Uncategorized

War Deg Deg ah: Diyaaradii Qaadi laheyd Xasan Daahir oo ka dagatay Cadaado “Xagee loo wadaa” Published on June 27, 2013 Warar si deg deg ah saacado kahor inaga soo gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah ay magaaladaas ka dagatay. Diyaaradaas gaarka ah ayaa qaadi doonta Hogaamiye Xasan Daahir Aweys oo isku soo dhiibay Maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya ka dhisan. Saraakiil kusugan Magaalada ayaa sheegay in diyaaradan oo si gaar ah uu usoo kireeyay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Xubno kale oo dowlada ah ay ka dagatay gudaha Cadaado. Waxaa diyaaradaan ay Xasan Daahir gayn doontaa Magaalada Muqdisho ee casimada dalka, waxaana wehlin doona xubno katirsan Xisbul Islaam oo horey magaalada ugu sugnaa iyo Saraakiil Shabaab ah oo isaga lasoo goosatay. “Diyaarada Xasan Daahir uqaadi laheed Muqdisho waxaa ay kusugan tahay Cadaado”ayuu sheegay Sargaal katirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb. Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sheegay in Xasan Daahir uu wadahadal la furayo dowlada Soomaaliya, ayna taas tahay mid aad loogu farxo. Shabaab wali kama aysan hadlin isa soo dhiibitaanka Xasan Daahir Aweys, hase ahaatee dhawaan ayay ku dagaalameen baraawe ciidamo taageersan Axmed Godane Hogaamiyaha Shabaab iyo ciidamo ay hogaaminayaan xubno Shabaab ah oo ay kamid yihiin Xasan Daahir, Sh Roobow Abuu Mansuur iyo Ibrahim Afghan.

War Deg Deg ah: Diyaaradii Qaadi
laheyd Xasan Daahir oo ka
dagatay Cadaado “Xagee loo
wada
Warar si deg deg ah saacado kahor inaga soo
gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo
Xeeb ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah ay
magaaladaas ka dagatay.
Diyaaradaas gaarka ah ayaa qaadi doonta
Hogaamiye Xasan Daahir Aweys oo isku soo
dhiibay Maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha
Soomaaliya ka dhisan.
Saraakiil kusugan Magaalada ayaa sheegay in
diyaaradan oo si gaar ah uu usoo kireeyay
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Xubno kale oo
dowlada ah ay ka dagatay gudaha Cadaado.
Waxaa diyaaradaan ay Xasan Daahir gayn
doontaa Magaalada Muqdisho ee casimada
dalka, waxaana wehlin doona xubno katirsan
Xisbul Islaam oo horey magaalada ugu sugnaa
iyo Saraakiil Shabaab ah oo isaga lasoo
goosatay.
“Diyaarada Xasan Daahir uqaadi laheed
Muqdisho waxaa ay kusugan tahay
Cadaado”ayuu sheegay Sargaal katirsan
Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sheegay in
Xasan Daahir uu wadahadal la furayo dowlada
Soomaaliya, ayna taas tahay mid aad loogu farxo.
Shabaab wali kama aysan hadlin isa soo
dhiibitaanka Xasan Daahir Aweys, hase ahaatee
dhawaan ayay ku dagaalameen baraawe ciidamo
taageersan Axmed Godane Hogaamiyaha
Shabaab iyo ciidamo ay hogaaminayaan xubno
Shabaab ah oo ay kamid yihiin Xasan Daahir, Sh
Roobow Abuu Mansuur iyo Ibrahim Afghan.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s