Uncategorized

@journalist #farayarenews Wararkii ugu dambeeyay dagaalo faraha looga gubanaayo oo ka soconaaya Magaalada Kismaayo Maalintii 2-aad oo xiriir ah ayay dagaalo kulul ka sii soconayaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxayna dagaaladu u muuqdaan kuwo ka culus kuwii Jimcihii ka dhacay Magaalada Kismaayo. Dagaalada ka soconaaya Magaalada Kismaayo, ayaa waxay u dhaxeeyaan Ciidamada Maamulka Sheekh Axmed Madoobe iyo Ciidamada Col. Barre Hiiraale, oo garab ka helaaya Ciidamada Madaxweynayaasha Deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo. Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in qeybaha dagaalamaaya, ay isu adeegsanayaan noocyada kala duwan ee hubka waaweyn, oo geysanaaya khasaarooyin dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeedba leh. Xilligaan ayaa waxay dagaaladu xoogoodu ay ka kala soconayaan aagaga Hoteelada Tawakal, Cas-caseey iyo Xarunta Gobolka ee K2, iyadoo dhinacyada dagaalamaaya, ay hubka waaweyn la saaran yihiin daaraha. Daryanka sawaxanka ee noocyada kala duwan ee hubka, ayaa waxaa si weyn looga maqlayaa gees ka gees Magaalada, waxaana la dhihi karaa inta badan Kismaayo rasastu way ka dhaceysaa.. Dagaalada ayaa waxay ka fogaadeen Aargada, Shaneemo Ayaan, Haanta Biyaha iyo agagaaraha Warshadii Hilib, oo ay maanta mar ka dhaceen dagaalo, walow dib loo riixay Ciidamada Axmed Madoobe, oo soo weeraray. Inkastoo aan lagu kala adkaan dagaalada maanta ka soconaaya Kismaayo, ayaa waxaa hadana muuqaneysa inay dagaaladu ku gacan sareeyaan qeybaha ka soo horjeeda Ciidamada Ururka Raaskambooni. Dagaaladaan kulul ayaa waxay baqdin badan ay ku keeneyn dadka reer Kismaayo, waxayna dhinacyada dagaalamaaya ay ugu baaqeyn inay meelaha banaan isla aadaan, haddii ay doonayaan inay dagaalamaan. Shacabka reer Kismaayo ayaa waxay qaarkood ay isaga barakacayaan guryahooda, iyagoo doonaaya inay ka nabad galaan dagaalada, faraha looga gubanaayo ee maalintiisii 2-aad ka sii soconaaya Magaalada. Dhanka kale dagaaladaan ayaa waxay geysanayaan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, oo soo kala gaaraaya dhinacyada dagaalameysa iyo weliba dadka rayidka ah. Inta badan khasaaraha rayidka ayaa wuxuu ka soo gaarayaa, iyadoo ay madaafiicdu ugu taggayaan guryahooda, oo intoodu badan ay qaarka sare ka saaran yihiin jiingadaha, lagu dahaaro qeybaha sare ee dhismooyinka. Ilaa iyo iminka dagaalada duhurnimada maanta ka sii soconaaya Kismaayo, ayaan jirin cid ka hadashay halka la kala maraayo, iyadoo marba marka ka dambeysa ay dagaaladu sii xoogeysanayaan.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo faraha
looga gubanaayo oo ka soconaaya
Magaalada Kismaayo
Maalintii 2-aad oo xiriir ah ayay dagaalo kulul ka
sii soconayaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka
Jubbada Hoose, waxayna dagaaladu u
muuqdaan kuwo ka culus kuwii Jimcihii ka
dhacay Magaalada Kismaayo.
Dagaalada ka soconaaya Magaalada Kismaayo,
ayaa waxay u dhaxeeyaan Ciidamada Maamulka
Sheekh Axmed Madoobe iyo Ciidamada Col.
Barre Hiiraale, oo garab ka helaaya Ciidamada
Madaxweynayaasha Deegaanada Jubbooyinka
iyo Gedo.
Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa
waxay sheegayaan in qeybaha dagaalamaaya, ay
isu adeegsanayaan noocyada kala duwan ee
hubka waaweyn, oo geysanaaya khasaarooyin
dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeedba
leh.
Xilligaan ayaa waxay dagaaladu xoogoodu ay ka
kala soconayaan aagaga Hoteelada Tawakal,
Cas-caseey iyo Xarunta Gobolka ee K2, iyadoo
dhinacyada dagaalamaaya, ay hubka waaweyn la
saaran yihiin daaraha.
Daryanka sawaxanka ee noocyada kala duwan
ee hubka, ayaa waxaa si weyn looga maqlayaa
gees ka gees Magaalada, waxaana la dhihi karaa
inta badan Kismaayo rasastu way ka dhaceysaa..
Dagaalada ayaa waxay ka fogaadeen Aargada,
Shaneemo Ayaan, Haanta Biyaha iyo agagaaraha
Warshadii Hilib, oo ay maanta mar ka dhaceen
dagaalo, walow dib loo riixay Ciidamada Axmed
Madoobe, oo soo weeraray.
Inkastoo aan lagu kala adkaan dagaalada maanta
ka soconaaya Kismaayo, ayaa waxaa hadana
muuqaneysa inay dagaaladu ku gacan sareeyaan
qeybaha ka soo horjeeda Ciidamada Ururka
Raaskambooni.
Dagaaladaan kulul ayaa waxay baqdin badan ay
ku keeneyn dadka reer Kismaayo, waxayna
dhinacyada dagaalamaaya ay ugu baaqeyn inay
meelaha banaan isla aadaan, haddii ay
doonayaan inay dagaalamaan.
Shacabka reer Kismaayo ayaa waxay qaarkood
ay isaga barakacayaan guryahooda, iyagoo
doonaaya inay ka nabad galaan dagaalada, faraha
looga gubanaayo ee maalintiisii 2-aad ka sii
soconaaya Magaalada.
Dhanka kale dagaaladaan ayaa waxay
geysanayaan khasaarooyin dhimasho iyo
dhaawacba leh, oo soo kala gaaraaya dhinacyada
dagaalameysa iyo weliba dadka rayidka ah.
Inta badan khasaaraha rayidka ayaa wuxuu ka
soo gaarayaa, iyadoo ay madaafiicdu ugu
taggayaan guryahooda, oo intoodu badan ay
qaarka sare ka saaran yihiin jiingadaha, lagu
dahaaro qeybaha sare ee dhismooyinka.
Ilaa iyo iminka dagaalada duhurnimada maanta ka
sii soconaaya Kismaayo, ayaan jirin cid ka
hadashay halka la kala maraayo, iyadoo marba
marka ka dambeysa ay dagaaladu sii
xoogeysanayaan.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s