Uncategorized

Aqriso Waraaqdii ay DowladdaSoomaaliya u dirtay Midowga Afrika iyoWaraaqdaas oo Si Qalad ah loo Faafiyay?Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadaiyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada FederaalkaSoomaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyeyTaliyaha ciidamada AMISOM ee Sector 2 (Kenya)oo ay dowlada ku eedaysay inuu qeyb ka yahayxiisada ka taagan gobalada Jubooyinka.Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahayRaysalwasaare kuxigeenka ahna WasiirkaArrimaha dibada iyo Xiriirka Caalamiga MarwoFowsiyo Xaaji Yusuf ayaa loo diray xaruntaMidowga Afrika iyo IGAD.Qoraalkan ayaa marka hore lagu bilaabay indowlada Federaalka weli ku gudo jirto diyaarintashirweyne looga hadlayo arrimaha Jubooyinkaiyo sidii loo soo dhisi lahaa maamulkadeegaanadaasi.Balse Dowlada Federaalka ayaa ku sheegtayqoraalkan in ay ka xun tahay inuu hakad ku yimidguulihii ka dhanka ahaa Al Shabaab iyo dagaalkiilagula jiray, taasi oo fursad u siisay Al Shabaabinay ku mashquusho dagaalka u dhaxeeyahogaamiyaasha kooxdaasi ee ku sugan gobaladadhexe ee Sector 1 & 4.Dowlada ayaa ku eedaysay Taliyaha AMISOM eeSector 2 (Jubooyinka) inuu si toos ah ugahoryimid dadaalkii Wasaarada Gaashaandhiga eeFederaalka ugu jirtay dib u habeynta ciidamadaDowlada ee dhulkaasi ku sugan Isla markaanadhiiri geliyey inay sameysmaan kooxo hubeysanoo iska soo horjeeda oo amnigaDowlada ayaa ku eedaysay Taliyaha AMISOM eeSector 2 (Brigadier General Anthony Ngere)inuu ku dhaqaaqay tilaabooyin xad gudub ah ooay kamid yihiin:1- Xarigii loo geystay kuxigeenka Abaanduulahaciidamada Dowlada Federaalka Col.Cabaas Gurey2- In ciidamada AMISOM hub culus uadeegsadeen maleeshiyooyinka ku sugnaaKismaayo iyo goobo dad shacab ah degen yihiinQoraalka Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa lagusoo jeediyo 4 qodob oo codsi ka yimid dowladaoo ku socda Midowga Afrika oo kala ah:1- In Kismaayo la geeyo ciidamo isku dhaf ah ooka socda AMISOM kuwaasi oo si toos ah ugaamar qaadanaya taliska AMISOM ee Muqdisho2- In Baaritaan lagu sameeyo dagaalkii Kismaayoka dhacay3- In lasii daayo saraakiisha ka tirsan ciidamadadowlada ee AMISOM xirtay4- In lasoo magacaabo Saraakiil xafiidkaSiyaasada ee AMISOM oo kasoo jeedamuwaadiniin aan u dhalan wadanka ciidamadaAMISOM ee Sector 2 (Kenya).Inkastoo qoraalka dowlada lagu sheegay indagaalka ka dhacay Kismaayo 29 June uu ahaamid ka yimid xiritaankii Col.Cabaas oo kamid ahSaraakiisha Dowlada Federaalka ayaan hadanaqoraalkan lagu xusin xiisadii magaalada kadhacay iska horimaadyadii ay sababeenmaleeshiyaadka hoostaga Col.Bare Hiiraale oohada isku hogaamiya ciidamada Federaalka iyomaleeshiyaadkii magaalada laga wada saaray.Col.Hiiraale oo hada sheegay inuu hogaamiyociidamadii Federaalka iyo maleeshiyaadka ayaadhawaan sheegay in Al Shabaab ay kula midoobidoonaan la dagaalanka dalka Kenya oo uusheegay inuu yahay cadowgooda 1aad.Waxaan sidoo kale qoraalka WasaaradaArrimaha Dibada lagu xusin erayadii kasooyeeray Col.Cabaas iyo Col.Bare Hiiraale oo sitoos ah ugu baaqay in lala dagaalamo ciidamadaAMISOM ee Kenya ee ku sugan Kismaayo,walow Marwo Fowsiya ay qoraalkeeda kusheegtay in Col.Cabaas uusan wax danbi ahgelin.Dowlada Federaalka ayaa qoraalkeedan sidookale ka muuqdaa inay xasaasiyad ka qabtosaraakiisha kasoo jeeda dalka Kenya, walowaysan si toos ah afka ugu dhufan oo qodobkaafaraadka ee codsiga dowlada lagu yiri (in lasooxulo Saraakii AMISOM oo aan u dhalan Wadankaay kasoo jeedan ciidamada AMISOM ee Sector2) iyadoo aan si toos ah loo oron dalka Kenya.Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soobaxay dowlada Kenya kuna saabsan war-qadan.Warar diblumaasiyeed ayaa sheegaya indowlada Kenya ay dooneysa in ay ka dhexabuurto dhul la magac baxay Jubaland gudahadalka Soomaaliya taasoo ay maamulayaansiyaasiyiin ay saameyn ku leedahay.

Aqriso Waraaqdii ay Dowladda
Soomaaliya u dirtay Midowga Afrika iyo
Waraaqdaas oo Si Qalad ah loo Faafiyay?
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada
iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada Federaalka
Soomaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyey
Taliyaha ciidamada AMISOM ee Sector 2 (Kenya)
oo ay dowlada ku eedaysay inuu qeyb ka yahay
xiisada ka taagan gobalada Jubooyinka.
Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay
Raysalwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka
Arrimaha dibada iyo Xiriirka Caalamiga Marwo
Fowsiyo Xaaji Yusuf ayaa loo diray xarunta
Midowga Afrika iyo IGAD.
Qoraalkan ayaa marka hore lagu bilaabay in
dowlada Federaalka weli ku gudo jirto diyaarinta
shirweyne looga hadlayo arrimaha Jubooyinka
iyo sidii loo soo dhisi lahaa maamulka
deegaanadaasi.
Balse Dowlada Federaalka ayaa ku sheegtay
qoraalkan in ay ka xun tahay inuu hakad ku yimid
guulihii ka dhanka ahaa Al Shabaab iyo dagaalkii
lagula jiray, taasi oo fursad u siisay Al Shabaab
inay ku mashquusho dagaalka u dhaxeeya
hogaamiyaasha kooxdaasi ee ku sugan gobalada
dhexe ee Sector 1 & 4.
Dowlada ayaa ku eedaysay Taliyaha AMISOM ee
Sector 2 (Jubooyinka) inuu si toos ah uga
horyimid dadaalkii Wasaarada Gaashaandhiga ee
Federaalka ugu jirtay dib u habeynta ciidamada
Dowlada ee dhulkaasi ku sugan Isla markaana
dhiiri geliyey inay sameysmaan kooxo hubeysan
oo iska soo horjeeda oo amniga
Dowlada ayaa ku eedaysay Taliyaha AMISOM ee
Sector 2 (Brigadier General Anthony Ngere)
inuu ku dhaqaaqay tilaabooyin xad gudub ah oo
ay kamid yihiin:
1- Xarigii loo geystay kuxigeenka Abaanduulaha
ciidamada Dowlada Federaalka Col.Cabaas Gurey
2- In ciidamada AMISOM hub culus u
adeegsadeen maleeshiyooyinka ku sugnaa
Kismaayo iyo goobo dad shacab ah degen yihiin
Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa lagu
soo jeediyo 4 qodob oo codsi ka yimid dowlada
oo ku socda Midowga Afrika oo kala ah:
1- In Kismaayo la geeyo ciidamo isku dhaf ah oo
ka socda AMISOM kuwaasi oo si toos ah uga
amar qaadanaya taliska AMISOM ee Muqdisho
2- In Baaritaan lagu sameeyo dagaalkii Kismaayo
ka dhacay
3- In lasii daayo saraakiisha ka tirsan ciidamada
dowlada ee AMISOM xirtay
4- In lasoo magacaabo Saraakiil xafiidka
Siyaasada ee AMISOM oo kasoo jeeda
muwaadiniin aan u dhalan wadanka ciidamada
AMISOM ee Sector 2 (Kenya).
Inkastoo qoraalka dowlada lagu sheegay in
dagaalka ka dhacay Kismaayo 29 June uu ahaa
mid ka yimid xiritaankii Col.Cabaas oo kamid ah
Saraakiisha Dowlada Federaalka ayaan hadana
qoraalkan lagu xusin xiisadii magaalada ka
dhacay iska horimaadyadii ay sababeen
maleeshiyaadka hoostaga Col.Bare Hiiraale oo
hada isku hogaamiya ciidamada Federaalka iyo
maleeshiyaadkii magaalada laga wada saaray.
Col.Hiiraale oo hada sheegay inuu hogaamiyo
ciidamadii Federaalka iyo maleeshiyaadka ayaa
dhawaan sheegay in Al Shabaab ay kula midoobi
doonaan la dagaalanka dalka Kenya oo uu
sheegay inuu yahay cadowgooda 1aad.
Waxaan sidoo kale qoraalka Wasaarada
Arrimaha Dibada lagu xusin erayadii kasoo
yeeray Col.Cabaas iyo Col.Bare Hiiraale oo si
toos ah ugu baaqay in lala dagaalamo ciidamada
AMISOM ee Kenya ee ku sugan Kismaayo,
walow Marwo Fowsiya ay qoraalkeeda ku
sheegtay in Col.Cabaas uusan wax danbi ah
gelin.
Dowlada Federaalka ayaa qoraalkeedan sidoo
kale ka muuqdaa inay xasaasiyad ka qabto
saraakiisha kasoo jeeda dalka Kenya, walow
aysan si toos ah afka ugu dhufan oo qodobka
afaraadka ee codsiga dowlada lagu yiri (in lasoo
xulo Saraakii AMISOM oo aan u dhalan Wadanka
ay kasoo jeedan ciidamada AMISOM ee Sector
2) iyadoo aan si toos ah loo oron dalka Kenya.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo
baxay dowlada Kenya kuna saabsan war-qadan.
Warar diblumaasiyeed ayaa sheegaya in
dowlada Kenya ay dooneysa in ay ka dhex
abuurto dhul la magac baxay Jubaland gudaha
dalka Soomaaliya taasoo ay maamulayaan
siyaasiyiin ay saameyn ku leedahay.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s