Uncategorized

by farayarenews ) War deg deg ah Arbaco, Juun 26, 2013 — Dagaal culus ayaa goor-dhow ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyin magaalada kuwada sugan, iyadoo ay xirmeen guud ahaan isku socodkii magaalada iyo ganacsigii. Maleeshiyinka dagaalamaya ayaa wuxuu dagaalkoodu ka billowday gaari saakay lagu dhacay magaalada gudaheeda, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud. Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa farayarenews u sheegay in dagaalku uu ka qarxay xaruntii hore Kismaayo oo ku taalla xaafadda Farjanno ee bartamaha magaalada, uuna ku faafayo qaybo kale oo magaalada ka tirsan. “Kismaayo waxaa ka billowday dagaal culus oo u dhexeeya kooxo maleeshiyo ah oo kuwada sugan magaalada, ganacsiga oo dhan waa xirmay, isku socodka dadka iyo gaadiidkana way joogadeen, madaafiic ayaana dhacaysa,” ayuu farayarenews u sheegay goobjooge ku sugan Kismaayo. Lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu dagaalkan dhaliyay iyadoo dadka ku sugan magaalada ay sheegayaan in marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo. Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan saldhigyadoda, mana jiraan wax waan-waan ah oo lagu qaboojinayo dagaalkan oo ka socda magaalada, dadkuna waxay ku sugan yihiin guryahooda. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa tan iyo markii uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba xubnood oo isku haysta xilka madaxweynenimo ee Jubaland waxaa ka jiray xiisado, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacayeen dagaallo noocan oo kale ah. Wixii kusoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe ee soo socda haddii uu Alle ogolaado

War deg deg ah Arbaco, Juun 26, 2013 — Dagaal
culus
ayaa goor-dhow ka qarxay gudaha magaalada
Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,
kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyin magaalada
kuwada sugan, iyadoo ay xirmeen guud ahaan
isku socodkii magaalada iyo ganacsigii.
Maleeshiyinka dagaalamaya ayaa wuxuu
dagaalkoodu ka billowday gaari saakay lagu
dhacay magaalada gudaheeda, iyadoo labada
dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus iyo mid
fudud.
Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa
farayarenews u
sheegay in dagaalku uu ka qarxay xaruntii hore
Kismaayo oo ku taalla xaafadda Farjanno ee
bartamaha magaalada, uuna ku faafayo qaybo
kale oo magaalada ka tirsan.
“Kismaayo waxaa ka billowday dagaal culus oo u
dhexeeya kooxo maleeshiyo ah oo kuwada
sugan magaalada, ganacsiga oo dhan waa
xirmay, isku socodka dadka iyo gaadiidkana way
joogadeen, madaafiic ayaana dhacaysa,” ayuu
farayarenews u sheegay goobjooge ku sugan
Kismaayo.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu
dagaalkan dhaliyay iyadoo dadka ku sugan
magaalada ay sheegayaan in marba marka ka
dambeysa uu sii xoogeysanayo.
Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan
saldhigyadoda, mana jiraan wax waan-waan ah
oo lagu qaboojinayo dagaalkan oo ka socda
magaalada, dadkuna waxay ku sugan yihiin
guryahooda.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa tan iyo markii
uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba xubnood
oo isku haysta xilka madaxweynenimo ee
Jubaland waxaa ka jiray xiisado, iyadoo mararka
qaarkoodna ay dhacayeen dagaallo noocan oo
kale ah.
Wixii kusoo kordha dagaalkan waxaad kula
socon doontaa wararkeenna dambe ee soo
socda haddii uu Alle ogolaado

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s