Uncategorized

Shir uu ilbaabada u xiran yahay ooSheekh Xasan Daahir Aweys iyoMadaxweynaha Ximin & Xeeb ugasoconaaya Xaafada WaaberiShir gaar ah oo ay ilbaabadu u xiran yihiin ayaawuxuu xilligaan uu Magaalada Cadaado eeGobolka Galgaduud, uu uga soconayaaMadaxweynaha Maamulka Ximin & Xeeb C/laahiCali Maxamed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.Shirkaan ayaa wuxuu gaar ahaan uu kasoconayaa Xaafadda Waaberi ee dhinacagalbeed ee Cadaado, waxayna uga wadahadlayaan, sidii loo qaboojin lahaa dadkadareenka ka muujinaaya, imaanshiyaha SheekhXasan Daahir Aweys ee Gobolada Dhexe.Markii muddo laba cisho kahor uu Sheekh XasanDaahir Aweys uu yimid inta u dhaxeysoDegmooyinka Xarardheere iyo Hobyo eeGobolka Mudug, ayaa waxaa ugu tageyWadaado Itixaad ah, oo Deegaan ahaan ka soojeeda Magaalada Cadaado, kuna badan dhinacagalbeedka, ayaa waxay qeyb ka ahaayeenxubnaha Sheekh Xasan Daahir u soo galbisayCadaado.Maamulka Ximin & Xeeb ayaa wuxuuWadaadadaan uu u soo jeediyay maanta, inSheekh Xasan Daahir Aweys loo soo bandhigoSaxaafada, si uu u muujiyo inuu isa soo dhiibay,laakiin ay ka biyo diideen.Taasi ayaa waxay dhalisay khilaafaad labadadhinac ah, waana midda keentay in labadaanxubnood ay shirkaan isu qaabilaan, waxaana lalee yahay waxay wada qaban doonaan shirjaraa’id, inkastoo uu mugdi ku jiro.Hadalheynta ugu badan ee ay hadalhayaandadka reer Cadaado, ayaa waxay tahay inSheekh Xasan Daahir Aweys uu ogolaan doonoshirka jaraa’id, inuu ku cadeeyo inuu isa soodhiibay iyo in kale.Ilaa iyo iminka majirto war rasmi ah oo ayDowladda Federalka ka soo saarto, tagistaSheekh Xasan Daahir Aweys ee MagaaladaCadaado, sidoo kalana Ururka Al Shabaab ayaaniyagu weli soo hadal qaadin.

Shir uu ilbaabada u xiran yahay oo
Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo
Madaxweynaha Ximin & Xeeb uga
soconaaya Xaafada Waaberi
Shir gaar ah oo ay ilbaabadu u xiran yihiin ayaa
wuxuu xilligaan uu Magaalada Cadaado ee
Gobolka Galgaduud, uu uga soconayaa
Madaxweynaha Maamulka Ximin & Xeeb C/laahi
Cali Maxamed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Shirkaan ayaa wuxuu gaar ahaan uu ka
soconayaa Xaafadda Waaberi ee dhinaca
galbeed ee Cadaado, waxayna uga wada
hadlayaan, sidii loo qaboojin lahaa dadka
dareenka ka muujinaaya, imaanshiyaha Sheekh
Xasan Daahir Aweys ee Gobolada Dhexe.
Markii muddo laba cisho kahor uu Sheekh Xasan
Daahir Aweys uu yimid inta u dhaxeyso
Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ee
Gobolka Mudug, ayaa waxaa ugu tagey
Wadaado Itixaad ah, oo Deegaan ahaan ka soo
jeeda Magaalada Cadaado, kuna badan dhinaca
galbeedka, ayaa waxay qeyb ka ahaayeen
xubnaha Sheekh Xasan Daahir u soo galbisay
Cadaado.
Maamulka Ximin & Xeeb ayaa wuxuu
Wadaadadaan uu u soo jeediyay maanta, in
Sheekh Xasan Daahir Aweys loo soo bandhigo
Saxaafada, si uu u muujiyo inuu isa soo dhiibay,
laakiin ay ka biyo diideen.
Taasi ayaa waxay dhalisay khilaafaad labada
dhinac ah, waana midda keentay in labadaan
xubnood ay shirkaan isu qaabilaan, waxaana la
lee yahay waxay wada qaban doonaan shir
jaraa’id, inkastoo uu mugdi ku jiro.
Hadalheynta ugu badan ee ay hadalhayaan
dadka reer Cadaado, ayaa waxay tahay in
Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ogolaan doono
shirka jaraa’id, inuu ku cadeeyo inuu isa soo
dhiibay iyo in kale.
Ilaa iyo iminka majirto war rasmi ah oo ay
Dowladda Federalka ka soo saarto, tagista
Sheekh Xasan Daahir Aweys ee Magaalada
Cadaado, sidoo kalana Ururka Al Shabaab ayaan
iyagu weli soo hadal qaadin.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s