Uncategorized

#farayarenews Sheekh Xasan Daahir Aweys oo soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno kale ayaa waxay goor dhow soo gaareyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka soo amba baxeyn Magaalada Cadaado. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo toddobaad kahor isaga soo goystay Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu gelinkii dambe ee maanta uu aqbalay in loo duuliyo Magaalada Muqdisho. Diyaarada Xasan Daahir Aweys ka soo qaaday Magaalada Cadaado, ayaa waxaa kaloo la socda Ergayda Khamiistii soo gaartay Cadaado iyo sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Ximin & Xeeb. Wararka ayaa waxay sheegayaan in si weyn loo adkeeyay ammaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo uu hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii guud ee ka jiray Magaalada Muqdisho. Kooxo Suxufiyiin ah ayaa waxay heegan ku yihiin Garoonka Aadan Cadde, iyadoo lagu soo waramaayo in la filaayo in uu shir jaraa’id uu ku qabto Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo dhinacyada kale ee la socda qaarkood. Waa suurta gal in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ka biyo diido in uu ka soo muuqdo shirka jaraa’id, ee Wariye-yaasha loogu yeeray in loogu qabanaayo Garoonka Aadan Cadde, maadaama uu horeyba uga biyo diiday intii uu ku sugnaa Magaalada Cadaado. Dowladda Somaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ka biyo diiday in Sheekh Xasan Daahir Aweys, uu diyaar gaar ah uu ka raaco Magaalada Cadaado, si ay u geyso dal seddexaad.

Sheekh Xasan Daahir Aweys
oo soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ee
Magaalada Muqdisho
Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno kale
ayaa waxay goor dhow soo gaareyn Garoonka
Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada
Muqdisho, kadib markii ay ka soo amba baxeyn
Magaalada Cadaado.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo
toddobaad kahor isaga soo goystay Ururka Al
Shabaab, ayaa wuxuu gelinkii dambe ee maanta
uu aqbalay in loo duuliyo Magaalada Muqdisho.
Diyaarada Xasan Daahir Aweys ka soo qaaday
Magaalada Cadaado, ayaa waxaa kaloo la socda
Ergayda Khamiistii soo gaartay Cadaado iyo
sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Ximin &
Xeeb.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in si weyn loo
adkeeyay ammaanka Garoonka Diyaaradaha
Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo
uu hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii guud ee ka
jiray Magaalada Muqdisho.
Kooxo Suxufiyiin ah ayaa waxay heegan ku yihiin
Garoonka Aadan Cadde, iyadoo lagu soo
waramaayo in la filaayo in uu shir jaraa’id uu ku
qabto Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo
dhinacyada kale ee la socda qaarkood.
Waa suurta gal in Sheekh Xasan Daahir Aweys
uu ka biyo diido in uu ka soo muuqdo shirka
jaraa’id, ee Wariye-yaasha loogu yeeray in loogu
qabanaayo Garoonka Aadan Cadde, maadaama
uu horeyba uga biyo diiday intii uu ku sugnaa
Magaalada Cadaado.
Dowladda Somaliya ayaa waxaa lagu soo
waramayaa inay ka biyo diiday in Sheekh Xasan
Daahir Aweys, uu diyaar gaar ah uu ka raaco
Magaalada Cadaado, si ay u geyso dal
seddexaad.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s