Uncategorized

Hiiraale oo Kismaayo ku wajahan iyoCiidamada Kenya iyo kuwa Raaskanboonioo Heegan kujiraGobolada Gedo iyo Jubbooyinka Warar kaimaanaya ayaa sheegaya in abaabul dagaal ooxoogan uu ka socdo degmooyin ka tirsangoboladaasi kaasoo la sheegay inuu ku jiheysanyahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaJubbada hoose, waxaana lasheegay inabaabulkaasi ay wadaan ciidamo ka soo horjeedaciidamada Raaskambooni ee kismaayo ku sugan.Sida warku sheegayo qaar kamid ahDegmooyinka Gobolka Gedo ayaa la sheegayaainay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan ooxoogan kuwaasoo ay wadaan ciidamada dawladafederaalka ah & kuwa degaanka ee ku sugandegmooyinkaasi, iyagoo qorshaynaya in qaar kamid ah ciidamadooda u diraan magaaladaKismaayo, si ay ugu biiraya ciidamo kale oo katirsan kuwa Barre hiiraale oo ku sugan duleedkamagaalada Kismaayo.Warku wuxuu intaaasi ku darayaa inciidamadaasi oo aan ilala hadda la ogeyntiradooda ay doonayaan inay xoog ku soo jiiraandegaano ka tirsan gobolada jubbada dhexe iyoJubbada hoose oo ay ka taliyaan xoogaga Al-shabaab, waxayna wataan sida la sheegay gadiiddagaal iyo hub kala duwan, inkastoo aan lashaacin waqtiga ay ka soo ambabaxayaandhinaca gobolka Gedo.Ciidamada ayaa la sheegaya inay ku wajahanyihiin degaano ka tirsan gobollada Jubooyinkahalkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo dawladafederaalka ah iyo kuwo degaanka ah oodhawaan laga saarey magaalada Kismaayowaxaana la sheegaya in ciidamadanigarabsiinayaan kuwa dawlada federaalka ah eedhawaan ka baxay Kismaayo.Dhanka kale, afhayeen u hadlay ciidamada Col.Barre Hiiraale ee ku sugan agagaarka Kismaayoayaa warbaahinta u sheegay inay udiyaargaroobeen sida uu yiri dagaal ay la galaanciidamada Raaskaanbooni, isagoo xusay in haddiiay soo aadaan hadda kadib ciidamada dowladdaKenya ay iyana dagaal culus la geli doonaan,wuxuuna afhayeenkaasi ku dooday in markiihore aysan u diyaargaroobin dagaal ay la galaanciidamaada dowladda Kenya, kaliyana aydoonayeen inay dagaal la galaan ciidamadaRaaskambooni oo uu sheegay inay sooweerareen fariisamadii ay ku la hayeen gudahamagalada Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray inhadda ay diyaar u yihiin dagaal ay la galaanciidamada Kenya haddii ay soo weeraan.Kismaayo Wararka kale aan ka heleyno ayaasheegaya in ciidamada raaskaanbooni oo aywehliyaan kuwa dalka Kenya ayaa iyana wadadhaqdhaqaaq dagaal oo ku wajahan sida lasheegay goobo ka baxsan magaalada Kismaayo.Sida warku sheegayo maamulka gacanta ku hayamagaalada kismaayo ayaa la sheegay inayciidamo dheeraad ah oo meelo kala duwan katagay ay gaareen kuwaas oo u badan sida lasheegay kuwo tababar ugu dhamaaday gooboku yaalla gobolka J/hoose, waxaana la sheegayin qaar kamid ah ciidamadaasi ay doonyo kuyimaadeen maalmo ka hor dekedda MagaaladaKismaayo.Dagaalo ka dhacay dhowaan magaaladaKisnaayo ayaa waxaa ku geeriyooday kudhowaad 100 ruux oo shacab ah halka 300 ookale ay ku dhaawacmeen, waxaana dowladaSomalia ay ku eedeysay ciidamada Kenya eeAMISOM ka tirsan iney ka qeyb qaateendagaalkaas lana safteen dhinac ka mid ahdhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo

Hiiraale oo Kismaayo ku wajahan iyo
Ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskanbooni
oo Heegan kujira
Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka Warar ka
imaanaya ayaa sheegaya in abaabul dagaal oo
xoogan uu ka socdo degmooyin ka tirsan
goboladaasi kaasoo la sheegay inuu ku jiheysan
yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka
Jubbada hoose, waxaana lasheegay in
abaabulkaasi ay wadaan ciidamo ka soo horjeeda
ciidamada Raaskambooni ee kismaayo ku sugan.
Sida warku sheegayo qaar kamid ah
Degmooyinka Gobolka Gedo ayaa la sheegayaa
inay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo
xoogan kuwaasoo ay wadaan ciidamada dawlada
federaalka ah & kuwa degaanka ee ku sugan
degmooyinkaasi, iyagoo qorshaynaya in qaar ka
mid ah ciidamadooda u diraan magaalada
Kismaayo, si ay ugu biiraya ciidamo kale oo ka
tirsan kuwa Barre hiiraale oo ku sugan duleedka
magaalada Kismaayo.
Warku wuxuu intaaasi ku darayaa in
ciidamadaasi oo aan ilala hadda la ogeyn
tiradooda ay doonayaan inay xoog ku soo jiiraan
degaano ka tirsan gobolada jubbada dhexe iyo
Jubbada hoose oo ay ka taliyaan xoogaga Al-
shabaab, waxayna wataan sida la sheegay gadiid
dagaal iyo hub kala duwan, inkastoo aan la
shaacin waqtiga ay ka soo ambabaxayaan
dhinaca gobolka Gedo.
Ciidamada ayaa la sheegaya inay ku wajahan
yihiin degaano ka tirsan gobollada Jubooyinka
halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo dawlada
federaalka ah iyo kuwo degaanka ah oo
dhawaan laga saarey magaalada Kismaayo
waxaana la sheegaya in ciidamadani
garabsiinayaan kuwa dawlada federaalka ah ee
dhawaan ka baxay Kismaayo.
Dhanka kale, afhayeen u hadlay ciidamada Col.
Barre Hiiraale ee ku sugan agagaarka Kismaayo
ayaa warbaahinta u sheegay inay u
diyaargaroobeen sida uu yiri dagaal ay la galaan
ciidamada Raaskaanbooni, isagoo xusay in haddii
ay soo aadaan hadda kadib ciidamada dowladda
Kenya ay iyana dagaal culus la geli doonaan,
wuxuuna afhayeenkaasi ku dooday in markii
hore aysan u diyaargaroobin dagaal ay la galaan
ciidamaada dowladda Kenya, kaliyana ay
doonayeen inay dagaal la galaan ciidamada
Raaskambooni oo uu sheegay inay soo
weerareen fariisamadii ay ku la hayeen gudaha
magalada Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray in
hadda ay diyaar u yihiin dagaal ay la galaan
ciidamada Kenya haddii ay soo weeraan.
Kismaayo Wararka kale aan ka heleyno ayaa
sheegaya in ciidamada raaskaanbooni oo ay
wehliyaan kuwa dalka Kenya ayaa iyana wada
dhaqdhaqaaq dagaal oo ku wajahan sida la
sheegay goobo ka baxsan magaalada Kismaayo.
Sida warku sheegayo maamulka gacanta ku haya
magaalada kismaayo ayaa la sheegay inay
ciidamo dheeraad ah oo meelo kala duwan ka
tagay ay gaareen kuwaas oo u badan sida la
sheegay kuwo tababar ugu dhamaaday goobo
ku yaalla gobolka J/hoose, waxaana la sheegay
in qaar kamid ah ciidamadaasi ay doonyo ku
yimaadeen maalmo ka hor dekedda Magaalada
Kismaayo.
Dagaalo ka dhacay dhowaan magaalada
Kisnaayo ayaa waxaa ku geeriyooday ku
dhowaad 100 ruux oo shacab ah halka 300 oo
kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dowlada
Somalia ay ku eedeysay ciidamada Kenya ee
AMISOM ka tirsan iney ka qeyb qaateen
dagaalkaas lana safteen dhinac ka mid ah
dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s