Uncategorized

farayarenews)maxaa ka imaankara cagajugleynta iyo qabweynida sufiyada cabudwaaq iyo dhuusamareeb ????Ximin iyo Xeeb oo loogu hangebey in ay soo Wareejiso Xasan Daahir Aweys hadii kale Dagaal lagu qaadi doono maaulkaasi Waxaa Maanta Degmada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud kulan Xasaasi ah ku yeeshay Madaxda iyo Saraakiisha Maamulka Ahlu Sunna Wal Jameeca kuwaa oo ka hadlay imaanshiyaha Sheekh Xasan Daahir Qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud. Saraakiil katirsan Ahlu Sunna Wal Jameeca oo Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in kulanka Maanta ka dhacay Dhuuso Mareeb diirada lagu saarayay Xaalada Gobolka Galgaduud gaar ahaan arinta Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isku soo dhiibay Maamulka Ximin iyo Xeeb. Masuuliyiin katirsan Ahlu Sunna Wal Jameeca oo kulanka Dhuuso Mareeb ka dhacay ka hadlay ayaa ugu baaqay Maamulka Ximin iyo Xeeb in ay gacanta usoo galiyaan Sheekh Xasan Daahir Aweys ay ku tilmaameen Ahlu Sunna in uu yahay Dambiile dagaal mudana in la marsiiyo ciqaabta waxii uu falay. Ahlu Sunna ayaa ugu hanjabtay Maamulka Ximin iyo Xeeb in ay dagaal ku wajihi doonaan hadii aysan u dhaga nuglaan codsiyadooda ku aadan in Sheekh Xasan Daahir Aweys kusoo wareejiyaan Maamulka Ahlu Sunna Wal jameeca. Afhayeenka Ahlu Sunna Sheekh Ashcari ayaa sheegay in ay ka dhur sugayaan in maamulka Ximin iyo Xeeb in Codsigooda fuliyaan hadii ay taasi waayana ay dagaal ku qaadi doonaan Magaalada Cadaado si ay gacanta ugu soo dhigaan Sheekh Xasan Daahir Aweys. Lama oga sida ay uga jawaabi doonaan hadalkan kulul ee kasoo baxay Ahlu Sunna Wal Jameeca Maamulka Ximin iyo Xeeb oo hada gacanta ku haya Hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo tiro kale oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo doon uga baxsaday Magaalada Baraawe isnkua dhiibay Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Ximin iyo Xeeb oo loogu baaqay in ay
soo Wareejiso Xasan Daahir Aweys hadii
kale Dagaal lagu qaadi doono maaulkaasi
Waxaa Maanta Degmada Dhuuso Mareeb ee
Xarunta Gobolka Galgaduud kulan Xasaasi ah ku
yeeshay Madaxda iyo Saraakiisha Maamulka
Ahlu Sunna Wal Jameeca kuwaa oo ka hadlay
imaanshiyaha Sheekh Xasan Daahir Qeybo
kamid ah Gobolka Galgaduud.
Saraakiil katirsan Ahlu Sunna Wal Jameeca oo
Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in kulanka
Maanta ka dhacay Dhuuso Mareeb diirada lagu
saarayay Xaalada Gobolka Galgaduud gaar ahaan
arinta Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isku soo
dhiibay Maamulka Ximin iyo Xeeb.
Masuuliyiin katirsan Ahlu Sunna Wal Jameeca
oo kulanka Dhuuso Mareeb ka dhacay ka hadlay
ayaa ugu baaqay Maamulka Ximin iyo Xeeb in ay
gacanta usoo galiyaan Sheekh Xasan Daahir
Aweys ay ku tilmaameen Ahlu Sunna in uu
yahay Dambiile dagaal mudana in la marsiiyo
ciqaabta waxii uu falay.
Ahlu Sunna ayaa ugu hanjabtay Maamulka Ximin
iyo Xeeb in ay dagaal ku wajihi doonaan hadii
aysan u dhaga nuglaan codsiyadooda ku aadan
in Sheekh Xasan Daahir Aweys kusoo
wareejiyaan Maamulka Ahlu Sunna Wal jameeca.
Afhayeenka Ahlu Sunna Sheekh Ashcari ayaa
sheegay in ay ka dhur sugayaan in maamulka
Ximin iyo Xeeb in Codsigooda fuliyaan hadii ay
taasi waayana ay dagaal ku qaadi doonaan
Magaalada Cadaado si ay gacanta ugu soo
dhigaan Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Lama oga sida ay uga jawaabi doonaan hadalkan
kulul ee kasoo baxay Ahlu Sunna Wal Jameeca
Maamulka Ximin iyo Xeeb oo hada gacanta ku
haya Hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aweys
iyo tiro kale oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo
doon uga baxsaday Magaalada Baraawe isnkua
dhiibay Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s