Uncategorized

Falanqayn-Maxuu sababi karaa Xariga Xassan Daahir ?? JUL 2 Posted by idirism Xassan Daahir Aways Waxa uu aminsan yahay in uu yahay Halgamaa (Waa siduu qabee ) Usoo halgamay Mabaadii ku astaysan in Dalka Soomaaliya laga hirgaliyo dawlad ku dhisan Shareecadda Islaamka , dhowaanahaan ma bilaabin Xassan Daahir doonitaankiisaas ee waa mid muddo dheer soo socotay , 23-sanno ee dalka Soomaaliya dawlad la’aanta ahaa Xassan Daahir waxa uu usoo taagnaa ka shaqaynta sidi afkaarta uu aminsan yahay u meel marto . Si kastay u ahaato Xassan , waqtiyo kala duwan iyo magacyo urrureedyo kala gadisan ee uu madax ka noqday hoggaankana u qabtay qaybtood waxaa la soo gaaray xilli uu maanta ku xiran yahay Xabsi ku yaal magaaladda Muqdisho . Haddaba Iswayddiintu waxay noqonaysaa Maxaa ka dhalan kara xariga Xassan Daahir Aways ? Aynnu taaladda ka cabir qaadano , Waxaa shalayto magaaladda Muqdisho ka dhacay Muddaharaadyo looga soo horjeeddo in Xassan Daahir Xiraaddo , Waxaynna codsaddeed dibad baxayaashu in la sii daayo shuruud la’aan . Haddii codsigaas ay tixgalin wayddo Dawladda Villa-Somalia Maxaa ku xiga doono ? halkaan weeye Halista halka laga saadaashan karo . biloowgi shagaashamaadki marki dalka Soomaaliya burburka galay waxaa dalka Soomaaliya yimi ciidamaddi loogu magac daray UNISOM , Ciidamo ka mid ah ciidamaddi Ajaanibta ahaa oo la laayey ka dib waxay UN-ku ( Qaramadda Middoobay) ku eeddeeyeen dilka ciidamaddaas in uu ka dambeeyey Gen. Maxamed Faarax Cayddiid AUN , Muddo yar ka dibna waxaa Gollaha Qaramadda Middoobay ka soo baxay ,yeeritaan ah in Cayddiin yahay dambiile ,aynna tahay in la soo qabto , Arrintaasu waxay sababtay dagaal Ba’an , qayb ka mid ah dadka taariikhda qora iyo kuwa ka faalloodda Siyaasaddu waxay tilmaamaan in Burburki ugu waynnaa ee Muqdisho haleelaa uu markaas dhacay . Koox odayeedki (Qabyaalad) Cayddiid waxay bilaabeen dagaallo ay kaga hortagayaan UNISOM , UNISOM iyaguna waxay gaysteen xasuuq ay ugu yeereen is-difaacid , waxaa Muqdisho yimi ciidamadda Dalaayaddaha ku soo daata iyaga oo goobaayo Cayddiid , Bal wax dagaal socda oo Maalin kasta dad Soomaaliyeed dhintaan , dhaawacmaan , bara-kacaana UN-ku waa ka noqday La-raadiye-nimaddi Cayddiid . Haddaba Middaan Xassan Daahir Aways ma u ekaan kartaa taas horre oo Koox odayeedka (Qabyaalad) Xassan ma kaga hortagayaan Dagaal AMISOM , Maddaama Xassan Daahir u xiran yahay AMISOM , Waa haddi la soo dayn waayo oo siday Codsaddeen loo yeelli waayo . Mid kale oo iyadduna meesha ku jirta oo la oran karo arrinta way fogaynaysaa oo Dagaal kama fursato in ay ka dhigto ayaa dhici karta waa in shalay magaaladda Muqdisho lagu jirdilay odayaal iyo banaan baxayaal taageersan Xassan Daahir ,Waxaana taas sameeyey Ciidamadda dawladda iyo AMISIM, Waa arrin iyadduna leh xasaasiyaynta Xariga Xassan Daahir . Soo afmeeridda aynnu dhahno qabyaaladdu kama mara meesha oo koox odayeedka Xassan Daahir waxay ku fakari karaan in aan Muqdisho lagu xireen Xassan Daahir haddii aysan joogin AMISOM , Sidoo kale Madaxwaynaha Villa-Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo dalwaddaan Soomaaliya sheegata in ay dawladda u tahay Madaxda ka ahi waxa uu qaadayaa eedda Xariga Xassan Daahir , Kolkaas arrinku waa qabyaaladdoobayaa oo Koox odayeedka Xassan Sheekh ayaa Halgamaa Xassan Daahir xirtay oo AMISOM ku amray ayay noqo

Falanqayn-Maxuu sababi karaa Xariga Xassan Daahir ??

Posted by 

XassanXassan Daahir Aways Waxa uu aminsan yahay in uu yahay Halgamaa (Waa siduu qabee ) Usoo halgamay Mabaadii ku astaysan in Dalka Soomaaliya laga hirgaliyo dawlad ku dhisan Shareecadda Islaamka , dhowaanahaan ma bilaabin Xassan Daahir doonitaankiisaas ee waa mid muddo dheer soo socotay , 23-sanno ee dalka Soomaaliya dawlad la’aanta ahaa Xassan Daahir waxa uu usoo taagnaa ka shaqaynta sidi afkaarta uu aminsan yahay u meel marto .

Si kastay u ahaato Xassan , waqtiyo kala duwan iyo magacyo urrureedyo kala gadisan ee uu madax ka noqday hoggaankana u qabtay qaybtood waxaa la soo gaaray xilli uu maanta ku xiran yahay Xabsi ku yaal magaaladda Muqdisho .

Haddaba Iswayddiintu waxay noqonaysaa Maxaa ka dhalan kara xariga Xassan Daahir Aways ? Aynnu taaladda ka cabir qaadano , Waxaa shalayto magaaladda Muqdisho ka dhacay Muddaharaadyo looga soo horjeeddo in Xassan Daahir Xiraaddo , Waxaynna codsaddeed dibad baxayaashu in la sii daayo shuruud la’aan .

Haddii codsigaas ay tixgalin wayddo Dawladda Villa-Somalia Maxaa ku xiga doono ? halkaan weeye Halista halka laga saadaashan karo .

biloowgi shagaashamaadki marki dalka Soomaaliya burburka galay waxaa dalka Soomaaliya yimi ciidamaddi loogu magac daray UNISOM , Ciidamo ka mid ah ciidamaddi Ajaanibta ahaa oo la laayey ka dib waxay UN-ku ( Qaramadda Middoobay) ku eeddeeyeen dilka ciidamaddaas in uu ka dambeeyey Gen. Maxamed Faarax Cayddiid AUN , Muddo yar ka dibna waxaa Gollaha Qaramadda Middoobay ka soo baxay ,yeeritaan ah in Cayddiin yahay dambiile ,aynna tahay in la soo qabto , Arrintaasu waxay sababtay dagaal Ba’an , qayb ka mid ah dadka taariikhda qora iyo kuwa ka faalloodda Siyaasaddu waxay tilmaamaan in Burburki ugu waynnaa ee Muqdisho haleelaa uu markaas dhacay .

Koox odayeedki (Qabyaalad) Cayddiid waxay bilaabeen dagaallo ay kaga hortagayaan UNISOM , UNISOM iyaguna waxay gaysteen xasuuq ay ugu yeereen is-difaacid , waxaa Muqdisho yimi ciidamadda Dalaayaddaha ku soo daata iyaga oo goobaayo Cayddiid , Bal  wax dagaal socda oo Maalin kasta dad Soomaaliyeed dhintaan , dhaawacmaan , bara-kacaana UN-ku waa ka noqday La-raadiye-nimaddi Cayddiid .

Haddaba Middaan Xassan Daahir Aways ma u ekaan kartaa taas horre oo Koox odayeedka (Qabyaalad)  Xassan ma kaga hortagayaan Dagaal AMISOM , Maddaama Xassan Daahir u xiran yahay AMISOM , Waa haddi la soo dayn waayo oo siday Codsaddeen loo yeelli waayo .

jirdil

Mid kale oo iyadduna meesha ku jirta oo la oran karo arrinta way fogaynaysaa oo Dagaal kama fursato in ay ka dhigto ayaa dhici karta waa in shalay magaaladda Muqdisho lagu  jirdilay odayaal iyo banaan baxayaal taageersan Xassan Daahir ,Waxaana taas sameeyey Ciidamadda dawladda iyo AMISIM, Waa arrin iyadduna leh xasaasiyaynta Xariga Xassan Daahir .

Soo afmeeridda aynnu dhahno qabyaaladdu kama mara meesha oo koox odayeedka Xassan Daahir waxay ku fakari karaan in aan Muqdisho lagu xireen Xassan Daahir haddii aysan joogin AMISOM , Sidoo kale Madaxwaynaha Villa-Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo dalwaddaan Soomaaliya sheegata in ay dawladda u tahay Madaxda ka ahi waxa uu qaadayaa eedda Xariga Xassan Daahir , Kolkaas arrinku waa qabyaaladdoobayaa oo Koox odayeedka Xassan Sheekh ayaa Halgamaa Xassan Daahir xirtay oo AMISOM ku amray ayay noqo

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s