Uncategorized

War Deg Deg Ah: #xjounalist #farayarenews Meydadka Afar Askari Oo Ciidamada Kenya oo Ay Soo Bandhigeen Ciidamada Barre Hiiraale Jun 29, 2013 – jawaab Dagaalkii ayaa galay waji cusub iyadoo ay dagaalkan si toos ah ugu jiraan ciidamada lugta dawlada kenya oo garabsiinaya kooxda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in dagaalkan hadda socda uu khasaare ka soo gaarey ciidamada dawlada kenya ee qaabka nabad ilaalinta ah ku jooga kismaayo. Dhimashada Afar askari oo ka tirsan ciidamada kiiniya ayaa hadda la shaaciyey in ciidamada degaanku gacanta ku dhigeen isla markaasna doonayaan inay saxafada u soo bandhigaan,waxaana la sheegayaa in ciidamada degaanku dagaalkan ay hada kula jiraan ciidamada kiniya iyo jabhadda Raaskambooni u bedeleen qaabkii dagaalka,waxaana la sheegayaa in hadda wadooyinka magaalada si toos ah loogu dagaalamayo. Ciidamada degaanka ayaa sheegey in saacadaha soo socda saxafada u soo bandhigi doonaan maydadka ciidamada kiiniya isla markaasna ay shaacin doonan in dawlada kiiniya ay doonayso inay dalka soomaaliya u kala jabiso qaab qabiil iyadoo la shaacinayo in ciidamada kiiniya arrintaasi dhibaato xoogan ka soo food saari doonto. Xaalada ayaa ah mid cakiran,waxaana ay hadda u muuqadda in xabadi sii qaboobayso isla markaasna ciidamada kiiniya iyo kuwa raaskambooni ay ku sugan yihiin xaafado tiro yar oo ka mid ah xaafadaha magaalada kismaayo iyadoo la arkayo shacabka oo dagaal waji cusub leh u diyaar garoobaya isla markaasna doonayaan inay mawqifkooda soomaalinimo muujiyaan si ciidamada kiiniya iyo kuwa jabhadda Raaskambooni looga quusiyo gudaha kismaayo. Ugu dambeyntii inkastoo dagaalkan hadda yahay mid qaboobay hadana waxa khasaare lixaad leh ka soo gaaray shacabka magaalada kismaayo iyadoo ciidamada kiiniya si arxan darro ah magaalada ugu garaaceen madaafiicda cusub oo aan soomaaliya hore looga isticmaalin balse wax horumar ah u sameyn waayey.

War Deg Deg Ah: Meydadka Afar
Askari Oo Ciidamada Kenya oo
Ay Soo Bandhigeen Ciidamada
Barre Hiiraale
Jun 29, 2013 – jawaab
Dagaalkii ayaa galay waji cusub iyadoo ay
dagaalkan si toos ah ugu jiraan ciidamada lugta
dawlada kenya oo garabsiinaya kooxda
Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in
dagaalkan hadda socda uu khasaare ka soo
gaarey ciidamada dawlada kenya ee qaabka
nabad ilaalinta ah ku jooga kismaayo.
Dhimashada Afar askari oo ka tirsan ciidamada
kiiniya ayaa hadda la shaaciyey in ciidamada
degaanku gacanta ku dhigeen isla markaasna
doonayaan inay saxafada u soo
bandhigaan,waxaana la sheegayaa in ciidamada
degaanku dagaalkan ay hada kula jiraan
ciidamada kiniya iyo jabhadda Raaskambooni u
bedeleen qaabkii dagaalka,waxaana la
sheegayaa in hadda wadooyinka magaalada si
toos ah loogu dagaalamayo.
Ciidamada degaanka ayaa sheegey in saacadaha
soo socda saxafada u soo bandhigi doonaan
maydadka ciidamada kiiniya isla markaasna ay
shaacin doonan in dawlada kiiniya ay doonayso
inay dalka soomaaliya u kala jabiso qaab qabiil
iyadoo la shaacinayo in ciidamada kiiniya
arrintaasi dhibaato xoogan ka soo food saari
doonto.
Xaalada ayaa ah mid cakiran,waxaana ay hadda u
muuqadda in xabadi sii qaboobayso isla
markaasna ciidamada kiiniya iyo kuwa
raaskambooni ay ku sugan yihiin xaafado tiro yar
oo ka mid ah xaafadaha magaalada kismaayo
iyadoo la arkayo shacabka oo dagaal waji cusub
leh u diyaar garoobaya isla markaasna
doonayaan inay mawqifkooda soomaalinimo
muujiyaan si ciidamada kiiniya iyo kuwa jabhadda
Raaskambooni looga quusiyo gudaha kismaayo.
Ugu dambeyntii inkastoo dagaalkan hadda yahay
mid qaboobay hadana waxa khasaare lixaad leh
ka soo gaaray shacabka magaalada kismaayo
iyadoo ciidamada kiiniya si arxan darro ah
magaalada ugu garaaceen madaafiicda cusub oo
aan soomaaliya hore looga isticmaalin balse wax
horumar ah u sameyn waayey.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s