Uncategorized

#farayarenews Taliska Guud ee Amisom oo sheegay inay fulinayaan go’aanka Dowladdu ay ku dalbatay in Ciidanka Kenya laga bedelo Kismaayo Taliska guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay sheegeen inay aqbalayaan, oo ay meel marinayaan go’aanka ka soo yeeray Dowladda Federalka ee Somaliya. Dowladda ayaa waxay Ciidamada Kenya ku eedeysay inay ka qeyb qaateen dagaaladii maal mahaan ka soconaayay Magaalada Kismaayo, sidoo kalana ay ku xasuuqeen dad fara badan oo rayid ah. Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Col. Cali Aadan Xumad, oo caawa la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wuxuu sheegay inay meel marinayaan rabitaanka Dowladda. Afhayeenka ayaa sheegay in Dowladdu ay xaq u lee dahay wixii ay dalbato, in fulinteedu laga doonaayo Taliska guud ee Amisom, isla- markaana ay ku dhaqaaqi doonaan, wax kasta oo rabitaanka Dowladda ah. Mar wax laga weydiiyay khilaafaadka ku aadan xubnaha Baarlamaanka, ee Ciidamada Amisom ee joogga Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu sheegay inaysan iyagu shaqo ku laheyn khilaafaadka u dhaxeeya Baarlamaanka, balse ay iyagu yihiin kuwii u hogaansami lahaa go’aanada Dowladda. Col. Cali Aadan Xumad ayaan kala cadeyn goorta ay isbedelka ku sameyn doonaan Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ee ku sugan Magaalada Kismaayo. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay qaarkood ku goodiyeen, in haddii isbedel lagu sameeyo Ciidamada Amisom qeybtooda labaad ee Magaalada Kismaayo, in markaasina isbedel lagu sameynaayo kuwa kale ee dalka ku sugan

Taliska Guud ee Amisom oo sheegay inay
fulinayaan go’aanka Dowladdu ay ku
dalbatay in Ciidanka Kenya laga bedelo
Kismaayo
Taliska guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee
Amisom, ayaa waxay sheegeen inay aqbalayaan,
oo ay meel marinayaan go’aanka ka soo yeeray
Dowladda Federalka ee Somaliya.
Dowladda ayaa waxay Ciidamada Kenya ku
eedeysay inay ka qeyb qaateen dagaaladii maal
mahaan ka soconaayay Magaalada Kismaayo,
sidoo kalana ay ku xasuuqeen dad fara badan oo
rayid ah.
Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee
Amisom Col. Cali Aadan Xumad, oo caawa la
hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wuxuu
sheegay inay meel marinayaan rabitaanka
Dowladda.
Afhayeenka ayaa sheegay in Dowladdu ay xaq u
lee dahay wixii ay dalbato, in fulinteedu laga
doonaayo Taliska guud ee Amisom, isla-
markaana ay ku dhaqaaqi doonaan, wax kasta oo
rabitaanka Dowladda ah.
Mar wax laga weydiiyay khilaafaadka ku aadan
xubnaha Baarlamaanka, ee Ciidamada Amisom
ee joogga Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu
sheegay inaysan iyagu shaqo ku laheyn
khilaafaadka u dhaxeeya Baarlamaanka, balse ay
iyagu yihiin kuwii u hogaansami lahaa go’aanada
Dowladda.
Col. Cali Aadan Xumad ayaan kala cadeyn goorta
ay isbedelka ku sameyn doonaan Ciidamada
Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka Midowga
Afrika ee Amisom, ee ku sugan Magaalada
Kismaayo.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay
qaarkood ku goodiyeen, in haddii isbedel lagu
sameeyo Ciidamada Amisom qeybtooda labaad
ee Magaalada Kismaayo, in markaasina isbedel
lagu sameynaayo kuwa kale ee dalka ku sugan

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s