Uncategorized

Axmed Madoobe iyo masuuliyiinta uga hooseysa maamulkiisa oo lagu booriyay in ay Towba keenaan. Afhayeenka Maamulka Gobalka Sh/dhexe ee gudoomiyaha ka yahay Cabdi Jiinoow Calasow ayaa waxa uu ku booriyay Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Jabhadda Raaskanbooni, iyo raga la shaqeeya in ay Towba keenaan oo ay ilaahey ka cafis dalbaan maadaama ay dhib badan u geesteen shacabka Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay. Daa’uud Xaaji cabdi Cirro, Afhayeenka maamulka Goablka Sh/dhexe ayaa waxa uu yiri, “Axmed Madoobe iyo kooxda uu hogaamiyo ee dhibatada badan ee isugu dhaca dilka iyo kufsiga shacabka Kismaayo u geesta waxa aan kula talinayaa in ay la yimaadaan towba keen dhab ah ayna iska dayaan ficilada xun xun ee ay kula dhaqmayaan dadka ay qasbayaan ee deegaankasi ku nool”. “Ilaahey ma baneyn in dadka tabarta yar la boobo. Wali waqti ayeey heestaan qolada Axmed madoobe oo ay cafis uga dalban karaan Ilaahey iyo shacabka ay dhibaayeeyeen intaba”, Daa’uud ayaa intaa raaciyay hadalkiisa xilli uu ka jawaabayay edeyn maalma ka hor uu hawada u mariyay Cabdi Naasir Seeraar oo aheyd in uu maamulka Sh/dhexe ka qeyb qaatay dagaal beeleed ka dhacay duleedka Jowhar isaga oo u xaglinaya beel gaar ah. Cabdi Naasir Seeraar ayaa mar uu la hadlayay Saxaafada Isbuucii hore waxa uu u sheegay in Maamulka Cabdi jiinoow calasow uu la saftay mid kamid ah beelaha ku harday Jowhar oo uu ku taageeray hub iyo ciidan si beesha kale uga takahlusaan. Si kasta hadaladaan kul kulul ee ay hawada isu marinayaan afhayeenada Jabhada Raas- kanbooni iyo maamulka Sh/dhexe ayaa waxa uu imaanayaa xilli Dhawaan ay dad badan iska dileen laba belood oo wada dega duleedka Bari ee Jowhar.

Axmed Madoobe iyo
masuuliyiinta uga hooseysa
maamulkiisa oo lagu booriyay in
ay Towba keenaan.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Sh/dhexe ee
gudoomiyaha ka yahay Cabdi Jiinoow Calasow
ayaa waxa uu ku booriyay Axmed Madoobe,
Hogaamiyaha Jabhadda Raaskanbooni, iyo raga
la shaqeeya in ay Towba keenaan oo ay ilaahey
ka cafis dalbaan maadaama ay dhib badan u
geesteen shacabka Kismaayo, sida uu hadalka u
dhigay.
Daa’uud Xaaji cabdi Cirro, Afhayeenka maamulka
Goablka Sh/dhexe ayaa waxa uu yiri, “Axmed
Madoobe iyo kooxda uu hogaamiyo ee
dhibatada badan ee isugu dhaca dilka iyo kufsiga
shacabka Kismaayo u geesta waxa aan kula
talinayaa in ay la yimaadaan towba keen dhab ah
ayna iska dayaan ficilada xun xun ee ay kula
dhaqmayaan dadka ay qasbayaan ee
deegaankasi ku nool”.
“Ilaahey ma baneyn in dadka tabarta yar la
boobo. Wali waqti ayeey heestaan qolada
Axmed madoobe oo ay cafis uga dalban karaan
Ilaahey iyo shacabka ay dhibaayeeyeen intaba”,
Daa’uud ayaa intaa raaciyay hadalkiisa xilli uu ka
jawaabayay edeyn maalma ka hor uu hawada u
mariyay Cabdi Naasir Seeraar oo aheyd in uu
maamulka Sh/dhexe ka qeyb qaatay dagaal
beeleed ka dhacay duleedka Jowhar isaga oo u
xaglinaya beel gaar ah.
Cabdi Naasir Seeraar ayaa mar uu la hadlayay
Saxaafada Isbuucii hore waxa uu u sheegay in
Maamulka Cabdi jiinoow calasow uu la saftay mid
kamid ah beelaha ku harday Jowhar oo uu ku
taageeray hub iyo ciidan si beesha kale uga
takahlusaan.
Si kasta hadaladaan kul kulul ee ay hawada isu
marinayaan afhayeenada Jabhada Raas-
kanbooni iyo maamulka Sh/dhexe ayaa waxa uu
imaanayaa xilli Dhawaan ay dad badan iska
dileen laba belood oo wada dega duleedka Bari
ee Jowhar.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s