Uncategorized

daxweyne Xasan Sh. oo ka hadlay dagaalada Kismaayo, kuna baaqay inaysan Ciidamada Kenya garab la safan #farayarenews #twitterriixhalkaan #xjournalist Muqdisho, 29 June 2013– Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ka hadlay dagaalada dib uga soo cusboonaaday Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaaladda ka soo cusboonaaday Kismaayo ayaa yiri “ Waxaan markale ku baaqayaa in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Kismaayo oo dhiig danbe oo Soomaaliyeed aan la daadin. Soomaalida wey ka soo daaleen collaado iyo dagaallo, xalna uma noqon karaan xasilinta dalka, nabad-ku wada noolaanshaha iyo horumarinta dhaqanka iyo dhaqaalaha dalka.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa xusay inay Dowladiisu ku cel celisay inaan loo baahneyn dagaalo sokeeye oo dambe, oo uu ku daato dhiig Soomaaliyeed, bilaa macno. “Dowladdu dhowr jeer bey ku cel-celisay inaan loo baahneyn dagaal sokeeye iyo dhiig Soomaaliyeed oo macno daro ah ku daata. Dowladdu waxey wadaa qorshe dib-u- heshiisiineed oo xal waara loogu helayo arrimaha Kismaayo oo keenay collaado iyo dagaallo soo noq-noqday.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa wuxuu tacsi tiiraanyo leh uu u diray qoyskii iyo qaraabadii, dadkii maanta ku wax yeeloobay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Magaalada Kismaayo. “Waxaan u tacsiyeynayaa intii ku geeriyootay dagaaladdan oo aan Eheladdooda iyo Soomaalidaba uga baryayaa in EEBBE naxariistii janno ka waraabiyo iyagana Samir iyo Iimaan EEBBE ka siiyo. Inta dhaawaca ahna waxaan EEBBE uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale dhiilaha colaadeed iyo dagaalada ayuu sheegay inay keenaan kala fogaansho, taasi ayuuna ku macneeyay midda keentay inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta beelaha degga Jubbooyinka. “Dagaallada iyo collaadahu waxey keenaan kala fogaansho, waana sababta aan u dooneyno in si nabad ah oo dib uheshiisiineed xal waara loogu helo dhammaan arrimaha taagan. 22sano oo collaado, dagaallo, dagaal oogayaal, dano gaar ah iyo mid qabiil-ba waa nagu filan-yihiin mana rabno in wiil Soomaaliyeed uu si macno daro ah ku geeriyoodo. Dowladdu wey ka go’antahay in la sii wado dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.” ayuu yiri Madaxweynaha. Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Ciidamada Dowladda Kenya uu uga digay inay garab gaar ah la saftaan, wuxuuna ugu baaqay inay dhex dhexaad ka ahaadaan. “Dowladdu waxey kaloo ugu baaqeysaa Ciidamada AMISOM ee ku-sugan Kismaayo inay dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha kala duwan ee dagaaalamaya, isla markaana ay ka islaaxiyaan xabad-joojin oo ay ciidamada dagaalamaya kala dhexgalaan si looga hortago inay dagaaladdu sii socdaan, si fursad loo siiyo dib-u-heshiisiinta iyo wadahadallada. Waana in si deg-deg ah loogu gurmadaa gar-gaaridda dadka dhaawaca ah.” ayuu sii raaciyay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

daxweyne Xasan Sh. oo ka hadlay
dagaalada Kismaayo, kuna baaqay
inaysan Ciidamada Kenya garab la safan
Muqdisho, 29 June 2013– Madaxweynaha
Dowladda Federalka ee Somaliya Prof. Xasan
Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ka hadlay
dagaalada dib uga soo cusboonaaday Magaalada
Kismaayo.
Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaaladda ka
soo cusboonaaday Kismaayo ayaa yiri “ Waxaan
markale ku baaqayaa in si sharuud la’aan ah loo
joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday
magaalada Kismaayo oo dhiig danbe oo
Soomaaliyeed aan la daadin. Soomaalida wey ka
soo daaleen collaado iyo dagaallo, xalna uma
noqon karaan xasilinta dalka, nabad-ku wada
noolaanshaha iyo horumarinta dhaqanka iyo
dhaqaalaha dalka.” Sidaasi waxaa yiri
Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xusay inay Dowladiisu ku
cel celisay inaan loo baahneyn dagaalo sokeeye
oo dambe, oo uu ku daato dhiig Soomaaliyeed,
bilaa macno.
“Dowladdu dhowr jeer bey ku cel-celisay inaan
loo baahneyn dagaal sokeeye iyo dhiig
Soomaaliyeed oo macno daro ah ku daata.
Dowladdu waxey wadaa qorshe dib-u-
heshiisiineed oo xal waara loogu helayo
arrimaha Kismaayo oo keenay collaado iyo
dagaallo soo noq-noqday.” ayuu yiri
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa wuxuu tacsi tiiraanyo leh
uu u diray qoyskii iyo qaraabadii, dadkii maanta
ku wax yeeloobay dagaaladii cuslaa ee ka
dhacay Magaalada Kismaayo.
“Waxaan u tacsiyeynayaa intii ku geeriyootay
dagaaladdan oo aan Eheladdooda iyo
Soomaalidaba uga baryayaa in EEBBE naxariistii
janno ka waraabiyo iyagana Samir iyo Iimaan
EEBBE ka siiyo. Inta dhaawaca ahna waxaan
EEBBE uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah
siiyo.” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale dhiilaha colaadeed iyo dagaalada
ayuu sheegay inay keenaan kala fogaansho,
taasi ayuuna ku macneeyay midda keentay inay
ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta beelaha degga
Jubbooyinka.
“Dagaallada iyo collaadahu waxey keenaan kala
fogaansho, waana sababta aan u dooneyno in si
nabad ah oo dib uheshiisiineed xal waara loogu
helo dhammaan arrimaha taagan. 22sano oo
collaado, dagaallo, dagaal oogayaal, dano gaar ah
iyo mid qabiil-ba waa nagu filan-yihiin mana
rabno in wiil Soomaaliyeed uu si macno daro ah
ku geeriyoodo. Dowladdu wey ka go’antahay in
la sii wado dadaallada nabadeynta iyo dib u
heshiisiinta.” ayuu yiri Madaxweynaha.
Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu
Ciidamada Dowladda Kenya uu uga digay inay
garab gaar ah la saftaan, wuxuuna ugu baaqay
inay dhex dhexaad ka ahaadaan.
“Dowladdu waxey kaloo ugu baaqeysaa
Ciidamada AMISOM ee ku-sugan Kismaayo inay
dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha kala duwan
ee dagaaalamaya, isla markaana ay ka islaaxiyaan
xabad-joojin oo ay ciidamada dagaalamaya kala
dhexgalaan si looga hortago inay dagaaladdu sii
socdaan, si fursad loo siiyo dib-u-heshiisiinta iyo
wadahadallada. Waana in si deg-deg ah loogu
gurmadaa gar-gaaridda dadka dhaawaca ah.”
ayuu sii raaciyay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s