Uncategorized

#farayarenews @journalist Beesha Habar Gidir oo Sheekh Xasan Daahir ka dhigeysa Hogaamiye Fiican oon dambi laheyn Dowladana codsi u dirtay Beesha uu kasoo jeedo Sheekh Xasan Daahir Aweys ee Habar Gidir ayaa hada ku hoolan bad baadinta Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo sidii looga dhiqi lahaa dambiyadii dagaal uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku waxyeeleeyay. Sheekh Xasan Daahir Aweus ayaa u muuqday intii uu Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab katirsanaa nin ka maarmay beeshiisa hasa ahaatee hada Marka uu xaalkiisa soo xumaaday kana soo baxsaday Al-Shabaab ayuu u qeylo dhaansaday Beeshiisa kana codsaday Bad baadintiisa. Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Habar Gidir uu kasoo jeedo Sheekh Xasan Daahir ayaa u ololeenaya in Sheekha ay Dowlada Soomaaliya iska cafiso kana codsaday Dowlada in Dalka Qadar loo dhoofiyo, waxa ayna Sheekh Xasan Daahir ku Tilmaameen Nin aan hubeesneen oo waayeel ah mudana in loo naxariisto. Afhayeenka odayaasha beelaha Hawiye nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ku baaqay in si wanaagsan loola dhaqmo Shiikh Xasan Daahir Aweys oo hadda ku sugan degmada Cadaado ka dib markii uu ka soo baxsaday Xarakada Al- shabaab khilaaf soo kala dhex galay awgeed. Axmed Diiriye ayaa sheegay in inkastoo Xasan Daahir uu ka tirsanaa Al-shabaab, uu haddana yahay nin oday da’ ah loona baahan yahay in loo taliyo loolana dhaqmo si naxariis leh oo bani aadamnimo ay ku jirto. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hada kamid ahaa Hogaamiyaasha sare ee Kooxda Al- Shabaab horeyna u ahaa Hogaamiyihii Xisbul Islaam ayaa lagu tabayanaa dagaalo uu huriyay in ay ku dhinteen dad ka badan Boqolaal qof oo Soomaali ah halka kumanaan kuna ay ku barakaceen Colaada uu Sheekh Xasan Daahir Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka uu ka huriyay. Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin go’aankeeda ku aadan sida ay ka yeeleyso Hogaamiyaha Baxsadka ah ee katirsanaa Al- Shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la qorsheenayo in laga soo dajiyo Magaalada Muqdisho.

Beesha Habar Gidir oo Sheekh Xasan
Daahir ka dhigeysa Hogaamiye Fiican oon
dambi laheyn Dowladana codsi u dirtay
Beesha uu kasoo jeedo Sheekh Xasan Daahir
Aweys ee Habar Gidir ayaa hada ku hoolan bad
baadinta Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo sidii
looga dhiqi lahaa dambiyadii dagaal uu dalka iyo
dadka Soomaaliyeed ku waxyeeleeyay.
Sheekh Xasan Daahir Aweus ayaa u muuqday
intii uu Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab katirsanaa
nin ka maarmay beeshiisa hasa ahaatee hada
Marka uu xaalkiisa soo xumaaday kana soo
baxsaday Al-Shabaab ayuu u qeylo dhaansaday
Beeshiisa kana codsaday Bad baadintiisa.
Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha
Habar Gidir uu kasoo jeedo Sheekh Xasan
Daahir ayaa u ololeenaya in Sheekha ay Dowlada
Soomaaliya iska cafiso kana codsaday Dowlada
in Dalka Qadar loo dhoofiyo, waxa ayna Sheekh
Xasan Daahir ku Tilmaameen Nin aan
hubeesneen oo waayeel ah mudana in loo
naxariisto.
Afhayeenka odayaasha beelaha Hawiye
nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ku baaqay in
si wanaagsan loola dhaqmo Shiikh Xasan Daahir
Aweys oo hadda ku sugan degmada Cadaado ka
dib markii uu ka soo baxsaday Xarakada Al-
shabaab khilaaf soo kala dhex galay awgeed.
Axmed Diiriye ayaa sheegay in inkastoo Xasan
Daahir uu ka tirsanaa Al-shabaab, uu haddana
yahay nin oday da’ ah loona baahan yahay in loo
taliyo loolana dhaqmo si naxariis leh oo bani
aadamnimo ay ku jirto.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hada kamid
ahaa Hogaamiyaasha sare ee Kooxda Al-
Shabaab horeyna u ahaa Hogaamiyihii Xisbul
Islaam ayaa lagu tabayanaa dagaalo uu huriyay in
ay ku dhinteen dad ka badan Boqolaal qof oo
Soomaali ah halka kumanaan kuna ay ku
barakaceen Colaada uu Sheekh Xasan Daahir
Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka uu
ka huriyay.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin
go’aankeeda ku aadan sida ay ka yeeleyso
Hogaamiyaha Baxsadka ah ee katirsanaa Al-
Shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la
qorsheenayo in laga soo dajiyo Magaalada
Muqdisho.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s