Uncategorized

bashir farayare )Shabaab oo ka hadlay ka bixitaanka Sheekh Xassan Daahir Aweys ee magaalada Baraawe iyo sababaha uu u baxay. War-baahinta Afka Shabaabka wax ku baahisa ayaa waxa ay tabiyeen in Xassan Daahir Aweys iyo Maleeshiyaad uu wato ay doon si qarsoodi ah uga raaceen halkaasi iyada oo la filaayo in uu isaga goostay Shabaabka guud ahaan uuna doonayo in uu heshiis la galo dowlada Soomaaliya. Hadalka lagu qoray Shabakadaha Shabaabka ayaa waxaa lagu yiri, “Sheekh Xasan Daahir Aways oo ay wehliyaan dhowr qofood oo horay uga tirsanaa ururkii Xizbul Islaami ay laba habeen kahor Doon ka raaceen Xeebta degmada Baraawe islamarkaana ay aadeen goob aana weli la magacaabin, Mana jirin cid ka tirsan Mujaahidiinta oo ka warhaysay bixitaan Sheekh Xasan Daahir Aways”. Waxa uu intaa ku darayaa hadalka Shabaabku kayiraahdeen socdaalka Xassan Daahir, “Bixitaanka Qarsoodiga ah ee Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa la sheegayaa inuu xiriir la leeyahay hadal xilli sii horeysey kasoo baxay qaar katirsanaa Ururkii Xizbul Islaami oo sheegayay in ay ka bexeen Midnimadii Mujaahidiinta Al-Shabaab ayna hadda wixii ka dambeeya wadahal la geli doonaan Dowlada Xasan Gurguurte”. Hadalkaan ay baahiyeen shabakadaha Shabaabka ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo Xassan Daahir Aweys iyo ciidan uu wato lagu arkay degmada Hobyo ee gobalka Mudug, halkaasi oo ay ka dhalatay cabsi soo wajahday dadka deegaanka. Si kastaba , lamaoga in Xassan Daahir Aweys uu deegaankaasi u tegay in uu ku biiro Dowlada Soomaaliya, hasa yeeshee waxaa dad badani ay is-weydiinayaan halka uu Xassan Daahir maray maadaama xeebaha Soomaaliya ay ku suganyihiin ciidamo Shisheeye oo sheegta in ay ilaaliyaan Burcad Badeed.

Shabaab oo ka hadlay ka bixitaanka
Sheekh Xassan Daahir Aweys ee
magaalada Baraawe iyo sababaha uu u
baxay.
War-baahinta Afka Shabaabka wax ku baahisa
ayaa waxa ay tabiyeen in Xassan Daahir Aweys
iyo Maleeshiyaad uu wato ay doon si qarsoodi
ah uga raaceen halkaasi iyada oo la filaayo in uu
isaga goostay Shabaabka guud ahaan uuna
doonayo in uu heshiis la galo dowlada
Soomaaliya.
Hadalka lagu qoray Shabakadaha Shabaabka
ayaa waxaa lagu yiri, “Sheekh Xasan Daahir
Aways oo ay wehliyaan dhowr qofood oo horay
uga tirsanaa ururkii Xizbul Islaami ay laba habeen
kahor Doon ka raaceen Xeebta degmada
Baraawe islamarkaana ay aadeen goob aana weli
la magacaabin, Mana jirin cid ka tirsan
Mujaahidiinta oo ka warhaysay bixitaan Sheekh
Xasan Daahir Aways”.
Waxa uu intaa ku darayaa hadalka Shabaabku
kayiraahdeen socdaalka Xassan Daahir,
“Bixitaanka Qarsoodiga ah ee Sheekh Xasan
Daahir Aways ayaa la sheegayaa inuu xiriir la
leeyahay hadal xilli sii horeysey kasoo baxay
qaar katirsanaa Ururkii Xizbul Islaami oo
sheegayay in ay ka bexeen Midnimadii
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayna hadda wixii ka
dambeeya wadahal la geli doonaan Dowlada
Xasan Gurguurte”.
Hadalkaan ay baahiyeen shabakadaha
Shabaabka ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo
Xassan Daahir Aweys iyo ciidan uu wato lagu
arkay degmada Hobyo ee gobalka Mudug,
halkaasi oo ay ka dhalatay cabsi soo wajahday
dadka deegaanka.
Si kastaba , lamaoga in Xassan Daahir Aweys uu
deegaankaasi u tegay in uu ku biiro Dowlada
Soomaaliya, hasa yeeshee waxaa dad badani ay
is-weydiinayaan halka uu Xassan Daahir maray
maadaama xeebaha Soomaaliya ay ku
suganyihiin ciidamo Shisheeye oo sheegta in ay
ilaaliyaan Burcad Badeed.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s