Uncategorized

Dowladda Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in la bedelo ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose kadib markii sida la sheegay dagaalka Kismaayo ay toos kaga qeyb qaateen ciidankaasi. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo kulan la qaatay xubno kamid ah wasiirada Soomaaliya ayaa kulanka kadib wuxuu sheegay in ciidanka AMISOM ee Kismaayo jooga inay dagaalka ka qeyb qaataan. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta C/shakuur Cali Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay amar cad ku bixinayso in la bedelo ciidanka Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay warka sheegaya in labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidanka Kenya ay ka qeyb qaateen dagaalka ka socda Kismaayo ayna la safteen garab kamid ah dhinacyadii Magaalada ku dagaalamay. Wuxuu sheegay in xukuumada markii ay heshay warkaasi go’aan cad ay ku qaadatay in si deg deg ah loo bedelo ciidanka Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee dagaalka Kismaayo ka qeyb qaatay. Dagaalka Kismaayo ka dhacay ayaa wuxuu ku sheegay inuu ahaa dagaal udhaxeeyay ciidan maleeshiyo beeleed ah oo kuwada sugnaa deegaankaasi dhinac kamid ahna ciidanka Kenya ay la safteen. Xukuumadda ayaa ciidanka Kenya ku eedeysay inay madaafiic ku garaaceen dadka shacabaka ah ee ku sugan Magaalada Kismaayo taasi oo khasaaro kala duwan ka geesatay magaalada Kismaayo. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay sidoo kale xabsiga dhigeen taliyihii ciidanka Dowladda ee Gobalada Jubbooyinka taasina asyan ka warqabin Dowladda.

Image

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s