Uncategorized

Sheekh Xasan Daahir “reer Cadaado waxaad tihiin Ansaarti oo kale,aan idiin duceeyo jihaadka ila wada”warki ugu dambeeyay caawa+Akhriso Jun 27, 2013 Sidaan horay idinkugu balan qaadnay waxaan si joogto idin kugu soo gudbin doonaa hadba wixii kasoo kordha xaaladda Sh. Xasan Daahir Aweys oo wali ku sugan Cadaado. Eragadii manta galinkii hore ka duushay Muqdisho ee gaaray Cadaado iyo odayaal ka kala yimid degmooyinka gobolka Galgaduud ayaa shir hordhac ah galay, waxayna isku qeybiyeen laba qeybood oo kala ah beelaha Saleebaan iyo Ceyr, waxaana lagu heshiiyay in marka hore ay beesha Saleebaan la kulmaan. 50 oday oo Saleebaan ah oo uu horkacayo Nabadoon Axmed Diiriye ayaa kulan dheer la yeeshay Xasan Daahir waxayna u sheegeen inay u wadaan nabad iyo badbaado, isla markaana ay banaanka ku sugayaan dhowr iyo labaatan oday oo beeshiisa Ceyr u dhashay. Waxayna kula taliyeen inuu aado Muqdisho oo damaanad nabad galyo lagu siin doono. Waxayna waydiiyeen halka uu jeclaan lahaa inuu uga sii gudbo degmada Cadaado. Sh. Xasan Daahir oo aan wax yar fakarin ayaa hadalkii qaatay wuxuuna yiri “Saleebaanow degaankiinu wuxu gaaray horumar weyn, Cadaadana waan arkay oo si fiican bay u dhismatay, waxaan idinka rabaa maanta inaad Ansaartii Nabi Maxamed (NNKH) oo kale aad noqotaan, oo aan idinkugu duceeyo sidii uu Nabi Maxamed ugu duceeyay Ansaar. Waxaan idiin wadaa Jihaad barakaysan, waxaanan rabaa inaan halkaan uga dhawaaqo ururkii Xisbul Islaam, halkaana ay noo noqoto xarun barakaysan oo laga sii wado Jihaadkii xaqaa ahaa… Amaanka aad Muqdisho ka sheegteen waxaa ka horeeyay damaanad iyo amaan ay ii balan qaadeen wadamada Qatar, Sucuudiga iyo Norway, dhamaantoodna waan ka diiday, dowlad Soomaaliyeed oo aanan aqoon saneyna kama yeelayo hada, ee Jihaadka ila qaata aan idiin duceeyee” Markii uu hadalka ka baxay Sh. Xasan ayaa waxa qaatay mid ka mid ah odayaashii Saleebaan wuxuuna yiri “Sh. Xasanow dhismaha iyo horumarka aad ku aragtay Cadaado waa mid ay keeneen dadkii kasoo qaxay Jihaadkaagii Xamar. Adigana waxa hada Cadaado kaaga daba keenay waa Jihaadkaagii Xamar. Reer Cadaadana diyaar uma aha qixitaan iyo dagaal kalee, tolkaaga banaanka taagan ayaan kuusoo galinaynaa ee la kulan, wixi aad isku waafaqdaana noosoo sheega. Waxaadna ogaataa inaadan Cadaado sii joogi doonin ee dooro meeshii aad uga gudbi laheyd bari subax oo Jimce ah” Halkaasna waxaa ku dhamaaday wajigii koowaad ee kulankii Saleebaan iyo Xasan Daahir. Kadibna waxa shir albaabadu u xiran yihiin wada galay Sh. Xasan iyo odayaasha tolkiisa, oo ay ka mid yihiin Ugaaska Ceyr, Janaral Indhacadde iyo Janaral Subxaany, kuwaasoo hada gabalku u dhacay, walina wax natiijo ay aysan kasoo bixin, waqtigaan aan qoraalka idiin soo gudbinayno oo ah Maqrin kadib xiliga geeska Afrika.

Sheekh Xasan Daahir “reer
Cadaado waxaad tihiin Ansaarti
oo kale,aan idiin duceeyo
jihaadka ila wada”warki ugu
dambeeyay caawa+Akhriso
Jun 27, 2013 -Sidaan horay idinkugu balan qaadnay waxaan si
joogto idin kugu soo gudbin doonaa hadba wixii
kasoo kordha xaaladda Sh. Xasan Daahir Aweys
oo wali ku sugan Cadaado. Eragadii manta
galinkii hore ka duushay Muqdisho ee gaaray
Cadaado iyo odayaal ka kala yimid degmooyinka
gobolka Galgaduud ayaa shir hordhac ah galay,
waxayna isku qeybiyeen laba qeybood oo kala
ah beelaha Saleebaan iyo Ceyr, waxaana lagu
heshiiyay in marka hore ay beesha Saleebaan la
kulmaan.
50 oday oo Saleebaan ah oo uu horkacayo
Nabadoon Axmed Diiriye ayaa kulan dheer la
yeeshay Xasan Daahir waxayna u sheegeen inay
u wadaan nabad iyo badbaado, isla markaana ay
banaanka ku sugayaan dhowr iyo labaatan oday
oo beeshiisa Ceyr u dhashay. Waxayna kula
taliyeen inuu aado Muqdisho oo damaanad
nabad galyo lagu siin doono. Waxayna
waydiiyeen halka uu jeclaan lahaa inuu uga sii
gudbo degmada Cadaado.
Sh. Xasan Daahir oo aan wax yar fakarin ayaa
hadalkii qaatay wuxuuna yiri “Saleebaanow
degaankiinu wuxu gaaray horumar weyn,
Cadaadana waan arkay oo si fiican bay u
dhismatay, waxaan idinka rabaa maanta inaad
Ansaartii Nabi Maxamed (NNKH) oo kale
aad noqotaan, oo aan idinkugu duceeyo sidii uu
Nabi Maxamed ugu duceeyay Ansaar. Waxaan
idiin wadaa Jihaad barakaysan, waxaanan rabaa
inaan halkaan uga dhawaaqo ururkii Xisbul
Islaam, halkaana ay noo noqoto xarun
barakaysan oo laga sii wado Jihaadkii xaqaa
ahaa… Amaanka aad Muqdisho ka
sheegteen waxaa ka horeeyay damaanad iyo
amaan ay ii balan qaadeen wadamada Qatar,
Sucuudiga iyo Norway, dhamaantoodna waan ka
diiday, dowlad Soomaaliyeed oo aanan aqoon
saneyna kama yeelayo hada, ee Jihaadka ila
qaata aan idiin duceeyee”
Markii uu hadalka ka baxay Sh. Xasan ayaa waxa
qaatay mid ka mid ah odayaashii Saleebaan
wuxuuna yiri “Sh. Xasanow dhismaha iyo
horumarka aad ku aragtay Cadaado waa mid ay
keeneen dadkii kasoo qaxay Jihaadkaagii Xamar.
Adigana waxa hada Cadaado kaaga daba keenay
waa Jihaadkaagii Xamar. Reer Cadaadana diyaar
uma aha qixitaan iyo dagaal kalee, tolkaaga
banaanka taagan ayaan kuusoo galinaynaa ee la
kulan, wixi aad isku waafaqdaana noosoo
sheega. Waxaadna ogaataa inaadan Cadaado sii
joogi doonin ee dooro meeshii aad uga gudbi
laheyd bari subax oo Jimce ah”
Halkaasna waxaa ku dhamaaday wajigii koowaad
ee kulankii Saleebaan iyo Xasan Daahir. Kadibna
waxa shir albaabadu u xiran yihiin wada galay Sh.
Xasan iyo odayaasha tolkiisa, oo ay ka mid yihiin
Ugaaska Ceyr, Janaral Indhacadde iyo Janaral
Subxaany, kuwaasoo hada gabalku u dhacay,
walina wax natiijo ay aysan kasoo bixin,
waqtigaan aan qoraalka idiin soo gudbinayno oo
ah Maqrin kadib xiliga geeska Afrika.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s