Uncategorized

Ugaaska Beesha Ceyr oo raali geliyay Beesha Habar Gidir JULY 5, 2013 Ugaaska Beesha Ceyr ayaa Raali gelin ka bixiyay Gef uu sheegay in uu u geystay Cabdi Daahir Ugaas nuur Beesha Habar Gidir. Ugaas Axmed Ugaas Cabdulle Cali oo ah Ugaaska Beesha Ceyr oo la soo xiriiray Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu Cudur daar ka bixinayo Gef uu geystay Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo uu ugu Gefay Beesha Habar Gidir. Ugaas Axmed Ugaas Cabdulle Cali waxa uu sheegay in Odayaashii iyo waxgaradkii ka mid ahaa Ergada Cadaado ka keentay Xasan Daahir ay u tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud kadibna Guddigaasi Warbixin ay u soo Gudbinayeen Beesha Habar Gidir , isagoo Carabka ku dhuftay in Guddiggii iyo Beeshii Loo Warbixinayay uu u gafay Cabdi Daahir Ugaas Nuur taasi oo uu sheegay in uu uga Cudur daaranayo Beesha Habar Gidir. Ugaaska ayaa Markale uga Cudur daartay Odayaashii iyo Waxgaradkii Beesha Habar Gidir ee Cabdi Daahir uu ku aflagaadeeyay Hoteelka Beder ee Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ay jiraan dad Cabdi Daahir ugu yeera Ugaas hase ahaatee uusan ahayn . Sikastaba Hadalkaan ka soo baxay ugaaska Beesha Ceyr ayaa imaanaya kadib markii odayaal iyo waxgarad ay ka keeneen Xasan Daahir Aweys Degmada Cadaado kaasi oo dowladda Soomaaliya ay ku xirtay Magaalada Muqdisho , isalamarkaana Beesha Habar Gidir Xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys ay ka yeelaneysay dhaq dhaqaaqyo iyo kulamo badan

Ugaaska Beesha Ceyr oo raali geliyay
Beesha Habar Gidir JULY 5, 2013Muqdisho-(Ugaaska Beesha
Ceyr ayaa Raali gelin ka bixiyay Gef uu sheegay
in uu u geystay Cabdi Daahir Ugaas nuur
Beesha Habar Gidir.
Ugaas Axmed Ugaas Cabdulle Cali oo ah
Ugaaska Beesha Ceyr oo la soo xiriiray
Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho
ayaa waxa uu sheegay in uu Cudur daar ka
bixinayo Gef uu geystay Cabdi Daahir Ugaas
Nuur oo uu ugu Gefay Beesha Habar Gidir.
Ugaas Axmed Ugaas Cabdulle Cali waxa uu
sheegay in Odayaashii iyo waxgaradkii ka mid
ahaa Ergada Cadaado ka keentay Xasan Daahir
ay u tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Max’ud kadibna Guddigaasi Warbixin ay u soo
Gudbinayeen Beesha Habar Gidir , isagoo
Carabka ku dhuftay in Guddiggii iyo Beeshii Loo
Warbixinayay uu u gafay Cabdi Daahir Ugaas
Nuur taasi oo uu sheegay in uu uga Cudur
daaranayo Beesha Habar Gidir.
Ugaaska ayaa Markale uga Cudur daartay
Odayaashii iyo Waxgaradkii Beesha Habar Gidir
ee Cabdi Daahir uu ku aflagaadeeyay Hoteelka
Beder ee Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay
in ay jiraan dad Cabdi Daahir ugu yeera Ugaas
hase ahaatee uusan ahayn .
Sikastaba Hadalkaan ka soo baxay ugaaska
Beesha Ceyr ayaa imaanaya kadib markii odayaal
iyo waxgarad ay ka keeneen Xasan Daahir
Aweys Degmada Cadaado kaasi oo dowladda
Soomaaliya ay ku xirtay Magaalada Muqdisho ,
isalamarkaana Beesha Habar Gidir Xariga
Sheekh Xasan Daahir Aweys ay ka yeelaneysay
dhaq dhaqaaqyo iyo kulamo badan

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s