Uncategorized

source allbanaadir ) Jubbaland “Adimaha ayaa ii hagaagi la’ee afka maad igu taageertaan” (Qoraal Xiisa badan). Soomaalida waa dad illaahay uu u hibeeyay Xikmad ay suuragal tahay maskaxdoodu inay si fudud u curiso, waa dad dhihis og mararka qaar hadal kooban oo xambaarsan macna ballaaran oo aan aheyn qaabka loogu dhawaaqay. Inbadan oo ka mid dadka waxay ku wareeri karaan Maah-maahda cinwaanka u ah maqaalka, qaar ka mid ah akhristayaasha waxaa suuragal ah inay si fudud isku weydiiyaan sababta ay ku baxday maah-maahdan laakiin aan is dul taago xikmada maqaalka iyo qaabka ay ku baxday. Waa wiil dhaafay Da’dii caruurtu ay ku socod baran lahaayeen, waa Rajay oo Hooyadii way geeriyootay, koriinkiisana waxaa ku kali noqday aabihii, xanuun asiibay wiilka xiligii koriinkiisa ayaa sababtay in looga quusto inuu socdo, goobaha caafimaadka qaarkooda laguma dayin dhaqaalaha ku baxaya oo badan aawadeed, Dr bartay cilmiga nafsiga ayaa ku taliyay in wiilka lagu cel-celiyo kalimad niyad dhis looga dhigayo xaqiiqada jirtana aan la dareensiin “ Adimaha uma hagaagsanee afka ku taageera” sidaasi ayaana la sheegaa inay ku baxday xikmadan. Hadaba aan dib ugu soo laabto maqaalka aan cinwaanka uga dhigay Jubbaland “Adimaha ayaa ii hagaagi la’ee afka maad igu taageertaan”. Siyaasada soomaali maalinba sheeko cusub ayaa ku soo koradha, dadka oo dhan waa muxaliliin oo wixii soo kordha qofba si buu uga hadlaa, Dhaliil iyo amaan wax unbaa la isugu daraa, qalad iyo saxba waxay tahay qof taageera lama waayo dano walba haka lahaadee, sidaasi darteed mudooyinkii u danbeeyay sheekooyinka xiisaha lahaa waxay aheyd kismaayo iyo madaxweynaasha is wada magacaabay hadii aan si kale u dhigana madaxweynayaal ay magacaawdeen reeraha “Qabiilka”ay ka soo jeedaan. Tan iyo markii Alshabaab lagala wareegay gacanta ku heynta kismaayo waxay kismaayo gashay waji hor leh oo gacmo isku tag-taag ah, Jabhada Kaambooni iyo madaxdooduba waxay si gaar ah isugu dayayeen afduubka codka deegaanka,Beelaha jubooyinka gaar bay u guuxayeen, Dowlada soomaaliya wuxuu go,aankeedu noqday “ Maya Dastuurka ma waafaqsano”, Kenya iyada oo boorka isku qarineeso u muuqatay inay si kal iyo laab ah u taageereeso Axmed madoobe marqaatina waxaa u noqday celintii iyo diidmadii madaxda dowlad ay mar walba kala kulmayeen Airportka kismaayo, hadaba waagii baryaba xaaladu waxay u sii muuqaneesaa mid sii fogaaneeso. Awoodaha iyo talada la isku hayo ee jubooyinka waa mid dhinacyo ay ku lug leeyihiin marka laga fiiriyo guud ahaan xaalada sida ay u socoto, Kaambooni oo huwan magac “Qabiil” waxay u durbaan garaacanayeen inay noqdaan hogaanka jubooyinka, taasi waxaa ciriiri geliyay Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad horey ugu lug lahaa Maamuladii kismaayo soo maray waqtiyo kala danbeeyay, IGAD oo meel dheer uga dhoola-cadeesay isbaheysigii qabsashada kismaayo isu kaashtay,Ciidamo Dowladeed oo magaalada soo buux dhaafinayo, imaanshiyihii Bare Hiiraale oo ka mid ah madaxweynayaasha jubbaland sheegtay oo shakiyo badan dhaliyay iyo Al- shabaab oo iyaguna howshooda Dagaalka iyo madaafiicda ku garaacista fariisimaha ciidamada si madax banaan u wata waxay keentay tabar yareentii howshii dardarta lagu bilaabay oo aheyd in kismaayo iyo jubooyinka laga dhiso maamul Qaab beeleed u abaabulan laakiin loo garwaaxiyay magaca Jubaland kaasi oo si dadban ula shaqeeya una fududeeya dowlad Kenya siyaasadaheeda soomaaliya ku aadan. Siyaasad ahaan waa u fashilmeen Madaxweynaashii Jubbaland isu wada magacaabay laakiin xanuunka fashilkaas wuxuu si gaar ah u taabanayay Hogaamiye Axmed Madoobe oo u muuqanayay mid uu xaalkiisu ahaa mar un Madaxweyne iga dhaha Jubbaland, IGAD dhoolacadeenteedii waa la qajishay waxayna u bareeri weysay taageerida maamul aan ka danbeenin xukuumada Muqdisho. Kismaayo kama jiro maamul amniga magaalada damaanad qaadi karo, waxaa kuwada sugan kumanaan ciidan oo aan is ogoleyn afkaar kala duwan xanbaarsan, xaalada magaalada ka deyrin mooye wax kale loo waa, shanta xaafadood ee magaaalada mid walba waxay u xiran tahay madaxweyne gaar ah, laamiga weyn ee gaadiidka uu marana dadka ayuu ka dhaxeeyaa mararka qaarna koox maleeshiyo ah ayaa iska goosato oo Jidgooyo iska dhex dhigata. Duleedka kismaayo iyo hareeradaba waxaa ka arimiya Al-shabaab, aragtiyo is khilaafsan misana wada hubeesan waxay ku wada sugan yihiin kismaayo, waa suuragal mar walba xaalada magaalada inay is badasho marka lagu cabiro doorbiinka colaadeed ee kismaayo looga bartay, ma jiro maamul rasmi ah oo magaalada ka shaqeeyo, waxayna u muuqaneesaa in siyasadaha hubeesan ee gudaha magaaalada isku hayo inay iska indhatirayaan xaqiiqada ka jirto deegaanka iyo baahida loo qabo dib u heshiisiin dhexmarta dadka deegaanka taasi oo suuragelin karto helitaanka maamul waara oo dadku ay la dhacsan yihiin, waxayna xaaladu jubbalanada wada magacaaban ay u muuqaneesaa mid afka la doonayo in lagu kiciyo oo aanay jirin meel ay ka arimiyaan.

Jubbaland “Adimaha ayaa ii hagaagi la’ee
afka maad igu taageertaan” (Qoraal Xiisa
badan).
Soomaalida waa dad illaahay uu u hibeeyay
Xikmad ay suuragal tahay maskaxdoodu inay si
fudud u curiso, waa dad dhihis og mararka qaar
hadal kooban oo xambaarsan macna ballaaran oo
aan aheyn qaabka loogu dhawaaqay.
Inbadan oo ka mid dadka waxay ku wareeri
karaan Maah-maahda cinwaanka u ah maqaalka,
qaar ka mid ah akhristayaasha waxaa suuragal
ah inay si fudud isku weydiiyaan sababta ay ku
baxday maah-maahdan laakiin aan is dul taago
xikmada maqaalka iyo qaabka ay ku baxday.
Waa wiil dhaafay Da’dii caruurtu ay ku socod
baran lahaayeen, waa Rajay oo Hooyadii way
geeriyootay, koriinkiisana waxaa ku kali noqday
aabihii, xanuun asiibay wiilka xiligii koriinkiisa
ayaa sababtay in looga quusto inuu socdo,
goobaha caafimaadka qaarkooda laguma dayin
dhaqaalaha ku baxaya oo badan aawadeed, Dr
bartay cilmiga nafsiga ayaa ku taliyay in wiilka
lagu cel-celiyo kalimad niyad dhis looga dhigayo
xaqiiqada jirtana aan la dareensiin “ Adimaha
uma hagaagsanee afka ku taageera” sidaasi
ayaana la sheegaa inay ku baxday xikmadan.
Hadaba aan dib ugu soo laabto maqaalka aan
cinwaanka uga dhigay Jubbaland “Adimaha ayaa
ii hagaagi la’ee afka maad igu taageertaan”.
Siyaasada soomaali maalinba sheeko cusub ayaa
ku soo koradha, dadka oo dhan waa muxaliliin oo
wixii soo kordha qofba si buu uga hadlaa, Dhaliil
iyo amaan wax unbaa la isugu daraa, qalad iyo
saxba waxay tahay qof taageera lama waayo
dano walba haka lahaadee, sidaasi darteed
mudooyinkii u danbeeyay sheekooyinka xiisaha
lahaa waxay aheyd kismaayo iyo
madaxweynaasha is wada magacaabay hadii aan
si kale u dhigana madaxweynayaal ay
magacaawdeen reeraha “Qabiilka”ay ka soo
jeedaan.
Tan iyo markii Alshabaab lagala wareegay
gacanta ku heynta kismaayo waxay kismaayo
gashay waji hor leh oo gacmo isku tag-taag ah,
Jabhada Kaambooni iyo madaxdooduba waxay si
gaar ah isugu dayayeen afduubka codka
deegaanka,Beelaha jubooyinka gaar bay u
guuxayeen, Dowlada soomaaliya wuxuu
go,aankeedu noqday “ Maya Dastuurka ma
waafaqsano”, Kenya iyada oo boorka isku
qarineeso u muuqatay inay si kal iyo laab ah u
taageereeso Axmed madoobe marqaatina waxaa
u noqday celintii iyo diidmadii madaxda dowlad
ay mar walba kala kulmayeen Airportka
kismaayo, hadaba waagii baryaba xaaladu waxay
u sii muuqaneesaa mid sii fogaaneeso.
Awoodaha iyo talada la isku hayo ee jubooyinka
waa mid dhinacyo ay ku lug leeyihiin marka laga
fiiriyo guud ahaan xaalada sida ay u socoto,
Kaambooni oo huwan magac “Qabiil” waxay u
durbaan garaacanayeen inay noqdaan hogaanka
jubooyinka, taasi waxaa ciriiri geliyay Siyaasiyiin
iyo shaqsiyaad horey ugu lug lahaa Maamuladii
kismaayo soo maray waqtiyo kala danbeeyay,
IGAD oo meel dheer uga dhoola-cadeesay
isbaheysigii qabsashada kismaayo isu
kaashtay,Ciidamo Dowladeed oo magaalada soo
buux dhaafinayo, imaanshiyihii Bare Hiiraale oo
ka mid ah madaxweynayaasha jubbaland
sheegtay oo shakiyo badan dhaliyay iyo Al-
shabaab oo iyaguna howshooda Dagaalka iyo
madaafiicda ku garaacista fariisimaha ciidamada
si madax banaan u wata waxay keentay tabar
yareentii howshii dardarta lagu bilaabay oo
aheyd in kismaayo iyo jubooyinka laga dhiso
maamul Qaab beeleed u abaabulan laakiin loo
garwaaxiyay magaca Jubaland kaasi oo si
dadban ula shaqeeya una fududeeya dowlad
Kenya siyaasadaheeda soomaaliya ku aadan.
Siyaasad ahaan waa u fashilmeen
Madaxweynaashii Jubbaland isu wada
magacaabay laakiin xanuunka fashilkaas wuxuu
si gaar ah u taabanayay Hogaamiye Axmed
Madoobe oo u muuqanayay mid uu xaalkiisu
ahaa mar un Madaxweyne iga dhaha Jubbaland,
IGAD dhoolacadeenteedii waa la qajishay
waxayna u bareeri weysay taageerida maamul
aan ka danbeenin xukuumada Muqdisho.
Kismaayo kama jiro maamul amniga magaalada
damaanad qaadi karo, waxaa kuwada sugan
kumanaan ciidan oo aan is ogoleyn afkaar kala
duwan xanbaarsan, xaalada magaalada ka deyrin
mooye wax kale loo waa, shanta xaafadood ee
magaaalada mid walba waxay u xiran tahay
madaxweyne gaar ah, laamiga weyn ee
gaadiidka uu marana dadka ayuu ka dhaxeeyaa
mararka qaarna koox maleeshiyo ah ayaa iska
goosato oo Jidgooyo iska dhex dhigata.
Duleedka kismaayo iyo hareeradaba waxaa ka
arimiya Al-shabaab, aragtiyo is khilaafsan misana
wada hubeesan waxay ku wada sugan yihiin
kismaayo, waa suuragal mar walba xaalada
magaalada inay is badasho marka lagu cabiro
doorbiinka colaadeed ee kismaayo looga bartay,
ma jiro maamul rasmi ah oo magaalada ka
shaqeeyo, waxayna u muuqaneesaa in
siyasadaha hubeesan ee gudaha magaaalada
isku hayo inay iska indhatirayaan xaqiiqada ka
jirto deegaanka iyo baahida loo qabo dib u
heshiisiin dhexmarta dadka deegaanka taasi oo
suuragelin karto helitaanka maamul waara oo
dadku ay la dhacsan yihiin, waxayna xaaladu
jubbalanada wada magacaaban ay u
muuqaneesaa mid afka la doonayo in lagu kiciyo
oo aanay jirin meel ay ka arimiyaan.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s