Uncategorized

Dagaal looga cabsi qabo inuu dhex maroCiiddamadda Maamulka Somaliland iyoPuntland. (Warbixin Muhiim ah).Taliyaha Ciiddamada Maamulka Somaliland eeFadhigoodu yahay Magaalada Badhan, YaasiinCismaan Saalax (Gurey) oo Telefoonka uguwaramay Shabakada, isaga oo jooga MagaaladaBadhan ayaa sheegay inay MagaalooyinkaBadhan iyo dhahar hada si buuxda gacanta uguhayaan Ciidamada Maamulka Somaliland islamarkaana ay ka saareen xubno ka socdayguddiga doorashooyinka Puntland ooMagaalooyinkaasi soo galay.Waxaanu taliye Gurey sheegay in markii ay kawar heleen in xubnahaasi ka socday Puntland ayku sugan yihiin deegaanadaasi ay CiidamadaMaamulka Somaliland weerareen isla markaanaay ka saareen meelihii ay joogeen.‘’way jirtay xili ay soo galeen magaaloyinkaDhahar iyo badhan qolo ka socotay Komishankadoorashooyinka Puntland, ka dib markii aanuogaanay inay deegaanadaasi ku jiraan, oo dadyar oo u dhashay gobolka Boosaaso ay xaganwax ka wadeen ayay ciidamada weerareenmeeshii ay joogeen, waanay baacsadeen.” Ayuuyiri Taliyaha.Yaasiin Cismaan Saalax (Gurey) waxa kale oo uusheegay in Masuuliyiin ka socday maamulkaPuntland oo hawlo ka waday Magaalada Dhaharay sidoo kale doraato weerareen kana saareenciidamada Magaaladaasi “Qolo ka socotaydhinaca Puntland oo Magaalada Dhahar dadkauga yeeraayay iyagana ciidamada ayaa shalayweeraray, dadka iyo maatada Magaaladadhexdeeda ayay rasaas ka rideen, laakiin waalaga saaray” ayuu yiri Taliye Gurey.Taliyaha ciidamada Somaliland ee gobolkaBadhan waxa kale oo uu tilmaamay in ciidamadaee aagaasi ay diyaar u yihiin isku day kasta ookaga yimaada dhinaca Puntland isla markaanaaanay maamulka Farooel uga suurtagelayn inuuwax sanduuqyo ah keeno deegaanadaasi .“Sanaaduuqda waxay doonayaan inay keenaan16 ka bisha July 6- maqribnimo laakiin waxgoboladan ugu suurtagelaya ma aha, ciidankawaa u diyaar, indhaha ayaanay ku hayaan,waxaanay eegayaan waa sanduuqa goobaha aydoonayaan in ay sanaaduuqda dhigaan ayaa lagudiyaarinayaa ciidamada oo aad iyo aad u badan,talaabo ayaanay qaadayaan ah inay indhaha kudhuftaan.” Waxaanu intaasi raaciyay “Laba gobol ooxuduud leh ayaanu nahay gobolkan Badhan waaSomaliland, gobolka barina waa majeerteeniyaoo waa Puntland, Gaalkacayo iyo Qardho ayaannabad ahayn Badhan oo Somaliland inuu Faroolesanaaduuq keeno ama carqalad ka rido waa midaan soconayn, Somaliland-na kama yeeli doontoindhahana ka laaban mayso, sida foosha xun eeuu Faroole muddada badan ugu doonayay inuunabadgelyo darro ka abuuro deegaanadan”“Waxaanu leenahay Faroole ha ogaadoarrintaasi in aanay ka soconayn, ciidanka waadiyaar oo way joogaan Dhahar, Badhan iyoLaasqorayba, aagaas oo dhan waana ku diyaar.”Ayuu yiri Taliyaha.Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka gobolkaBadhan Maxamed Faarax Cumar, oo isna xalay uwaramay shabakada, isaga oo jooga magaaladaBadhan, ayaa sheegay inay ka maamul ahaandiyaar u yihin in aanay Puntland sanduuqyokeenin magaalooyinkaasi “Arrintaasi diyaargarawgeedu wuu jiraa, ciidanka iyo ka maamulahaanba diyaar ayaanu u nahay, waxaan u soojeedin lahaa Faroole inuu faragelinta ka daayodeegaanadan iyo shacabkayaga, nin gurigiisiigubanayaa ma aha inuu guri kale isku hawlo.”.

Dagaal looga cabsi qabo inuu dhex maro
Ciiddamadda Maamulka Somaliland iyo
Puntland. (Warbixin Muhiim ah).
Taliyaha Ciiddamada Maamulka Somaliland ee
Fadhigoodu yahay Magaalada Badhan, Yaasiin
Cismaan Saalax (Gurey) oo Telefoonka ugu
waramay Shabakada, isaga oo jooga Magaalada
Badhan ayaa sheegay inay Magaalooyinka
Badhan iyo dhahar hada si buuxda gacanta ugu
hayaan Ciidamada Maamulka Somaliland isla
markaana ay ka saareen xubno ka socday
guddiga doorashooyinka Puntland oo
Magaalooyinkaasi soo galay.
Waxaanu taliye Gurey sheegay in markii ay ka
war heleen in xubnahaasi ka socday Puntland ay
ku sugan yihiin deegaanadaasi ay Ciidamada
Maamulka Somaliland weerareen isla markaana
ay ka saareen meelihii ay joogeen.
‘’way jirtay xili ay soo galeen magaaloyinka
Dhahar iyo badhan qolo ka socotay Komishanka
doorashooyinka Puntland, ka dib markii aanu
ogaanay inay deegaanadaasi ku jiraan, oo dad
yar oo u dhashay gobolka Boosaaso ay xagan
wax ka wadeen ayay ciidamada weerareen
meeshii ay joogeen, waanay baacsadeen.” Ayuu
yiri Taliyaha.
Yaasiin Cismaan Saalax (Gurey) waxa kale oo uu
sheegay in Masuuliyiin ka socday maamulka
Puntland oo hawlo ka waday Magaalada Dhahar
ay sidoo kale doraato weerareen kana saareen
ciidamada Magaaladaasi “Qolo ka socotay
dhinaca Puntland oo Magaalada Dhahar dadka
uga yeeraayay iyagana ciidamada ayaa shalay
weeraray, dadka iyo maatada Magaalada
dhexdeeda ayay rasaas ka rideen, laakiin waa
laga saaray” ayuu yiri Taliye Gurey.
Taliyaha ciidamada Somaliland ee gobolka
Badhan waxa kale oo uu tilmaamay in ciidamada
ee aagaasi ay diyaar u yihiin isku day kasta oo
kaga yimaada dhinaca Puntland isla markaana
aanay maamulka Farooel uga suurtagelayn inuu
wax sanduuqyo ah keeno deegaanadaasi .
“Sanaaduuqda waxay doonayaan inay keenaan
16 ka bisha July 6- maqribnimo laakiin wax
goboladan ugu suurtagelaya ma aha, ciidanka
waa u diyaar, indhaha ayaanay ku hayaan,
waxaanay eegayaan waa sanduuqa goobaha ay
doonayaan in ay sanaaduuqda dhigaan ayaa lagu
diyaarinayaa ciidamada oo aad iyo aad u badan,
talaabo ayaanay qaadayaan ah inay indhaha ku
dhuftaan.
” Waxaanu intaasi raaciyay “Laba gobol oo
xuduud leh ayaanu nahay gobolkan Badhan waa
Somaliland, gobolka barina waa majeerteeniya
oo waa Puntland, Gaalkacayo iyo Qardho ayaan
nabad ahayn Badhan oo Somaliland inuu Faroole
sanaaduuq keeno ama carqalad ka rido waa mid
aan soconayn, Somaliland-na kama yeeli doonto
indhahana ka laaban mayso, sida foosha xun ee
uu Faroole muddada badan ugu doonayay inuu
nabadgelyo darro ka abuuro deegaanadan”
“Waxaanu leenahay Faroole ha ogaado
arrintaasi in aanay ka soconayn, ciidanka waa
diyaar oo way joogaan Dhahar, Badhan iyo
Laasqorayba, aagaas oo dhan waana ku diyaar.”
Ayuu yiri Taliyaha.
Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka gobolka
Badhan Maxamed Faarax Cumar, oo isna xalay u
waramay shabakada, isaga oo jooga magaalada
Badhan, ayaa sheegay inay ka maamul ahaan
diyaar u yihin in aanay Puntland sanduuqyo
keenin magaalooyinkaasi “Arrintaasi diyaar
garawgeedu wuu jiraa, ciidanka iyo ka maamul
ahaanba diyaar ayaanu u nahay, waxaan u soo
jeedin lahaa Faroole inuu faragelinta ka daayo
deegaanadan iyo shacabkayaga, nin gurigiisii
gubanayaa ma aha inuu guri kale isku hawlo.”.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s