Uncategorized

bashir farayare war deg deg ah: Xassan Daahir oo Cadaado la geeyay iyo khilaaf ka taagan sida laga yeelayo. Goob-joogayaal Cadaado ku sugan ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Xibin iyo Xeeb la geeyay Xassan Daahir Aweyn oo habenkii xalay ahaa isu dhiibay ciidan uu hogaminayay madaxweynaha maamulkaasi oo ugu tegay deegaanka dhaca xeebta ee hoos-taga maamulkooda. Xassan Daahir ayaa waxa la sheegay in la dejiyay guri ku yaalla Cadaado halkaasi oo ay ku ilaalinayaan ciidamo fara badan iyada oo maamulka Xibin iyo Xeeb guud ahaan ay shir deg deg ah oo xaaladiisa looga arinsnaya ay madaxtooyada ku leeyihiin. Warar hor-dhac aha ayaa waxa ay sheegayaan in maamulku uu isku khilaafsanyahay sida laga yeelayo Xasaan Daahir iyada oo qaarkood ay soo jeedinayaan in uu yahay Maxbuus maadaama la soo qabtay isaga oo hub iyio ciidamo wata halka kuwa kale ay soo jeedinayaan in uusan ahyen maxbuus maadama uu isi soo dhiibay. Lama oga halka arintu u dhici doonto hasa yeeshee afhayeenka maamulkaasi ayaa horay waxa uu u cadeeyay in ay dowlada Soomaaliya uga danbeyn doonaan arinta oo aysan go’aan iyagu qaada doonin, mana jirto wax war ah oo dowlada Soomaaliya wali kasoo baxay tan iyo markii uu soo baxay hadalka ah in Xassan Daahir uu is-dhiibay 7-sano kadib oo uu duur gal ahaa.

deg deg ah: Xassan Daahir oo
Cadaado la geeyay iyo khilaaf ka taagan
sida laga yeelayo.
Goob-joogayaal Cadaado ku sugan ayaa waxa ay
sheegayaan in Magaalada Cadaado ee xarunta
maamulka Xibin iyo Xeeb la geeyay Xassan
Daahir Aweyn oo habenkii xalay ahaa isu dhiibay
ciidan uu hogaminayay madaxweynaha
maamulkaasi oo ugu tegay deegaanka dhaca
xeebta ee hoos-taga maamulkooda.
Xassan Daahir ayaa waxa la sheegay in la dejiyay
guri ku yaalla Cadaado halkaasi oo ay ku
ilaalinayaan ciidamo fara badan iyada oo
maamulka Xibin iyo Xeeb guud ahaan ay shir
deg deg ah oo xaaladiisa looga arinsnaya ay
madaxtooyada ku leeyihiin.
Warar hor-dhac aha ayaa waxa ay sheegayaan in
maamulku uu isku khilaafsanyahay sida laga
yeelayo Xasaan Daahir iyada oo qaarkood ay soo
jeedinayaan in uu yahay Maxbuus maadaama la
soo qabtay isaga oo hub iyio ciidamo wata halka
kuwa kale ay soo jeedinayaan in uusan ahyen
maxbuus maadama uu isi soo dhiibay.
Lama oga halka arintu u dhici doonto hasa
yeeshee afhayeenka maamulkaasi ayaa horay
waxa uu u cadeeyay in ay dowlada Soomaaliya
uga danbeyn doonaan arinta oo aysan go’aan
iyagu qaada doonin, mana jirto wax war ah oo
dowlada Soomaaliya wali kasoo baxay tan iyo
markii uu soo baxay hadalka ah in Xassan Daahir
uu is-dhiibay 7-sano kadib oo uu duur gal ahaa.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s