Uncategorized

#farayarenews #xjournalist Bal hadaba aqristoow maansadii siyaasadi aabe ma leh iyo dheehasho wacan. Aduunyadu waa ibtilo Arliga ruuxii ku nool Inuu amakaag arkaa Ileen abid way jirtoo Umadu way wada ogtee Bal aan arinkayga iyo Ararta suugaanta iyo Ujeedada hoos u dego U fiirsada idil ahaan Aduunyada laguma arag Umad aan kala danbayn Aqoonin samaanta iyo Asluubtiyo dhaqanka oo Ilaalin hidaha samaha Abkeed iyo oday ka reeb Asalkeedii horiyo Waxay abidkeed ahayd Waxuu yidhi ani miyaa Waxaan ahay inan gobeed Ugaas wiiluu dhaloo Awoowgey waa islaan Awliyaan wada nahoo Iftiin iyo nuur anagu Anaa ugu mudan dadko Abkeeda inaan ahoo Ehelkii dowladnimo Aqoona u leeyahoo Inaan ahay aar libaax Miyaad igu diidantiin Arinka anigaa iska leh Usha waa tayda qudha I doorta wax iigu dara !! Intay isa seeg wadaan Umadu kala ooddan tahay Arliga ololuhu ka jiro Arinku afar iyo badhyahay Intay wada aniga tahay Siyaasadi aabe ma leh Ogaadaay ina maqlaay Af dahabiyo uur dahsoon Abaabul wanaag u eg Iskaashi xumaata dhala Is diidmo aan naga dhamaan Isii anigaa ku mudan Infaaca anigaa iska leh Abuurka anaa lahaa Anaa udubkeeda muday Anaana usoo halgamay Anay aqalkayga tahay Aniga magacaygu yahay Askari oo laga baqaa Anigaa umadii qaribay Anigaa dhacay maal agoon Anaa gubay ehelkayaga Anaa u istaahiloo Inkaariyo awsimaad Alhuumiyo eeda qaba Anaa ah waxuu ahaa Anaa ka ah kii ahaa Anay igu wada dhan tahay Intay isa seeg wadaan Umadu kala ooddan tahay Arliga ololuhu ka jiro Arinku afar iyo badhyahay Intay wada aniga tahay Siyaasadi aabe ma leh Ismuujin anaa iska leh Anaa ubadkeed ahaa Ana idhi layma odhan Anaa eraygeeda iyo Aqoonteed igu dhantahay Indhuhu waa aniga qudha Aduunya waxii yimaad Infaacii soo kordhana Afkaygiyo labada daan Aniga uunbaa iska leh Inaan oogada sudhaa idilkeed alamsadaa Inaa aqal wayn dhistaa Umada wada aamusta asaraaarka iyo buuq ashtako eediyo dacwo afkeeda ka dhawrata amaan ii raacisaa ayaan xaq u leeyahaye misana way wad ogyiin inaan oday caanahoo Agaasima dhiiladoo Albaabka xumaantaiyo Olalaha dhiiga fura Inaan ubadkooda cunay Inaan ahay aar dad liqa Inaan ahay eeda qabe Intuu ina hebel ahaa Inaan aniguna ka ahay Inaan uga daray weliba Intu ina hebel ku falay Intaasoo iinnahiyo weliba eel ii qarsoon Ayaan la diyaar ahee Miyaad igu diidantiin Arinka anigaa iska leh Usha waa tayda qudha I doorta wax iigu dara !! Intay isa seeg wadaan Umadu kala ooddan tahay Arliga ololuhu ka jiro Arinku afar iyo badhyahay Intay wada aniga tahay Siyaasadi aabe ma leh ____ Waa Qalinkii Hal Abuurkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Bal hadaba aqristoow maansadii siyaasadi
aabe ma leh iyo dheehasho wacan.
Aduunyadu waa ibtilo
Arliga ruuxii ku nool
Inuu amakaag arkaa
Ileen abid way jirtoo
Umadu way wada ogtee
Bal aan arinkayga iyo
Ararta suugaanta iyo
Ujeedada hoos u dego
U fiirsada idil ahaan
Aduunyada laguma arag
Umad aan kala danbayn
Aqoonin samaanta iyo
Asluubtiyo dhaqanka oo
Ilaalin hidaha samaha
Abkeed iyo oday ka reeb
Asalkeedii horiyo
Waxay abidkeed ahayd
Waxuu yidhi ani miyaa
Waxaan ahay inan gobeed
Ugaas wiiluu dhaloo
Awoowgey waa islaan
Awliyaan wada nahoo
Iftiin iyo nuur anagu
Anaa ugu mudan dadko
Abkeeda inaan ahoo
Ehelkii dowladnimo
Aqoona u leeyahoo
Inaan ahay aar libaax
Miyaad igu diidantiin
Arinka anigaa iska leh
Usha waa tayda qudha
I doorta wax iigu dara !!
Intay isa seeg wadaan
Umadu kala ooddan tahay
Arliga ololuhu ka jiro
Arinku afar iyo badhyahay
Intay wada aniga tahay
Siyaasadi aabe ma leh
Ogaadaay ina maqlaay
Af dahabiyo uur dahsoon
Abaabul wanaag u eg
Iskaashi xumaata dhala
Is diidmo aan naga dhamaan
Isii anigaa ku mudan
Infaaca anigaa iska leh
Abuurka anaa lahaa
Anaa udubkeeda muday
Anaana usoo halgamay
Anay aqalkayga tahay
Aniga magacaygu yahay
Askari oo laga baqaa
Anigaa umadii qaribay
Anigaa dhacay maal agoon
Anaa gubay ehelkayaga
Anaa u istaahiloo
Inkaariyo awsimaad
Alhuumiyo eeda qaba
Anaa ah waxuu ahaa
Anaa ka ah kii ahaa
Anay igu wada dhan tahay
Intay isa seeg wadaan
Umadu kala ooddan tahay
Arliga ololuhu ka jiro
Arinku afar iyo badhyahay
Intay wada aniga tahay
Siyaasadi aabe ma leh
Ismuujin anaa iska leh
Anaa ubadkeed ahaa
Ana idhi layma odhan
Anaa eraygeeda iyo
Aqoonteed igu dhantahay
Indhuhu waa aniga qudha
Aduunya waxii yimaad
Infaacii soo kordhana
Afkaygiyo labada daan
Aniga uunbaa iska leh
Inaan oogada sudhaa
idilkeed alamsadaa
Inaa aqal wayn dhistaa
Umada wada aamusta
asaraaarka iyo buuq
ashtako eediyo dacwo
afkeeda ka dhawrata
amaan ii raacisaa
ayaan xaq u leeyahaye
misana way wad ogyiin
inaan oday caanahoo
Agaasima dhiiladoo
Albaabka xumaantaiyo
Olalaha dhiiga fura
Inaan ubadkooda cunay
Inaan ahay aar dad liqa
Inaan ahay eeda qabe
Intuu ina hebel ahaa
Inaan aniguna ka ahay
Inaan uga daray weliba
Intu ina hebel ku falay
Intaasoo iinnahiyo
weliba eel ii qarsoon
Ayaan la diyaar ahee
Miyaad igu diidantiin
Arinka anigaa iska leh
Usha waa tayda qudha
I doorta wax iigu dara !!
Intay isa seeg wadaan
Umadu kala ooddan tahay
Arliga ololuhu ka jiro
Arinku afar iyo badhyahay
Intay wada aniga tahay
Siyaasadi aabe ma leh
____
Waa Qalinkii Hal Abuurkii Cabdiraxiin Hilowle
Galayr

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s