Uncategorized

Ciidamada Kenya ee kusugan Buuzaar ooMaanta loo diiday in ay biyo dhaansadaanlaguna weeraray Dhagxaan iyo uloShacab careesan oo kusugan DeegaankaBuuzaar ee Gobolka Gedo ayaa maanta biyihii udiiday Ciidamada Kenya in ay ka dhaansadaanbarkado biyaha laga dhaansado oo kuyaaladeegaankaasi .Shacabkan careesan oo aad uga xumaaDuqeymihii iyo ka qeyb galkii Ciidamada Kenyadagaaladii dhawaan ka dhacay MagaaladaKismaayo ayaa is hor istaag ku sameeyayCiidamo katirsan Dowlada Kenya oo kasoo baxayXeradooda damacsanaana in ay biyodhaansadaan.Guduumiyaha Deegaanka huusaar ee GobolkaGedo Cismaan Buulle ayaa caawa WarbaahintaMuqdisho u sheegay in shacabkan careesan aymaanta dhagxaan iyo ulo ku tuuryeeyeenCiidamada Kenya ayna ka hor istaageen iyo aybiyo dhaansadaan.Cismaan Buulle ayaa intaa raaciyay in CiidamadaKenya aysan wax jawaab ah bixin ayna dib ugulaabteen xeradooda kadib markii loo diiday biyihiiay dhaansan rabeen waxa uuna XusayGudoomiyaha Deegaanka Buusaar in shacabkuka careesan yihiin dagaaladii ay Ciidamada Kenyaka qeyb qaateen ee ka dhacay Kismaayo.Gudoomiyaha Buuzaar ayaa xusay tan iyo markiiDagaalo ay ka qeyb galeen Ciidamada Kenyadhawaan ka dhaceen Magaalada Kismaayo inaysan wada shaqeyn fiican laheyn Masuuliyiintaiyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee kusuganGobolka Gedo iyo Ciidamada Kenya ee joogaDeegaanada Gobolka Gedo.Ciidamada Kenya ee kusugan MagaaladaKismaayo ayaa lagu eedeeyay in dagaalodhawaan ka dhacay Magalaada KIsmaayo ay kaqeyb galeen lana safteen dhinac kamid ahDhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Kismaayo

Ciidamada Kenya ee kusugan Buuzaar oo
Maanta loo diiday in ay biyo dhaansadaan
laguna weeraray Dhagxaan iyo ulo
Shacab careesan oo kusugan Deegaanka
Buuzaar ee Gobolka Gedo ayaa maanta biyihii u
diiday Ciidamada Kenya in ay ka dhaansadaan
barkado biyaha laga dhaansado oo kuyaala
deegaankaasi .
Shacabkan careesan oo aad uga xumaa
Duqeymihii iyo ka qeyb galkii Ciidamada Kenya
dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada
Kismaayo ayaa is hor istaag ku sameeyay
Ciidamo katirsan Dowlada Kenya oo kasoo baxay
Xeradooda damacsanaana in ay biyo
dhaansadaan.
Guduumiyaha Deegaanka huusaar ee Gobolka
Gedo Cismaan Buulle ayaa caawa Warbaahinta
Muqdisho u sheegay in shacabkan careesan ay
maanta dhagxaan iyo ulo ku tuuryeeyeen
Ciidamada Kenya ayna ka hor istaageen iyo ay
biyo dhaansadaan.
Cismaan Buulle ayaa intaa raaciyay in Ciidamada
Kenya aysan wax jawaab ah bixin ayna dib ugu
laabteen xeradooda kadib markii loo diiday biyihii
ay dhaansan rabeen waxa uuna Xusay
Gudoomiyaha Deegaanka Buusaar in shacabku
ka careesan yihiin dagaaladii ay Ciidamada Kenya
ka qeyb qaateen ee ka dhacay Kismaayo.
Gudoomiyaha Buuzaar ayaa xusay tan iyo markii
Dagaalo ay ka qeyb galeen Ciidamada Kenya
dhawaan ka dhaceen Magaalada Kismaayo in
aysan wada shaqeyn fiican laheyn Masuuliyiinta
iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee kusugan
Gobolka Gedo iyo Ciidamada Kenya ee jooga
Deegaanada Gobolka Gedo.
Ciidamada Kenya ee kusugan Magaalada
Kismaayo ayaa lagu eedeeyay in dagaalo
dhawaan ka dhacay Magalaada KIsmaayo ay ka
qeyb galeen lana safteen dhinac kamid ah
Dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Kismaayo

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s