Uncategorized

farayarenews )Daahir Aweys oo lagu wado in goordhow la keeno Muqdisho iyo ciidankii amankiisa oo … June 29, 2013 – Wararka laga helaayo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Xibin iyo Xeeb ayaa waxa ay sheegayaan in maanta la filaayo in Muqdisho lasoo gaarsiiyo Xassan Daahir Aweys oo maalmihii tegay ku sugnaa halkaasi kadib markii isaga oo baxsad ah uu gaaray. Xassan Daahir Aweys oo ah nin in badan halgan siyaasadeed oo aan marnaba guuleysan ku soo jiray ayaa waxaa wararku sheegayaan in shalay lagaa dhaadhiciyaay in Muqdisho la keeno iyada oo loo diyaariyay ciida si gaar ah isaga u ilaali doona. Ciidamada loo diyaariyay ee amaankiisa la wareego doona ayaa waxaa la sheegay in ay yihiin ciidmada Sheeh Yuusuf Maxmed Siyaad (Indha Cadde) oo ay ka wada tirsanaa jireen ururkii Xizbul Islaam ee Shabaabku bur-buriyeen. Dad xog ogaal ah oo ku sugan Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in halkaasi ay kasoo duuli doonto diyaarad soo qaadi doonta Xassan Daahir, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameeyo Habar-gidir ah oo la socda kuwaas oo garoonka Muqdisho kasoo degi doona. Xassan Daahir Aweys oo doon uga soo baxsaday Kismaayo kadib markii uu seefta gasha kala baxay Axmed Cabdi Godane ayaa waxa uu isu dhiibay Maamulka Xibin iyo Xeeb oo uu hogaamiyo nin ay kawada tirsanaa jireen ururkii Akhwaanul-muslimiin iyada oo maalmihii tegay oo dhan laga dhaadhicinayay in uu Muqdisho soo aado. Inkasta oo uu jiro guuxa ah in Xassan Daahir uu Muqdisho imaan doono ayaa hadana waxaan jirin masuul sare oo xaqiijiyay in arintaasi ay jiro oo safarka Xassan ee Muqdisho uu maanta ku beeganyahay

Daahir Aweys oo lagu wado in goordhow la keeno
Muqdisho iyo ciidankii amankiisa oo …
June 29, 2013 source warqabad )wararka laga helaayo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Xibin iyo Xeeb
ayaa waxa ay sheegayaan in maanta la filaayo in Muqdisho lasoo gaarsiiyo
Xassan Daahir Aweys oo maalmihii tegay ku sugnaa halkaasi kadib markii isaga
oo baxsad ah uu gaaray.
Xassan Daahir Aweys oo ah nin in badan halgan siyaasadeed oo aan marnaba
guuleysan ku soo jiray ayaa waxaa wararku sheegayaan in shalay lagaa
dhaadhiciyaay in Muqdisho la keeno iyada oo loo diyaariyay ciida si gaar ah
isaga u ilaali doona.
Ciidamada loo diyaariyay ee amaankiisa la wareego doona ayaa waxaa la
sheegay in ay yihiin ciidmada Sheeh Yuusuf Maxmed Siyaad (Indha Cadde) oo
ay ka wada tirsanaa jireen ururkii Xizbul Islaam ee Shabaabku bur-buriyeen.
Dad xog ogaal ah oo ku sugan Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in halkaasi ay
kasoo duuli doonto diyaarad soo qaadi doonta Xassan Daahir, siyaasiyiin iyo
odayaal dhaqameeyo Habar-gidir ah oo la socda kuwaas oo garoonka Muqdisho
kasoo degi doona.
Xassan Daahir Aweys oo doon uga soo baxsaday Kismaayo kadib markii uu
seefta gasha kala baxay Axmed Cabdi Godane ayaa waxa uu isu dhiibay
Maamulka Xibin iyo Xeeb oo uu hogaamiyo nin ay kawada tirsanaa jireen ururkii
Akhwaanul-muslimiin iyada oo maalmihii tegay oo dhan laga dhaadhicinayay in
uu Muqdisho soo aado.
Inkasta oo uu jiro guuxa ah in Xassan Daahir uu Muqdisho imaan doono ayaa
hadana waxaan jirin masuul sare oo xaqiijiyay in arintaasi ay jiro oo safarka
Xassan ee Muqdisho uu maanta ku beeganyahay

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s