Uncategorized

Faah Faahin kasoo baxaysa Wadahadal udhaxeeya Xasan Sh iyo Waxgaradka Beesha Habar Gidir July 1, 2013 Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayay xiisad ka dhextaagan madaxtooyada iyo odayaasha dhaqanka beelaha Habar gidir. Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa balantii kaga baxay ergada beelaha Ceyr iyo Saleebaan kaas oo ahaa inaan wax xabsi ama dhibaato kala ah loo gaysanayn Wadaadka kasoo goostay Shabaab ee Xasan Daahir Aweys. Warar aan helnay ayaa sheegaya in xubno beelaha Habar Gidir ah oo dowlada katirsan uu madaxweynaha kulan gaar ah kula yeeshay aqalka madaxtooyada si arintaas xal looga gaaro. Madaxweynaha ayaa xubnaha uu lakulmay ergo ahaan ugu diray beesha Habar Gidir, xubnaha uu madaxweynaha lakulmay waxaa kamid ah C/ Raxmaan C/Shakuur oo kasoo jeeda beesha Ceyr, Agaasimaha Madaxtooyada oo kasoo jeeda Beesha Saleebaan iyo xubno kale. Waxaa jira warar goordhow soo baxay kuwaas oo sheegaya in odayaasha dhaqanka beelahaas haatan ay kusugan yihiin xarunta Madaxtooyada, waxaana ay ka wadahadlayaan dhibaatadii ay ciidamada Nabad sugida ugaysteen iyo xariga Xasan Daahir taas oo ay dheertahay balan ka bixii Xasan Sh uu ku sameeyay beelaha Habar Gidir. C/raxmaan C/Shakuur ayaa odayaasha beesha H/gidir u sheegay odayaasha in Madaxweynaha ka xun yahay wixii ka dhacay garoonka, isla markaana Madaxweynaha diyaar u yahay inuu la kulmo odayaasha. Xiisada Labada dhinac ayaa kacday markii la garaacay odayaashii Xasan Dahir Aweys ka soo kaxeeyay degmada Cadaado iyagoo ku eedeeyay Madaxda dalka inay ku balan fureen heshiiskii markii Xasan Dahir la doonayay la wada galay. Maanta ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay banaan bax rabshado looga soo horjeeday xariga Xasan Dahir, taasoo la rumeysan yahay inay weji cusub gelisay xaalada Sheekha oo hada salka la gashay mid qabiil oo ay beeshiisu dooneyso inay dowladda Soomaaliya sii deyso.

Faah Faahin kasoo baxaysa
Wadahadal udhaxeeya Xasan Sh
iyo Waxgaradka Beesha Habar
Gidir
Published on July 1, 2013
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Magaalada
Muqdisho laga dareemayay xiisad ka dhextaagan
madaxtooyada iyo odayaasha dhaqanka beelaha
Habar gidir.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh
Maxamuud ayaa balantii kaga baxay ergada
beelaha Ceyr iyo Saleebaan kaas oo ahaa inaan
wax xabsi ama dhibaato kala ah loo gaysanayn
Wadaadka kasoo goostay Shabaab ee Xasan
Daahir Aweys.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in xubno
beelaha Habar Gidir ah oo dowlada katirsan uu
madaxweynaha kulan gaar ah kula yeeshay
aqalka madaxtooyada si arintaas xal looga gaaro.
Madaxweynaha ayaa xubnaha uu lakulmay ergo
ahaan ugu diray beesha Habar Gidir, xubnaha uu
madaxweynaha lakulmay waxaa kamid ah C/
Raxmaan C/Shakuur oo kasoo jeeda beesha
Ceyr, Agaasimaha Madaxtooyada oo kasoo
jeeda Beesha Saleebaan iyo xubno kale.
Waxaa jira warar goordhow soo baxay kuwaas
oo sheegaya in odayaasha dhaqanka beelahaas
haatan ay kusugan yihiin xarunta Madaxtooyada,
waxaana ay ka wadahadlayaan dhibaatadii ay
ciidamada Nabad sugida ugaysteen iyo xariga
Xasan Daahir taas oo ay dheertahay balan ka
bixii Xasan Sh uu ku sameeyay beelaha Habar
Gidir.
C/raxmaan C/Shakuur ayaa odayaasha beesha
H/gidir u sheegay odayaasha in Madaxweynaha
ka xun yahay wixii ka dhacay garoonka, isla
markaana Madaxweynaha diyaar u yahay inuu la
kulmo odayaasha.
Xiisada Labada dhinac ayaa kacday markii la
garaacay odayaashii Xasan Dahir Aweys ka soo
kaxeeyay degmada Cadaado iyagoo ku
eedeeyay Madaxda dalka inay ku balan fureen
heshiiskii markii Xasan Dahir la doonayay la
wada galay.
Maanta ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka
dhacay banaan bax rabshado looga soo
horjeeday xariga Xasan Dahir, taasoo la
rumeysan yahay inay weji cusub gelisay xaalada
Sheekha oo hada salka la gashay mid qabiil oo
ay beeshiisu dooneyso inay dowladda
Soomaaliya sii deyso.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s