Uncategorized

by www.farayarenewswordpress.com DEG DEG: Qarax miino oo ay ku la’deen dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo ku hawlanaa sameynta qaraxa Daryanka sawaxanka qarax miino oo xoog badan leh, ayaa waxaa goor dhow laga maqlay Deegaanka Baar Saare, iyadoo qaraxaan ay ku la’deen dagaalyahano Shabaab ka tirsan, oo ku hawlanaa sameynta qaraxaan. Deegaanka Baar Saare ayaa waxay dhacdaa duleedka Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxayna ku taallaa dhinaca wadada xiriirisa Degmooyinka Saakow iyo Baardheere ee Gobolka Gedo. Ragga ku la’day qaraxaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku farsameynayeen guri cooshada ah, gaar ahaan midka ay Soomaalidu u garaneyso (Aqal Soomaaliga). Dadka ku dhaqan Deegaanka Baar Saare ayaa waxay isugu soo baxeyn halka uu qaraxa ka dhacay, hase ahaatee waxaa durbaba ku soo baxay dagaalyahano hubeysan oo Shabaab ka tirsan, oo aaggaasi ka ag-dhawaa. Dadkii ugu horeeyay ee tagey Aqal Soomaaligu uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxay ku arkeyn meydadka ilaa shan xubnood oo Shabaab ka tirsan, kuwaa oo ay sheegeen inay cadcad u go’go’een. Mid kamid ah dadka Deegaanka Baar Saare ayaa wuxuu xaqiijiyay inaysan horey u maqal qarax ka xoog badan, kii goor dhow ka dhacay Deegaankaasi, wuxuuse xusay inay kolkii hore u heysteen dqeymo xagga cirka ah. Ciidamada Shabaab ayaa waxay xilliyada qaarkood ay ku geeriyoodaan walxaha qarxa, ee ay iyagu farsameeyaan, ugana qeyb qaata dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo dhinacyada kale ee taageeraaya.

DEG DEG: Qarax miino oo ay ku la’deen
dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo ku
hawlanaa sameynta qaraxa
Daryanka sawaxanka qarax miino oo xoog badan
leh, ayaa waxaa goor dhow laga maqlay
Deegaanka Baar Saare, iyadoo qaraxaan ay ku
la’deen dagaalyahano Shabaab ka tirsan, oo ku
hawlanaa sameynta qaraxaan.
Deegaanka Baar Saare ayaa waxay dhacdaa
duleedka Degmada Saakow ee Gobolka
Jubbada Dhexe, waxayna ku taallaa dhinaca
wadada xiriirisa Degmooyinka Saakow iyo
Baardheere ee Gobolka Gedo.
Ragga ku la’day qaraxaan ayaa waxaa lagu soo
waramayaa inay ku farsameynayeen guri
cooshada ah, gaar ahaan midka ay Soomaalidu u
garaneyso (Aqal Soomaaliga).
Dadka ku dhaqan Deegaanka Baar Saare ayaa
waxay isugu soo baxeyn halka uu qaraxa ka
dhacay, hase ahaatee waxaa durbaba ku soo
baxay dagaalyahano hubeysan oo Shabaab ka
tirsan, oo aaggaasi ka ag-dhawaa.
Dadkii ugu horeeyay ee tagey Aqal Soomaaligu
uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxay ku arkeyn
meydadka ilaa shan xubnood oo Shabaab ka
tirsan, kuwaa oo ay sheegeen inay cadcad u
go’go’een.
Mid kamid ah dadka Deegaanka Baar Saare ayaa
wuxuu xaqiijiyay inaysan horey u maqal qarax ka
xoog badan, kii goor dhow ka dhacay
Deegaankaasi, wuxuuse xusay inay kolkii hore u
heysteen dqeymo xagga cirka ah.
Ciidamada Shabaab ayaa waxay xilliyada
qaarkood ay ku geeriyoodaan walxaha qarxa, ee
ay iyagu farsameeyaan, ugana qeyb qaata
dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo
dhinacyada kale ee taageeraaya.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s