Uncategorized

#farayarenews Barre Hiiraale oo shaaciyay halka uu ku suganyahay kuna goodiyay in uu dhawaan ku laabanayo Kismaayo. Barre Aadan Shire, Hiiraale oo maanta si xoog ah ay uga saareen Kismaayo ciidamada Kenya iyo dagaalamayaasha Axmed Madoobe oo is- kaashanaya ayaa waxa uu shaacaiyay in uu ku suganyahy duleedka magaalada uuna isu diyaarinayo qaabkii uu ugu laaban lahaa gudaha magaalada laga sooceyriyay. Barre Hiiraale ayaa waxa uu yiri, “Duleedka magaalada ayaan ku sugannayahay. Waa isi soo hubeyneynaa waana ku laabaneynaa Gudaha magaaladaa waxaa ka socda wax ka baxsan xeeraraka dagaalka aduunka oo ay kamid yihiin kufsi, Boob iyo tacadiyo dheeraad ah oo ay hor- seed u tahay Kenya. Innaga waxaaa magaalada naga soo saaray Kenya. Iyada ayaa hada maamuleysa magaalada oo xaquuqdeenna na duud-siisay”. “Waxyaabaha aan uga baxnay magaalada waxaa kamid ah in dhibaata culus shacabkii loo geysanayo oo madaafiic lagu duqeynayo arintaasina aysan joogsaneyn hadii uu dagaalku sii socdo dadka dhamaanayaana ay dadkeennii yihiin. Waxa aan u tureynay Shacabka. Xeelad meleteri ayeey aheyd ee ma maqnaan donno”, Barre ayaa intaa ku daray hadalkiisa Waxa uu Barre Hiiraale ka jaabay su’aal laga weydiiyay xariirka ka dhexeeya kooxdooda iyo Shabaab maadaama lagu eedeeyo in ay iska ka shanayaan dagaalka Axmed Madoobe arintaas oo uu ku sheegay mid waxba kama jiraan ah hasa yeeshee ay dhici doonto in Shabaabka iyo inta diidan Kenya ay u midoobo doonaan ka xureynta dalka ciidanka Kenya ee soo duulay iyo calooshood u shaqeestayaasha ay difaaca ka dhiganayaan.

Barre Hiiraale oo
shaaciyay halka uu ku suganyahay kuna
goodiyay in uu dhawaan ku laabanayo
Kismaayo.
Barre Aadan Shire, Hiiraale oo maanta si xoog
ah ay uga saareen Kismaayo ciidamada Kenya
iyo dagaalamayaasha Axmed Madoobe oo is-
kaashanaya ayaa waxa uu shaacaiyay in uu ku
suganyahy duleedka magaalada uuna isu
diyaarinayo qaabkii uu ugu laaban lahaa gudaha
magaalada laga sooceyriyay.
Barre Hiiraale ayaa waxa uu yiri, “Duleedka
magaalada ayaan ku sugannayahay. Waa isi soo
hubeyneynaa waana ku laabaneynaa Gudaha
magaaladaa waxaa ka socda wax ka baxsan
xeeraraka dagaalka aduunka oo ay kamid yihiin
kufsi, Boob iyo tacadiyo dheeraad ah oo ay hor-
seed u tahay Kenya. Innaga waxaaa magaalada
naga soo saaray Kenya. Iyada ayaa hada
maamuleysa magaalada oo xaquuqdeenna na
duud-siisay”.
“Waxyaabaha aan uga baxnay magaalada waxaa
kamid ah in dhibaata culus shacabkii loo
geysanayo oo madaafiic lagu duqeynayo
arintaasina aysan joogsaneyn hadii uu dagaalku
sii socdo dadka dhamaanayaana ay dadkeennii
yihiin. Waxa aan u tureynay Shacabka. Xeelad
meleteri ayeey aheyd ee ma maqnaan donno”,
Barre ayaa intaa ku daray hadalkiisa
Waxa uu Barre Hiiraale ka jaabay su’aal laga
weydiiyay xariirka ka dhexeeya kooxdooda iyo
Shabaab maadaama lagu eedeeyo in ay iska ka
shanayaan dagaalka Axmed Madoobe arintaas
oo uu ku sheegay mid waxba kama jiraan ah
hasa yeeshee ay dhici doonto in Shabaabka iyo
inta diidan Kenya ay u midoobo doonaan ka
xureynta dalka ciidanka Kenya ee soo duulay iyo
calooshood u shaqeestayaasha ay difaaca ka
dhiganayaan.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s