Uncategorized

Kaalmada Kenya ee 22 Sano Kadib Sir BaaKu Aasan (Warbixi Xiiso leh)Jul 6, 2013 – jawaabDowladda Kenya waxa ay ka mid tahay SedexdaWadan ee aan dariska nahay Waxa ayna dhul iyodadba ka haysataa Wadankeena kaasoo uusiisay Gumeystihii Ingiriiska,Waxa ay Iyada iyoItoobiyuba heshiis ku yihiin in aysan Soomaaliyaka dhalan dowlad xoogan taasna waxaacadeeyey Madaxweynihii hore ee Kenya DanielAra Moi.Dowladda Kenya in kasta oo aysan jeclayndowlad Soomaaliyeed oo xoogan hadana markiiuu dhacay dagaalkii sokeeye waxa ayalbaabadeeda u furtay Shacabkii Soomaaliyeedee ka soo qaxay Wadankoodii,Waxa aynamartigalisay Kumanaankun oo Soomaaliyeedkuwaas oo wali ku sugan Wadankeeda,qaar waaganacsadaan Iyagoo waliba Qaxooti ah halkaqaar kalena ay ku nool yihiin Xeryo Qaxootiwaana uga mahad celineynaa soo dhaweyntaasi.Fursadaha ay ka heleen Soomaalidii u sooqaxday Wadanka Kenya waa kuwa mala ilaawaanah hadaanan jisaareynin waxaana ka mid ahfursadahaasi Waxbarasho la mid ah midda ayhelaan Muwaadiniinta Kenyaanka ah,Waxaasidoo kale ka mid ah fursadahaasi ganacsi cajiibah oo laga helay Malaayiin doolar kuwaas ooqaarna dib ugu noqotay Wadankeena qaarnalagu maalgilyey Wadanka Kenya.Waxaa sidoo kale ka mid ah fursadaha ay heleenSoomaalidii u soo qaxday Kenya dib u dajin dalalkale sida North America iyo Yurub taasooiyadana qeyb weyn ka qaadatay noloshaMalaayiin Soomaaliyeed oo ku nool gudaha iyodibadda,Waxa uuna noqday Wadanka Kenyasida wadankeenii labaad oo kale Anagoo isagakala kooshno Qaaradaha Aduunka in kastoopolice-ka Wadankaasi uu dhibo SoomaalidaQaxootiga ah taasna waxaa nala wadaagoQaxootiyada kale.Labadadii Sano ee la soo dhaafay waxa aydowladda Kenya ku howlaneed arimo badan ooxumeyn kara xiriirka u dhaxeeyo labada dal iyolabada Shacab meeshana ka saari kara abaalsheegedkii ay Soomalida u haysay dowladda iyoShacabka Kenya,Waxa ayna dowladda Kenyafaraha la gashay arimaha Siyaasadda SoomaaliyaIyadoo soo hubeysay Maleeshiyooyin ay kusheegtay in ay u tababartay dowladdaSoomaaliya,Waxa ayna sidoo kale dabada kariixeysay Maamulkii Azaaniya ee uu GaandiAtooraha ka ahaa.Kuma aysan ekaan intaasi waxa ay markii uguhoreysay dowladda Kenya u soo dirtayciidankeeda Wadanka Soomaaliya Iyadoomarmarsiiyo ka dhiganeysay in XarakadaAlshabaab ay dad ka soo afduubatay gudahaKenya ayna amaan daro ka wadaan gudahaWadankaasi,taasoo ahayd farsamo ay Kenya kusoo galaysay gudaha Wadanka Soomaaliyalaakiin aysan fahmin Soomali badan oo ka mid ahkuwa ay hadda cabaadayo oo u haystay in ayKenya u timid sidii ay u caawin lahayd dadka iyodowladda Soomaaliyeed.Dowladda Kenya waxa ay soo galeenciidamdeeda Wadanka Iyaga oo aan waxogolaansho ah ka haysan dowladdii markaasijirtay taasoo ahayd sharci daro weyn balsewaxaa si aan ka fiirsasho lahayn u soodhaweeyey Siyaasiyiin badan iyo qaar ka mid ahMaamulada ka jira Wadanka,kuwaas oo kalahortagay ciidamadii sharci darada ku soo galayWadanka mahadnaq iyo soo dhaweyn aan xadlahayn balse markii danbe banaanada ku ooyeyka dib markii ay la safatay Kooxda RaaskanbooniEx Wadaadadii Al-Itixaad.Dood iyo buuq dheer ka dib waxaa la siiyeyciidamada Kenya ee sharci darada ku soo galayWadanka magaca Amisom waxa ayna kahowlgaleen gobolada Jubooyinka iyo GedoIyadoo Mandate-koodu ahaa in ay la dagaalaanKooxda Alshabaab ayna ka caawiyaan dowladdaFederaalka wixii ay u baahato balse taasi madhicin,Waxa ayna Ciidamada Kenya faraha lagaleen howl aan shaqadoodii ahayn Iyagoo sibareer ah u taageeray KooxdaRaaskanbooni,Waxa ayna ugu danbeynmeeshiina ka dhiseen Maamul uu Madaxweynoka yahay Axmed Madoobe Ex GudoomiyihiiMaxaakiimta ee Jubooyinka!!Dowladda Kenya oo markii horeba lagueedeynayey Maamulkii Azaaniya ee uu hogaankau hayey Gaandi ayaa mar kale waxaa lagueedeeyey in ay ka danbeysey doorashadiiAxmed madoobe,Waxaana xigay in ay si toos ahuga qeyb qaadato dagaaladii ka dhacayMagaalada Kismaayo si meesha looga saarodhamaan dhinacyadii diidanaa faragelintaKenya.Waxaana ka dhashay arinkaasi xiisadweyn oo keeni karta colaad sidoo kalenagalaafan karta wax badan oo wanaag ah oo udhaxeeyey labada Wadan hadaan laga hortaginmaanta.Hadda xaalku waxa uu marayaa meel xun waxaauuna sababi karaa hadaanan xal loo helin indagaal toos ah oo lagu qaado Ciidamada Kenyaee jooga Jubooyinka iyo Gedo, haday taasidhacdana waxaa ku xigaya in Somalida ku noolWadanka Kenya laga dhigo wax la dilo iyo wax ladhaco taasina dan nooguma jirto Iyaga iyoInagaba hadabo maxaa xal ?Waxaan soo jeedinayaa dhowr qodob.1-In Baarlaamnku soo saaro sharci cusub oo kamamnuucayo dowladaha safka hore in ay kahowl galaan gudaha Wadanka Soomaaliya duruufkastaba ha jirte.2-In dowladdu Federaalku soo saarto Jadwalcad oo muujinayo xiliga ay ka baxayaanCiidamada Shisheeyaha Wadanka guud ahaangaar ahaan kuwa safka hore.3-In dowladda Federaalka kala hadashofaragelinta Kenya iyo cawaaqibka ka dhalan karaHay’adda Qaramada Midoobay iyo AfricanUnion-ka4-In dowladda Federaalka dedejiso Shirka dib-uheshiisiiinta arimaha Jubooyinka inta aysanarimuhu faraha ka bixin5-In dowladda federaalka ay xaalka dejiso intiisuurtagal ah kana hortagto beelaha ku baaqayoin la weeraro Ciidamada Kenyo inta hantida iyoQaxootiga Soomaaliyeed laga soo saarayogudaha Kenya.6-In ay Soomaalidu ka waantowdo horbooddidafaragelinta Shisheeyaha kana heshiiyaan wixiikhilaafaad ah.7-In Culimada iyo dadka Soomaaliyeed eeWaxgaradka ah ka hortagaan colaaddansokeeyo ee laga hurinayo gobolada jubooyinkaiyo Gedo (26)

Kaalmada Kenya ee 22 Sano Kadib Sir Baa
Ku Aasan (Warbixi Xiiso leh)
Jul 6, 2013 – jawaab
Dowladda Kenya waxa ay ka mid tahay Sedexda
Wadan ee aan dariska nahay Waxa ayna dhul iyo
dadba ka haysataa Wadankeena kaasoo uu
siisay Gumeystihii Ingiriiska,Waxa ay Iyada iyo
Itoobiyuba heshiis ku yihiin in aysan Soomaaliya
ka dhalan dowlad xoogan taasna waxaa
cadeeyey Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel
Ara Moi.
Dowladda Kenya in kasta oo aysan jeclayn
dowlad Soomaaliyeed oo xoogan hadana markii
uu dhacay dagaalkii sokeeye waxa ay
albaabadeeda u furtay Shacabkii Soomaaliyeed
ee ka soo qaxay Wadankoodii,Waxa ayna
martigalisay Kumanaankun oo Soomaaliyeed
kuwaas oo wali ku sugan Wadankeeda,qaar waa
ganacsadaan Iyagoo waliba Qaxooti ah halka
qaar kalena ay ku nool yihiin Xeryo Qaxooti
waana uga mahad celineynaa soo dhaweyntaasi.
Fursadaha ay ka heleen Soomaalidii u soo
qaxday Wadanka Kenya waa kuwa mala ilaawaan
ah hadaanan jisaareynin waxaana ka mid ah
fursadahaasi Waxbarasho la mid ah midda ay
helaan Muwaadiniinta Kenyaanka ah,Waxaa
sidoo kale ka mid ah fursadahaasi ganacsi cajiib
ah oo laga helay Malaayiin doolar kuwaas oo
qaarna dib ugu noqotay Wadankeena qaarna
lagu maalgilyey Wadanka Kenya.
Waxaa sidoo kale ka mid ah fursadaha ay heleen
Soomaalidii u soo qaxday Kenya dib u dajin dalal
kale sida North America iyo Yurub taasoo
iyadana qeyb weyn ka qaadatay nolosha
Malaayiin Soomaaliyeed oo ku nool gudaha iyo
dibadda,Waxa uuna noqday Wadanka Kenya
sida wadankeenii labaad oo kale Anagoo isaga
kala kooshno Qaaradaha Aduunka in kastoo
police-ka Wadankaasi uu dhibo Soomaalida
Qaxootiga ah taasna waxaa nala wadaago
Qaxootiyada kale.
Labadadii Sano ee la soo dhaafay waxa ay
dowladda Kenya ku howlaneed arimo badan oo
xumeyn kara xiriirka u dhaxeeyo labada dal iyo
labada Shacab meeshana ka saari kara abaal
sheegedkii ay Soomalida u haysay dowladda iyo
Shacabka Kenya,Waxa ayna dowladda Kenya
faraha la gashay arimaha Siyaasadda Soomaaliya
Iyadoo soo hubeysay Maleeshiyooyin ay ku
sheegtay in ay u tababartay dowladda
Soomaaliya,Waxa ayna sidoo kale dabada ka
riixeysay Maamulkii Azaaniya ee uu Gaandi
Atooraha ka ahaa.
Kuma aysan ekaan intaasi waxa ay markii ugu
horeysay dowladda Kenya u soo dirtay
ciidankeeda Wadanka Soomaaliya Iyadoo
marmarsiiyo ka dhiganeysay in Xarakada
Alshabaab ay dad ka soo afduubatay gudaha
Kenya ayna amaan daro ka wadaan gudaha
Wadankaasi,taasoo ahayd farsamo ay Kenya ku
soo galaysay gudaha Wadanka Soomaaliya
laakiin aysan fahmin Soomali badan oo ka mid ah
kuwa ay hadda cabaadayo oo u haystay in ay
Kenya u timid sidii ay u caawin lahayd dadka iyo
dowladda Soomaaliyeed.
Dowladda Kenya waxa ay soo galeen
ciidamdeeda Wadanka Iyaga oo aan wax
ogolaansho ah ka haysan dowladdii markaasi
jirtay taasoo ahayd sharci daro weyn balse
waxaa si aan ka fiirsasho lahayn u soo
dhaweeyey Siyaasiyiin badan iyo qaar ka mid ah
Maamulada ka jira Wadanka,kuwaas oo kala
hortagay ciidamadii sharci darada ku soo galay
Wadanka mahadnaq iyo soo dhaweyn aan xad
lahayn balse markii danbe banaanada ku ooyey
ka dib markii ay la safatay Kooxda Raaskanbooni
Ex Wadaadadii Al-Itixaad.
Dood iyo buuq dheer ka dib waxaa la siiyey
ciidamada Kenya ee sharci darada ku soo galay
Wadanka magaca Amisom waxa ayna ka
howlgaleen gobolada Jubooyinka iyo Gedo
Iyadoo Mandate-koodu ahaa in ay la dagaalaan
Kooxda Alshabaab ayna ka caawiyaan dowladda
Federaalka wixii ay u baahato balse taasi ma
dhicin,Waxa ayna Ciidamada Kenya faraha la
galeen howl aan shaqadoodii ahayn Iyagoo si
bareer ah u taageeray Kooxda
Raaskanbooni,Waxa ayna ugu danbeyn
meeshiina ka dhiseen Maamul uu Madaxweyno
ka yahay Axmed Madoobe Ex Gudoomiyihii
Maxaakiimta ee Jubooyinka!!
Dowladda Kenya oo markii horeba lagu
eedeynayey Maamulkii Azaaniya ee uu hogaanka
u hayey Gaandi ayaa mar kale waxaa lagu
eedeeyey in ay ka danbeysey doorashadii
Axmed madoobe,Waxaana xigay in ay si toos ah
uga qeyb qaadato dagaaladii ka dhacay
Magaalada Kismaayo si meesha looga saaro
dhamaan dhinacyadii diidanaa faragelinta
Kenya.Waxaana ka dhashay arinkaasi xiisad
weyn oo keeni karta colaad sidoo kalena
galaafan karta wax badan oo wanaag ah oo u
dhaxeeyey labada Wadan hadaan laga hortagin
maanta.
Hadda xaalku waxa uu marayaa meel xun waxaa
uuna sababi karaa hadaanan xal loo helin in
dagaal toos ah oo lagu qaado Ciidamada Kenya
ee jooga Jubooyinka iyo Gedo, haday taasi
dhacdana waxaa ku xigaya in Somalida ku nool
Wadanka Kenya laga dhigo wax la dilo iyo wax la
dhaco taasina dan nooguma jirto Iyaga iyo
Inagaba hadabo maxaa xal ?
Waxaan soo jeedinayaa dhowr qodob.
1-In Baarlaamnku soo saaro sharci cusub oo ka
mamnuucayo dowladaha safka hore in ay ka
howl galaan gudaha Wadanka Soomaaliya duruuf
kastaba ha jirte.
2-In dowladdu Federaalku soo saarto Jadwal
cad oo muujinayo xiliga ay ka baxayaan
Ciidamada Shisheeyaha Wadanka guud ahaan
gaar ahaan kuwa safka hore.
3-In dowladda Federaalka kala hadasho
faragelinta Kenya iyo cawaaqibka ka dhalan kara
Hay’adda Qaramada Midoobay iyo African
Union-ka
4-In dowladda Federaalka dedejiso Shirka dib-u
heshiisiiinta arimaha Jubooyinka inta aysan
arimuhu faraha ka bixin
5-In dowladda federaalka ay xaalka dejiso intii
suurtagal ah kana hortagto beelaha ku baaqayo
in la weeraro Ciidamada Kenyo inta hantida iyo
Qaxootiga Soomaaliyeed laga soo saarayo
gudaha Kenya.
6-In ay Soomaalidu ka waantowdo horbooddida
faragelinta Shisheeyaha kana heshiiyaan wixii
khilaafaad ah.
7-In Culimada iyo dadka Soomaaliyeed ee
Waxgaradka ah ka hortagaan colaaddan
sokeeyo ee laga hurinayo gobolada jubooyinka
iyo Gedo (26)

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s