ku saabsan in degmadaas qaraxyo lala beegsan doono. Mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay degmada Qansax-dheer ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo xusay inay halkaas ku dileen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qarax miino oo kan oo kale ah uu ka dhacay biibito Shaaha laga cabo oo ku taalla degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay ku dhinteen lix qof oo u badnaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xoogag taabacsan
Al-shabaab ayaa caawa weeraray fariisin ay
ciidamada dowladdu ku lahaayeen suuqa
xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo,
kaasoo socday muddo saacad ah, iyadoo sidoo
kale uu maanta qarax weyn oo khasaare geystay
ka dhacay degmada Qansaxdheere ee isla
gobolka Bay.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa
hubka la isku weydaarsanayay laga maqlay gabi
ahaan xaafadaha magaalada Baydhabo, iyadoo
aan weli la ogaan khasaaraha ka dhashay,
maadama ay xilli habeen ah tahay.
Al-shabaab ayaa u muuqda inay kordhiyeen
weerarrada ay la beegsanayaan fariisimaha
ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha
degmada Baydhabo, waxaana weerarkan uu
imaanayaa iyadoo habeenno ka hor ay dagaalo
kan la mid ah ka dhaceen xaafado ka tirsan
Baydhabo.
Dhanka kale, qaraxa maanta maqaayad ay
badanaa fariistaan ciidamada dowladda ee
Soomaaliya ee ku sugan degmada Qansax-
dheere waxaa ku dhintay saddex qof, iyadoo
sidoo kalena ay ka dhasheen dhaawacyo fara
badan oo ay ku jiraan dad rayid ah.
Saraakiisha ciidamada gobolka Bay oo ka hadlay
weerarkan ayaa sheegay in uu ahaa mid ay ka
dambeyso Al-shabaab, iyagoo sheegay in
maalmahan ay soo gaarayeen hanjabaadyo ku
saabsan in degmadaas qaraxyo lala beegsan
doono.
Mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay
degmada Qansax-dheer ayaa waxaa sheegatay
Al-shabaab, iyadoo xusay inay halkaas ku dileen
ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qarax miino
oo kan oo kale ah uu ka dhacay biibito Shaaha
laga cabo oo ku taalla degmada Wanlaweyn ee
gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay ku
dhinteen lix qof oo u badnaa ciidamada
dowladda Soomaaliya.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s