Uncategorized

#farayarenews #xjournalist Aqriso Magacyada Qaar kamid ah Saraakiil katirsanaa Al-Shabaab oo lasocda Sheekh Xasan Daahir oo Caawa Muqdisho lagu hayo Waxaa Faah Faahino dheeraad ah kasoo baxaaan Saraakiil katirsanaa Al-Shabaab oo kamid ah raga hada lasocda Sheekh Xasan Daahir Aweys laguna hayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Saraakiisha lasocota Sheekh Xasan Daahir ayaa u badan ragii horey uga tirsanaa Ururkii bur buray ee Xisbul Islaam sidoo kale kamid ahaa Ragii Al-Shabaab ku biiray kuwaa hada kamid ah Saraakiishii kasoo baxsaday Amiirka Al-Shabaab iskuna soo dhiibay Dowlada Soomaaliya. Xubnaha Saraakiisha ah ee la socda Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa kamid ah Afhayeenkii hore ee Ururkii Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin mar sii horeysana kasoo baxsaday AL-Shabaab kuna sugnaa mudooyinkii dambe Magaalada Cadaado . Waxaa kaloo kamid ah Raga Caawa lagu hayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Afhayeenkii Howlgalada Ururkii Xisbul Islaam kana mid ahaa Ragii ku biiray Al-Shabaab Maxamed Cismaan Caruus. Xubnaha kale ee lasocda Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaa kamid ah Madaxii Maaliyada Ururkii Xisbul Islaam magaciisana lagu soo koobay Sheekh Cabdi Fitaax iyo Wiil uu dhalay Sheekh Xasan Daahir kana mid ahaa Gacan yarayaasha Abihiis kaa aysan noo suurtoobin in aan helno magaciisa. Shabakada Allbanaadir.com ayaa sidoo kale ku hoolan helitaanka magacyada iyo darajooyinkooda Xubno kale oo kamid ah raga lasocda Sheekh Xasan Daahir Aweys kana mid ahaa Ururka Al-Shabaab balse hada kasoo baxsaday kooxdaasi kadib markii noloshooda halis lasoo daristay .

Aqriso Magacyada Qaar kamid ah Saraakiil
katirsanaa Al-Shabaab oo lasocda Sheekh
Xasan Daahir oo Caawa Muqdisho lagu
hayo
Waxaa Faah Faahino dheeraad ah kasoo
baxaaan Saraakiil katirsanaa Al-Shabaab oo
kamid ah raga hada lasocda Sheekh Xasan
Daahir Aweys laguna hayo Garoonka
Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada
Muqdisho.
Saraakiisha lasocota Sheekh Xasan Daahir ayaa
u badan ragii horey uga tirsanaa Ururkii bur
buray ee Xisbul Islaam sidoo kale kamid ahaa
Ragii Al-Shabaab ku biiray kuwaa hada kamid ah
Saraakiishii kasoo baxsaday Amiirka Al-Shabaab
iskuna soo dhiibay Dowlada Soomaaliya.
Xubnaha Saraakiisha ah ee la socda Sheekh
Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa kamid ah
Afhayeenkii hore ee Ururkii Xisbul Islaam
Sheekh Maxamed Macalin mar sii horeysana
kasoo baxsaday AL-Shabaab kuna sugnaa
mudooyinkii dambe Magaalada Cadaado .
Waxaa kaloo kamid ah Raga Caawa lagu hayo
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee
Magaalada Muqdisho Afhayeenkii Howlgalada
Ururkii Xisbul Islaam kana mid ahaa Ragii ku
biiray Al-Shabaab Maxamed Cismaan Caruus.
Xubnaha kale ee lasocda Sheekh Xasan Daahir
Aweys waxaa kamid ah Madaxii Maaliyada
Ururkii Xisbul Islaam magaciisana lagu soo
koobay Sheekh Cabdi Fitaax iyo Wiil uu dhalay
Sheekh Xasan Daahir kana mid ahaa Gacan
yarayaasha Abihiis kaa aysan noo suurtoobin in
aan helno magaciisa.
Shabakada Allbanaadir.com ayaa sidoo kale ku
hoolan helitaanka magacyada iyo
darajooyinkooda Xubno kale oo kamid ah raga
lasocda Sheekh Xasan Daahir Aweys kana mid
ahaa Ururka Al-Shabaab balse hada kasoo
baxsaday kooxdaasi kadib markii noloshooda
halis lasoo daristay .

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s