Uncategorized

barak obama 1 luulyo owgeed ugu Hambalyeeya Munaasabadda 01- da Luuliyo Isniin, July 01, 2013 Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama oo safar shaqo ku maraya dalal ka tirsan Qaaradda Afrika ayaa u soo diiray shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda hambalyo ku aaddan 01-da Luuliyo oo ah maalintii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystihii Talyaaniga. Soomaaliya ayaa waxaa xalay iyo maanta looga dabbaaldagayaan 53-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Koonfureed ee Somalia iyo midowgii labada gobol ee Koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya. “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca shacabka Mareykanka waxaan hambalyo ku aaddan 01-da Luuliyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu Obama ku yiri qoraal uu soo diray maanta. Sidoo kale Obama wuxuu qoraalkiisa hambalyada ah ku yiri: “Somalia waxay sannadkii lasoo dhaafay ku tallaabsatay horumar weyn, innaguma gacan weyn ayaa ka geysanay sidii deggenaasho ay ku heli lahayd.” Ugu dambeyn madaxweynaha Mareykanka wuxuu qoraalkiisa kusoo xiray in Mareykanka uu sii wadi doono xiriirka saxiibtinimo kaalmada uu Soomaaliya siiyo, sidii ay u ku gaari lahayd dimuqraadiyad, ammaan iyo nabad buuxda. Dowladda Mareykanka ayaa waxay sannadkii hore si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya kaddib 22-sano oo uu xiriirka Mareykanka iyo Somalia meesha ka maqnaa, taasoo keentay in dowlado badan oo dunida ka tirsan ay iyaguna ku dhawaaqaan inay xiriirkii Soomaaliya dib u soo celiyeen. Munaasabaddan 01-da Luuliyo ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ay dalka ka jirto dowlad rasmi ah kaddib 1991-kii markaasoo ay Soomaaliya ka dhaceen dagaallo sokeeye.

barrak obama oo ugu Hambalyeeya Munaasabadda 01-
da Luuliyo somaalida
Isniin, July 01, 2013 Madaxweynaha
dalka Mareykanka, Barack Obama oo safar shaqo
ku maraya dalal ka tirsan Qaaradda Afrika ayaa u
soo diiray shacabka Soomaaliyeed iyo
dowladdooda hambalyo ku aaddan 01-da Luuliyo
oo ah maalintii ay Soomaaliya ka xorowday
gumeystihii Talyaaniga.
Soomaaliya ayaa waxaa xalay iyo maanta looga
dabbaaldagayaan 53-sano guuradii kasoo
wareegtay markii ay xoroobeen gobollada
Koonfureed ee Somalia iyo midowgii labada
gobol ee Koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca
shacabka Mareykanka waxaan hambalyo ku
aaddan 01-da Luuliyo u dirayaa shacabka
Soomaaliyeed iyo dowladdooda uu madaxda ka
yahay Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu Obama
ku yiri qoraal uu soo diray maanta.
Sidoo kale Obama wuxuu qoraalkiisa hambalyada
ah ku yiri: “Somalia waxay sannadkii lasoo
dhaafay ku tallaabsatay horumar weyn,
innaguma gacan weyn ayaa ka geysanay sidii
deggenaasho ay ku heli lahayd.”
Ugu dambeyn madaxweynaha Mareykanka
wuxuu qoraalkiisa kusoo xiray in Mareykanka uu
sii wadi doono xiriirka saxiibtinimo kaalmada uu
Soomaaliya siiyo, sidii ay u ku gaari lahayd
dimuqraadiyad, ammaan iyo nabad buuxda.
Dowladda Mareykanka ayaa waxay sannadkii
hore si rasmi ah u aqoonsatay dowladda
Soomaaliya kaddib 22-sano oo uu xiriirka
Mareykanka iyo Somalia meesha ka maqnaa,
taasoo keentay in dowlado badan oo dunida ka
tirsan ay iyaguna ku dhawaaqaan inay xiriirkii
Soomaaliya dib u soo celiyeen.
Munaasabaddan 01-da Luuliyo ayaa waxay
kusoo beegmaysaa iyadoo ay dalka ka jirto
dowlad rasmi ah kaddib 1991-kii markaasoo ay
Soomaaliya ka dhaceen dagaallo sokeeye.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s