Uncategorized

Gabay cusub oo lagu magacaabo“Dagaal maya,Maya” (Qaybtii 1-aad)01-Mahiigaamayey xalay miyaan gabaymasaafeeyey anigoon abiidkeyba marin madalla soo joogsan mushkilada dagaalada miyaan gole kamaansooday02- wuxuu nagu markaday miyaan arladi sahanku soo meeray ma masaaxaduu oloshey baan maabiyayoobaacshey ma madluum la ooy baan murtidan uunkamaqashiiyey03-mad-habaha islaamkiyo dartood Eebbowmagacaaga macaawimo dhakhso leh Maaligow maanta nalagaaro maddad & miyaan iri Allow Malakyo noo soodir04-muxsiniin ayaa nagu jiriyo duul mashaayikhahoo ku mucaarad baan nahay shuftadamaamuldoonka ahe maddad & miyaan iri Allow Malakyo noo soodir05-guddoonkii maroorsama ka daran maradkadaacuuno dowladnimadu maahaan dadkoo qorimuquunshaaye maddad & miyaan iri Allow Malakyo noo soo dir06-walaalkii ninkii melek ku diray kaasumadiyowye cadaabtuu mutaystana u dheer moolka aakhiro-e manduubbada miyaan iri Allow madaxda nootoosi07-jabhaddii malcuunnimo midkale maagid uguduusha mugdigudaha miinada u dhiga nabad wixiimaaggan manduubbada miyaan iri Allow madaxda nootoosi08-mufsad lagama waayiyo naflaha ruuxmunaafaqaho kama maaggoh eel & in uu debin maleegaaye manduubbada miyaan iri Allow madaxda nootoosi09-makhluuqoon heshiin & shar waa meheradshaydaane kuwa saan maslaxad noo bidow waadmurgucateene manduubbada miyaan iri Allow madaxda nootoosi10-dadkaan maabka dunidiyo cirkaba meeshankaga aaddan qaaraddaa madow gees dadkaan Mowle kagabeeray waxa marin habowshoo isku diray waamansuukhnimo-e11-magaca & dhaqankiyo dadkii diinta mid ahhaystey dadkii Maxamed Nebigood ahaa gaalna soomarinnin waxa marin habowshoo isku diray waamansuukhnimo-e12-maskax xumo dalkaan baabbi-iyo maatadaanle-atay mir caqliya hadday leeyihiin libin mamoodeene waxa marin habowshoo isku diray waamansuukhnimo-e13-afartaa maguujayo ebyayo miin ma kahiggaadshey ma maldahine maansada intaan marincadqaadsiiyey runta lagama maarmee miyaan idin mihiibsiiyey————————————————————————14-taariikhda mowlka ah mar aan mu-arrikhiinhaybshey mahadhada adduunyada mar aan baaraymelefkeeda shacab wada mankuub ahi ma dhicin maanta kahorowe15-umaddaan dagaal maratay oo magan Allayhaysa umaddaan muqfuraddii taliyo maanki lagaqaaday mucjisadi siddeedaad ayaa lagu maseeyaaye16-waxa taw markhaantiya haddiiyaan idiinmariyo muhiimka ugu waaweyn haddii an maqdaradkeeno micnayarida shacabkaas haddaan idinmaggowsiiyo17-maamulkii markiiyuu dumiyo dowladmagaceedba mabda’laysku raaciyo miyaa diinba lagamaagey xukunkiiyo miis yaal miyaa laysku wada maagay18-muran & khilaaf damac miyaa qurun kasoomaaxdey madaxweyne yaa noqon miyaa laguheshiinwaayey maya & anaa mudan miyaa laysku mariwaayey19-maallootiyaal & miyaan tuugo khaddarmoodney mahdigii sidii aay-yihiin Maxamed noosheegay & macalim diineed miyaan maqallay oo raacnay20-miidaamo dhego ma leh hadduu Melekdhawaaqaayo midigta & bidixdii miyaa qab isku maandhaafay midwaliba middii kale miyay muruqyadii goysey21-marmarsiiyo duul rabey miya mahadho weyngeystey ma mohoobbi & dooxashaa laga mubaax-yeelay meydka & dhaawici miyaa mooyee kumandhaafay22-miisaan la-aan qori rasaas aan majare haysan miidaami mooyee iyadon loo malkaba eegin militeri sidiisii miyaa laysku wada miisay23-ma melleeshiyaad baa dadkii marax la-aanboobay maamuus ha joogiyo nin-ay magac ku daayaane muslimnimoba gebigeed miyaa meeshi lagawaayey24-Muuse & Xaashiyo ikhyaar mudaneyaal doorah maanlaaweyaashii raggii maammul kula dooday midnimada raggii wadey miyay macangagiinlaysay25-maadhiin qofkaan wadan miyaa orod miciinmoodey maalin & habeenkeed miyay maratay beeshiiba malaayiin dad gaariyo miyay maatadii carartay26-annagoo martabad dowladnimo an muddabahaysan hayeeshee maskax ahaan naflaha ugu maqaamliidan mindirraacintii calam miyaa nala ku maadeystey27-afartaa maguujayo ebyayo miin ma kahiggaadshey ma maldahine maansada intaan marincadqaadsiiyey runta lagama maarmee miyaan idin mihiibsiiyey—————————————————————–28-hooggiyo mashaqadaan dhacoo maaro lagawaayey magaalooyinkaan wada rogmayo dhiiggumulacleeyey maandoorshe saan cunay miyaan caro lamaaryaadey29-miciyaha & gowsaha miyaan xoog isugumiijey shanabbada intaan miiqay urug mirar miyaangooyey milicdoo dushayda ah miyaan dhaxan maqaarqaatay30-sidiiyaan magnuun ahay miyaan meelkasta urooray dad is medaya suuqyada miyaan maro u haad-haadshey maya maya dagaal maya miyaan kula dhex-meeraystay31-yaa muslimiyo nabadee miyaan mowlac kalayeeray dhiiggaan madluumkiyo dhacuba waa macsiyadweyne ma ka maarsadaan iri sidani waa majuusnimo-e32-mukhlis iba daneeyiyo masuul culimo maanwaayey muusannowgii qaylada miyaa lay maqliba diidey qaar aniga meel iigu jirey may makaliggaarey33-madfac laygu soo hagey miyaa Eebbe igamaadshey meegaarkay mayl dhul ah miyaa ololmuluufaaday ma mus baan sidaanu i mudeyn maan isugutuuray 34-mowda & qaraxii markaan cagahamootaystay is maqiiqi meeyd quban miyay marinjallaafeeyey mid markaan ka boodaba kan xigah mayskamaray baydad35-naftu waa macaantee miyaan god iskumiidaanshey madixii miyaan hoos u dhigay dhabarkiyoomuuqda mujrim tuug ah oo kale miyaan dhaayomiriqleeyey36-murugada xanuunka leh miyaan jilidmadoobaadey miyirkii miyaa kaay is rogoon ciil matagi gaarey masiibadiyo baabba-a miyaan oohin talomoodey37-maaleeyo dhaayaha miyaan milil ka sii daayey ruux ii miciiniyo miyaan muuminbaba waayey meermeer gidaarreyn qarracan mayskacagajiidey38-makhrib dumey abbaarihi sidaan maloawaalaayey dadkiyoo mindhaa qaxay mugdigi mayskadabaluuday madficiyo garnaylkii miyaan wada dhexmuurraynay39-markab lagu dabaashiyo anagonmoodharraba fuulin mugdigii miyaan kula tartamay maatosoconweydey ma masiixi gaaliyo kufri baan magangalyowaadney40-afartaa maguujayo ebyayo miin ma kahiggaadshey ma maldahine maansada intaan marincadqaadsiiyey runta lagama maarmee miyaan idinmihiibsiiyeyMu-allif : Maxammed Xaaji Nuur Maxammed 1993Nov.

Gabay cusub oo lagu magacaabo
“Dagaal maya,Maya” (Qaybtii 1-aad)
01-Mahiigaamayey xalay miyaan gabay
masaafeeyey
anigoon abiidkeyba marin madalla soo joogsan
mushkilada dagaalada miyaan gole ka
maansooday
02- wuxuu nagu markaday miyaan arladi sahan
ku soo meeray
ma masaaxaduu oloshey baan maabiyayoo
baacshey
ma madluum la ooy baan murtidan uunka
maqashiiyey
03-mad-habaha islaamkiyo dartood Eebbow
magacaaga
macaawimo dhakhso leh Maaligow maanta nala
gaaro
maddad & miyaan iri Allow Malakyo noo soo
dir
04-muxsiniin ayaa nagu jiriyo duul mashaayikh
ahoo
ku mucaarad baan nahay shuftada
maamuldoonka ahe
maddad & miyaan iri Allow Malakyo noo soo
dir
05-guddoonkii maroorsama ka daran maradka
daacuuno
dowladnimadu maahaan dadkoo qori
muquunshaaye
maddad & miyaan iri Allow Malakyo noo soo dir
06-walaalkii ninkii melek ku diray kaasu
madiyowye
cadaabtuu mutaystana u dheer moolka aakhiro-
e
manduubbada miyaan iri Allow madaxda noo
toosi
07-jabhaddii malcuunnimo midkale maagid ugu
duusha
mugdigudaha miinada u dhiga nabad wixii
maaggan
manduubbada miyaan iri Allow madaxda noo
toosi
08-mufsad lagama waayiyo naflaha ruux
munaafaqaho
kama maaggoh eel & in uu debin maleegaaye
manduubbada miyaan iri Allow madaxda noo
toosi
09-makhluuqoon heshiin & shar waa meherad
shaydaane
kuwa saan maslaxad noo bidow waad
murgucateene
manduubbada miyaan iri Allow madaxda noo
toosi
10-dadkaan maabka dunidiyo cirkaba meeshan
kaga aaddan
qaaraddaa madow gees dadkaan Mowle kaga
beeray
waxa marin habowshoo isku diray waa
mansuukhnimo-e
11-magaca & dhaqankiyo dadkii diinta mid ah
haystey
dadkii Maxamed Nebigood ahaa gaalna soo
marinnin
waxa marin habowshoo isku diray waa
mansuukhnimo-e
12-maskax xumo dalkaan baabbi-iyo maatadaan
le-atay
mir caqliya hadday leeyihiin libin ma
moodeene
waxa marin habowshoo isku diray waa
mansuukhnimo-e
13-afartaa maguujayo ebyayo miin ma ka
higgaadshey
ma maldahine maansada intaan marincad
qaadsiiyey
runta lagama maarmee miyaan idin mihiibsiiyey
————————————————————————
14-taariikhda mowlka ah mar aan mu-arrikhiin
haybshey
mahadhada adduunyada mar aan baaray
melefkeeda
shacab wada mankuub ahi ma dhicin maanta ka
horowe
15-umaddaan dagaal maratay oo magan Allay
haysa
umaddaan muqfuraddii taliyo maanki laga
qaaday
mucjisadi siddeedaad ayaa lagu maseeyaaye
16-waxa taw markhaantiya haddiiyaan idiin
mariyo
muhiimka ugu waaweyn haddii an maqdarad
keeno
micnayarida shacabkaas haddaan idin
maggowsiiyo
17-maamulkii markiiyuu dumiyo dowlad
magaceedba
mabda’laysku raaciyo miyaa diinba laga
maagey
xukunkiiyo miis yaal miyaa laysku wada maagay
18-muran & khilaaf damac miyaa qurun kasoo
maaxdey
madaxweyne yaa noqon miyaa lagu
heshiinwaayey
maya & anaa mudan miyaa laysku mariwaayey
19-maallootiyaal & miyaan tuugo khaddar
moodney
mahdigii sidii aay-yihiin Maxamed noo
sheegay
& macalim diineed miyaan maqallay oo raacnay
20-miidaamo dhego ma leh hadduu Melek
dhawaaqaayo
midigta & bidixdii miyaa qab isku maandhaafay
midwaliba middii kale miyay muruqyadii goysey
21-marmarsiiyo duul rabey miya mahadho weyn
geystey
ma mohoobbi & dooxashaa laga mubaax-yeelay
meydka & dhaawici miyaa mooyee kuman
dhaafay
22-miisaan la-aan qori rasaas aan majare haysan
miidaami mooyee iyadon loo malkaba eegin
militeri sidiisii miyaa laysku wada miisay
23-ma melleeshiyaad baa dadkii marax la-aan
boobay
maamuus ha joogiyo nin-ay magac ku daayaane
muslimnimoba gebigeed miyaa meeshi laga
waayey
24-Muuse & Xaashiyo ikhyaar mudaneyaal door
ah
maanlaaweyaashii raggii maammul kula dooday
midnimada raggii wadey miyay macangagiin
laysay
25-maadhiin qofkaan wadan miyaa orod miciin
moodey
maalin & habeenkeed miyay maratay beeshiiba
malaayiin dad gaariyo miyay maatadii carartay
26-annagoo martabad dowladnimo an muddaba
haysan
hayeeshee maskax ahaan naflaha ugu maqaam
liidan
mindirraacintii calam miyaa nala ku maadeystey
27-afartaa maguujayo ebyayo miin ma ka
higgaadshey
ma maldahine maansada intaan marincad
qaadsiiyey
runta lagama maarmee miyaan idin mihiibsiiyey
—————————————————————–
28-hooggiyo mashaqadaan dhacoo maaro laga
waayey
magaalooyinkaan wada rogmayo dhiiggu
mulacleeyey
maandoorshe saan cunay miyaan caro la
maaryaadey
29-miciyaha & gowsaha miyaan xoog isugu
miijey
shanabbada intaan miiqay urug mirar miyaan
gooyey
milicdoo dushayda ah miyaan dhaxan maqaar
qaatay
30-sidiiyaan magnuun ahay miyaan meelkasta u
rooray
dad is medaya suuqyada miyaan maro u haad-
haadshey
maya maya dagaal maya miyaan kula dhex-
meeraystay
31-yaa muslimiyo nabadee miyaan mowlac kala
yeeray
dhiiggaan madluumkiyo dhacuba waa macsiyad
weyne
ma ka maarsadaan iri sidani waa majuusnimo-
e
32-mukhlis iba daneeyiyo masuul culimo maan
waayey
muusannowgii qaylada miyaa lay maqliba diidey
qaar aniga meel iigu jirey may makaliggaarey
33-madfac laygu soo hagey miyaa Eebbe iga
maadshey
meegaarkay mayl dhul ah miyaa olol
muluufaaday
ma mus baan sidaanu i mudeyn maan isugu
tuuray
34-mowda & qaraxii markaan cagaha
mootaystay
is maqiiqi meeyd quban miyay marin
jallaafeeyey
mid markaan ka boodaba kan xigah mayska
maray baydad
35-naftu waa macaantee miyaan god isku
miidaanshey
madixii miyaan hoos u dhigay dhabarkiyoo
muuqda
mujrim tuug ah oo kale miyaan dhaayo
miriqleeyey
36-murugada xanuunka leh miyaan jilid
madoobaadey
miyirkii miyaa kaay is rogoon ciil matagi gaarey
masiibadiyo baabba-a miyaan oohin talo
moodey
37-maaleeyo dhaayaha miyaan milil ka sii daayey
ruux ii miciiniyo miyaan muuminbaba waayey
meermeer gidaarreyn qarracan mayska
cagajiidey
38-makhrib dumey abbaarihi sidaan malo
awaalaayey
dadkiyoo mindhaa qaxay mugdigi mayska
dabaluuday
madficiyo garnaylkii miyaan wada dhex
muurraynay
39-markab lagu dabaashiyo anagon
moodharraba fuulin
mugdigii miyaan kula tartamay maato
soconweydey
ma masiixi gaaliyo kufri baan magangalyow
aadney
40-afartaa maguujayo ebyayo miin ma ka
higgaadshey
ma maldahine maansada intaan marincad
qaadsiiyey
runta lagama maarmee miyaan idin
mihiibsiiyey
Mu-allif : Maxammed Xaaji Nuur Maxammed 1993
Nov.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s