Uncategorized

Dhaawacyo Badan Oo Jabhadda Raaskambooni Ka Tirsan Oo La Daad-Gureynayo #farayarenews July 1, 2013 Kismaayo(AGGM) Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa ilaa maanta ah mid mashquul ah iyadoo lagu mashquulsan yahay daad gureynta boqolaal ruux oo u badan Maleeshiyaadka laga soo aruuriyay Kilinka 5-aad iyo Gaarisa Gubaay kuwaasi oo dhibaato xoogan ka soo gaartey Dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada kismaayo. Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa soo faristey in ka badan 2 diyaaradood oo waa weyn kuwaasi oo ka soo kicitimay Magaalooyinka Nairobi Iyo Galkacayo,waxaana la sheegayaa inay dhaawacyadaasi u qaadayaan Nairobi iyo Galkacayo oo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo. Inta Badan dhaawacyada ayaa la sheegeyaa inay qabaan dhaawacyo culus oo u badan madaxa,waxaana la xaqiijinayaa xaaladooda caafimaad qaarkood aan waxba looga qaban karin gudaha dalka soomaaliya iyadoo loo qaadayo kuwaasi Magaalada Nairobi,waxaana la sheegayaa inay ku jiraan dhaawacyadaasi saraakil ka tirsan jabhadda Raaskambooni. Dhinaca kale waxaa xalay iyo shalay dhaawac ahaan u geeriyooday saraakiil ka tirsan Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Seeraar Maax oo la dhashay Afhayeenka Jahbadda Raaskambooni oo laftiisa xabadu ka haleeshay Madaxa,waxaana sidoo kale dhaawac ahaan u geeriyooday 6 ka mid ah ciidamada jabhada raaskambooni ilaa xalay. Ugu dambeyntii maahan markii ugu horeysay ee Kiiniya Iyo Galkacayo loo duuliyo dhaawacyo badan oo ka tirsan Jabhada Raaskambooni oo la aaminsan yahay inuu jab balaaran ka soo gaaray dagaaladii Magaalada Kismaayo Maalmaha badan ka socday ee ay garabka ku siiyeen ciidamada kiiniya.

Dhaawacyo Badan Oo Jabhadda
Raaskambooni Ka Tirsan Oo La
Daad-Gureynayo
Published on July 1, 2013 Kismaayo(AGGM) Garoonka diyaaradaha
Magaalada Kismaayo ayaa ilaa maanta ah mid
mashquul ah iyadoo lagu mashquulsan yahay
daad gureynta boqolaal ruux oo u badan
Maleeshiyaadka laga soo aruuriyay Kilinka 5-aad
iyo Gaarisa Gubaay kuwaasi oo dhibaato xoogan
ka soo gaartey Dagaaladii dhawaan ka dhacay
magaalada kismaayo.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo
waxaa soo faristey in ka badan 2 diyaaradood oo
waa weyn kuwaasi oo ka soo kicitimay
Magaalooyinka Nairobi Iyo Galkacayo,waxaana la
sheegayaa inay dhaawacyadaasi u qaadayaan
Nairobi iyo Galkacayo oo xaaladooda caafimaad
laga dayrinayo.
Inta Badan dhaawacyada ayaa la sheegeyaa inay
qabaan dhaawacyo culus oo u badan
madaxa,waxaana la xaqiijinayaa xaaladooda
caafimaad qaarkood aan waxba looga qaban
karin gudaha dalka soomaaliya iyadoo loo
qaadayo kuwaasi Magaalada Nairobi,waxaana la
sheegayaa inay ku jiraan dhaawacyadaasi
saraakil ka tirsan jabhadda Raaskambooni.
Dhinaca kale waxaa xalay iyo shalay dhaawac
ahaan u geeriyooday saraakiil ka tirsan
Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo uu ka mid
ahaa nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Seeraar
Maax oo la dhashay Afhayeenka Jahbadda
Raaskambooni oo laftiisa xabadu ka haleeshay
Madaxa,waxaana sidoo kale dhaawac ahaan u
geeriyooday 6 ka mid ah ciidamada jabhada
raaskambooni ilaa xalay.
Ugu dambeyntii maahan markii ugu horeysay ee
Kiiniya Iyo Galkacayo loo duuliyo dhaawacyo
badan oo ka tirsan Jabhada Raaskambooni oo la
aaminsan yahay inuu jab balaaran ka soo gaaray
dagaaladii Magaalada Kismaayo Maalmaha badan
ka socday ee ay garabka ku siiyeen ciidamada
kiiniya.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s