Uncategorized

by abwaan somaliyeed – Abwaanadu kala hab wacan kalana hees dheere ? Qaarbaa haraadkiyo ka hela hiifka jootada’e ? Qaarbaa hanaankii waxnaa hoojiyoo jara’e ? Qaarbaa hungurigooda uun wadoo haybsada’e ? Qaarbaan hubaashiyo aqoon hilinka naareede ? Qaarbaan hiyiga noloshiyo horumar doonayne ? Qaarbaa habaaskiyo ka hela harada boodheede ? Qaarbaa heshiiskiyo ka baxa horumar beeleede ? Qaarbaan hus mooyee aqoon hadalka maanseede ? Ana heerka aan kaga jiriyo hirka gabaygayga ? Idiinmaba horaysoo mudaad igu hamiyayseene ? Wixii aan haboonayn ayaan hore u leexshaaye ? Ma habsaaminine waan horkici haatan idilkeede ? Kol haduuba hoygii murtidu iguba soo hoyday ? Gaariye iyo hadraawaan sidood hadhaca joogaaye ? Aan hingaadsho maantoo kaluu haboonyahaye ? Hogaankii dalkaygoow anoo hadafka sheegaaya ? Halgankii dalkaygiyo anoo hilinka dhawraaya ? Anigoon habsaamayninoo hadalka meerteeyay ? Ingiriiskan hadateelinka aan yar hodateeyo ? Isagoon hubsiimada aqoon heeray sharaftiiye ? Isagaa hugii beenta xidhan waana la hubaaye ? Anagoo horaynuu is yidhi hoos u soo celiye ? Afrikaba hormuud baanu nahay waana la hubaaye ? Dimuqraadinimadaan hagnaa waana la hubaaye ? Hawlahaanu wada qaybsanaa waana la hubaaye ? Hagardaamadaanu necebnahay iyo hurin colaadeede ? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday ? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye ? Haadaanta isagaa ku dhici cadowgu heeryayne ? Haayaduhu hadii ay tagaan hogolse may hayne ? Halbawlaha dalkeen may ahayn waana la hubaaye ? In yaroo lagaa heli karay habeen ku siiyeene ? Macdanteeniibay wada heleen huruday buuraha’e ? Iyagaa haraadka ugu wacan holaca xeebaha’e ? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday ? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye ? Isagaa hafeeftami markuu hoodin kari waayo ? Ingiriis wuxuu naga hagraday maaha halo geele ? Mahuraan muu noo ahayn waana la hubaaye ? Hadyaduu illaahay baxshaa loo hamuumaaye ? Wuxuu gaalku kuu soo huraa haan ma dhaafaane ? Isagoon wax kuu hayninbuu kuu hanjabayaaye ? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday ? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye ? Hayaankii mudada badan jiree hanadyo lagu waayay ? Ee haraadka loo soo mare hirashadaa keenay ? Waa tii hubka lala dhacay kana huleeleene ? Hilbohooda waa tii la wadhay hiirta waabarye ? Hayinbay ahaayeen inbadan heegan noo wacane ? Hirigbay istaageen markii haabta lagu yidhiye ? Iyagaa xoriyada hantoo haatan nagu simaye ? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday ? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye ? Inaan dib u halownaa mar kale heelin weeyaan ? Haqab beelnay soomaaliyaay waana la hubaaye ? Illaahaybaa hiiliyee namaad hadh galiseene ? Heeraabka aad nagu wadaan ama heshiiskiina ? Haybad baan ka leenahay markale haatuf kale doonta ? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday ? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye ? Idinkoo hareeraha aduun la idinka horjoogo ? Idinkoo hubkii dunida iyo hooto daran haysta ? Hijin wayde inaad soo heshaan dawlada la higsado’e ? Hadii aanay gaaladu idin hor kicin maba hagmaysaane ? Anaguna hirdooglaanu nahay waana la hubaaye ? Onkod iyo hilaacbaanu nahay hooray oo da’aye ? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday ? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye ? Habow iyo riyaad nagu wadaan waana la hubaaye ? Hoygaaga oon nabadi jirin lama hunguroodo ? Halgankii dalkaygow I maqal waan ku hagayaaye ? Hadalada shisheeyuhu wadaa haqajin weeyaane ? Horaantiyo hareerahaba daya had iyo jeeraal

? Abwaanadu kala hab wacan kalana hees
dheere
? Qaarbaa haraadkiyo ka hela hiifka jootada’e
? Qaarbaa hanaankii waxnaa hoojiyoo jara’e
? Qaarbaa hungurigooda uun wadoo haybsada’e
? Qaarbaan hubaashiyo aqoon hilinka naareede
? Qaarbaan hiyiga noloshiyo horumar doonayne
? Qaarbaa habaaskiyo ka hela harada boodheede
? Qaarbaa heshiiskiyo ka baxa horumar beeleede
? Qaarbaan hus mooyee aqoon hadalka
maanseede
? Ana heerka aan kaga jiriyo hirka gabaygayga
? Idiinmaba horaysoo mudaad igu hamiyayseene
? Wixii aan haboonayn ayaan hore u leexshaaye
? Ma habsaaminine waan horkici haatan
idilkeede
? Kol haduuba hoygii murtidu iguba soo hoyday
? Gaariye iyo hadraawaan sidood hadhaca
joogaaye
? Aan hingaadsho maantoo kaluu haboonyahaye
? Hogaankii dalkaygoow anoo hadafka
sheegaaya
? Halgankii dalkaygiyo anoo hilinka dhawraaya
? Anigoon habsaamayninoo hadalka meerteeyay
? Ingiriiskan hadateelinka aan yar hodateeyo
? Isagoon hubsiimada aqoon heeray sharaftiiye
? Isagaa hugii beenta xidhan waana la hubaaye
? Anagoo horaynuu is yidhi hoos u soo celiye
? Afrikaba hormuud baanu nahay waana la
hubaaye
? Dimuqraadinimadaan hagnaa waana la hubaaye
? Hawlahaanu wada qaybsanaa waana la
hubaaye
? Hagardaamadaanu necebnahay iyo hurin
colaadeede
? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday
? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye
? Haadaanta isagaa ku dhici cadowgu heeryayne
? Haayaduhu hadii ay tagaan hogolse may hayne
? Halbawlaha dalkeen may ahayn waana la
hubaaye
? In yaroo lagaa heli karay habeen ku siiyeene
? Macdanteeniibay wada heleen huruday
buuraha’e
? Iyagaa haraadka ugu wacan holaca xeebaha’e
? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday
? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye
? Isagaa hafeeftami markuu hoodin kari waayo
? Ingiriis wuxuu naga hagraday maaha halo
geele
? Mahuraan muu noo ahayn waana la hubaaye
? Hadyaduu illaahay baxshaa loo hamuumaaye
? Wuxuu gaalku kuu soo huraa haan ma
dhaafaane
? Isagoon wax kuu hayninbuu kuu hanjabayaaye
? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday
? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye
? Hayaankii mudada badan jiree hanadyo lagu
waayay
? Ee haraadka loo soo mare hirashadaa keenay
? Waa tii hubka lala dhacay kana huleeleene
? Hilbohooda waa tii la wadhay hiirta waabarye
? Hayinbay ahaayeen inbadan heegan noo
wacane
? Hirigbay istaageen markii haabta lagu yidhiye
? Iyagaa xoriyada hantoo haatan nagu simaye
? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday
? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye
? Inaan dib u halownaa mar kale heelin weeyaan
? Haqab beelnay soomaaliyaay waana la hubaaye
? Illaahaybaa hiiliyee namaad hadh galiseene
? Heeraabka aad nagu wadaan ama heshiiskiina
? Haybad baan ka leenahay markale haatuf kale
doonta
? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday
? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye
? Idinkoo hareeraha aduun la idinka horjoogo
? Idinkoo hubkii dunida iyo hooto daran haysta
? Hijin wayde inaad soo heshaan dawlada la
higsado’e
? Hadii aanay gaaladu idin hor kicin maba
hagmaysaane
? Anaguna hirdooglaanu nahay waana la
hubaaye
? Onkod iyo hilaacbaanu nahay hooray oo da’aye
? Ninka haybta Somaliland hiifay ee diiday
? Isagay haraatidu ku dhici waana la hubaaye
? Habow iyo riyaad nagu wadaan waana la
hubaaye
? Hoygaaga oon nabadi jirin lama hunguroodo
? Halgankii dalkaygow I maqal waan ku
hagayaaye
? Hadalada shisheeyuhu wadaa haqajin
weeyaane
? Horaantiyo hareerahaba daya had iyo jeeraal

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s